News Update :

Maxaa Cusub

Maqaalo Diini

Muuqaalo

Formula 1 News

Hagaajinta Cibaadada (Salaadda, Soonka, Xajka iwm Su\aalo iyo jawaabo

Wednesday, February 15, 2012

Hagaajinta Cibaadada (Salaadda, Soonka, Xajka iwm)
S1: Maxaa shardi u ah cibaadada?
J: In la niyeesto.
S2: Halkee laga niyeystaa?
J: Qalbiga, ma bannaana ku dhawaaqida.
S3: Waa imisa tiirarka Islaamka? Kala sheeg?
J: Waa 5,
(1)Waa in uu qofku rumeeyaa in uu ilaah kali yahay, nabi Muxammad (scw) uu yahay rasuul ilaah soo diray.
(2) Salaadda oo la hagaajiyo.
(3) Sakada oo la bixiyo.
(4) Bisha ramadaan oo la soomo.
(5) Xajka oo la aado (qofkii awooda).
S4: Waa imisa tiirarka iimaanka? Kala sheeg?
J: (1) Ilaah oo la rumeeyo.
(2) Malaa`ikta oo la rumeeyo.
(3) Kutubta oo la rumeeyo.
(4) Rususha oo la rumeeyo.
(5) In qiyaamo ay jirto la rumeeyo.
(6)In aad rumeyso wixi kugu dhaca in ilaah uu kuu qoray (wax fiican iyo wax xunba).
S5: Waa maxay dahaaro marka laga hadlayo fiqiga?
J: Waa nadaafad kuu ogolaaneysa tukashada salaadda.
S6: Sheeg maxaa nijaasada ah?
J: (1) Kaadida.
(2) Saxarada.
(3) Dhiigga.
(4) Matagga.
(5) Dhareerka eyga.
(6) Madi (biyaha yimaado shahwada kahore(uu kacsado).
(7) Wadi (biyaha yimaada marka qofku kaadiyo kaddib ama saxarada iska riixo).
S7: Sheeg wax yaabaha aan nijaasada aheyn?
J: (1)Dhiigga yar sida(hilibka dhiiggiisa, beerka dhiiggiisa marka la gowraco, sangorarka ).
(2)Dhoobada wadada (dhiiqada).
(3)Carunka sida (dheecaanka, malaxda aan ka imaan farjiga).
S8: Ma nijaas baa haddii maradu gaarto mani(shahwo)?
J: Maya, waa daahir,laakiin waxaa fiican haddii ay qoyaan tahay in la dhaqo,haddii ay qaleeyl tahay in faraha lagu jajabiyo.
S9: Waa sidee haddii aan shakkiyo maro daahir aheyd in ay nijaas noqotay?
J: Waa daahir, waayo haddii uu shakki yimaado waxaa la qaadanayaa kan la hubo.
S10: Waa sidee haddii aan shakkiyo maro nijaas aheyd in aan dahiray?
J: Waa nijaas.
S11: Ma nijaas baa xayawaanka la cuno saxaradooda iyo kaadidooda?
J: Maya.
S12: Sidee loo dahirayaa kaarbeetka(roogga) haddii nijaaso ay gaarto?
J: Waxaa lagu dahirayaa in lagu shubo biyo kabadan nijaasada.
S13: Goorma ayuu hilibka xoolaha xalaal yahay?
J: Marka bisinka lagu qalo.
S14: Goormuu diggaagu xalaal yahay?
J: Marka bisinka lagu qalo.
S15: Mala cuni karaa xayawaanka bada ku nool oo dhan?
J: Haa.
S16: Ma xalaal baa hilibka faraska?
J: Haa.
S17: Goormuu qofku qaangaaraa?
J: (1) Haddii uu buuxiyo 15 sano.
(2) Ama mani ay katimaado.
(3) Bisqin (shuun) uu u soo baxo.
(4) Gabadha ay katimaado caado(xayd).
S18: Goormeey biyuhu nijaaso naqdaan?
J: Marka uu is badalo midabkoodu, ama urkoodu, ama dhadhankoodu.
S19: Maxaa ka reeban qofka ku jira musqusha?
J: in uu gacanta midig cowrada(farjiga ama dabada) ku taabto ama uu ku dhex sheekeysto.
S20: Mala geli kartaa kitaab qura`aan musqusha?
J: Maya.
S21: Mala geli kartaa musqul cajalad qur`aan ah ama mp3 qur`aan ay ku duubanyahay?
J: Haa.
S22: Ma lagu istinjoon karaa dhul bannaan?
J: Haa, laakiin qiblada lama ogola in loo jeesto ama loo dhabar jeediyo.
S23: Sidee ugu wanaagsan ee looga qubeeystaa janaabada?
J: (1) Gacmaha ayaa la dhaqayaa.
(2) Farjiga (xubinta taranka ayaa la dhaqayaa.
(3) Waa la weysa qaadanayaa.
(4) Madaxa (timaha)ayaa3 jeer la dhaqayaa.
(5) Kaddibna inta hartay ayaa la dhaqayaa isagoo kabilaabaya dhanka midig.
S24: Sheeg weelasha aan lagu weysa qaadan karin ama wax lagu cuni karin ama lagu cabi karin?
J: Waa kuwa laga sameeyay dahabka iyo qalinka.
S25: Mala isticmaali karaa weelasha gaaladu ay wax lu cabaan?
J: Haa, laakiin waa in la dhaqaa.
S26: Imisa shey baa lagu weeysa qaataa? Kala sheeg?
J: Waa 2, biyaha iyo ciida.
S27: Sheeg side ugu wanaagsan ee loo weysa qaataa?
J: (1) Bisinka ayaa lagu bilaabayaa.
(2) Gacmaha oo 3 jeer la dhaqo.
(3) Afka oo 3 jeer la dhaqo.
(4) Sanka oo 3 jeer biyo lagula duufsado.
(5) Wajiga oo 3 jeer la dhaqo.
(6) Gacmaha ilaa suxulka oo 3 jeer la dhaqo.
(7) Timaha oo dhan biyo la mariyo mar qura (hal mar soojeed iyo siijeed oo ay ku jiraan dhagaha).
(8) Lugaha ilaa cirbaha oo la dhaqo.
S28: Maxaa jabiya waysada?
J: (1) Hurdada.
(2) Hilibka geela.
(3) Waxkasta oo kasoo baxa horey iyo gadaal sida (Saxarada & Kaadida iwm).
(4) Cawrada oo la taabto.
(5) Caqliga oo taga sida(waalida,sakhraamida,iyo suuxdinta).
S29: Ma waajib baa bisinka marka la weeysa qaadanayo?
J: Maya,waa sunno.
S30: Maxaa ka mid ah wax yaabaha qubeeyska waajibiya?
J: (1) Shahwada(biyaha raga iyo dumarka marka ay qaangaaraan) oo ka timaada.
(2) Galmada.
(3) Dhiiga caadada (xaydka).
(4) Qofka oo islaama.
(5) Dhimashada (qofka oo dhinta).
S31: Yaa ku weeysa qaata ciida?
J: (1) Haddii uu biyo waayo.
(2) Haddii uu isticmaalo biyaha xannuunku ku kordhayo.
(3) Ama dhaawaca bogsashadiisu uu dib u dhacayo.
(4) Haddii biyuhu aad iyo aad u qabow yihiin uusan haysan wax uu ku kululeeyo.
S32: Sidee loogu weeysa qaataa ciidda?
J: Labada calaacalood ayaa dhulka lagu dhufananyaa hal mar, kadibna waxaa la marinayaa wajiga, kadibna labada calaacalood dushooda(faraha korkooda).
S33: Maxaa jabiya marka ciida lagu weysa qaato?
J: (1) Biyo aad hesho.
(2) Wixii jabin jiray marka biya lagu weysa qaato.
S34: Maxaa ka xaaraan ah qofka janaabada qaba?
J: (1) Salaadda.
(2) Dawaafka.(kacbada oo 7 jeer lagu wareego).
(3) Taabasha qur`aanka.
(4) Aqrinta qur`aanka.
(5) Masjidka oo lagu nagaado(in badan la joogo).
S35: Maxaa ka xaaraan ah haweeneyda xaydka (caadada)qabta?
J: (1) In ay tukato.
(2) In ay soonto.
(3) In kitaabka qura`aanka aqriso ama taabato.
(4) In kacbada ay dawaafto.
(5) In masjidka ay ku nagaato.
(6) In galmo ay sameyso.
S36: Imisa salaad ayaa laga doonayaa haweeneydu hadii daahir noqoto qoraxda inta aysan dhicin?
J: Salaadda duhur iyo casar waayo waa kuwa la isku jamciyo.
S37: Imisa salaad ayaa laga doonayaa haweeneydu haddii ay daahir noqoto inta aysan soo galin salaada subax?
J: Salaadda maqrib iyo cishaha.
S38: Sheeg salaadaha iyaga qura ay tukaneyso?
J: Haddii daahir ay noqoto salaadda subax kadib, salaadda duhur kaddib iyo salaadda maqrib, waayo iyaga laguma jamciyo wax iyaga ka horreeya.
S39: Ma laga rabaa haweeneydu salaadda haddii xayd ka yimaado iyadoo waqtiga salaadda ay daahir aheyd in la eg rakco?
J: Haa.
S40: Maxaa ka xaaraan ah qofka aan weysa qabin?
J: (1) Salaadda.
(2) Dawaafka kacbada.
(3) Taabashada kitaabka qur`aanka.
S41: Ma laga aqrin karaa dusha qur`aanka weysa la`aan?
J: Haa.
S42: Ma jabeeysaa haddii la taabto farjiga ama dabada weysada?
J: Haa.
S43: Ma jabeysaa weysada haddii lataabto nijaaso?
J: Maya, laakiin waxaa waajib ah in la iska dhaqo.
S44: Sideen yeelayaa haddii gacantu ay duubantahay ama uu dhibayo biyaha?
J: Gacantaada oo qoyan baad kula masaxeysaa.
S45: Muxuu sameynayaa qofku haddii aanu kala garaneyn in uu weysa qaatay iyo in aanu weysa qaadan?
J: Wuu weysa qaadanayaa.
S46: Muxuu sameynayaa haddii uu hubo in uu weysa qaatay balse uu ka shakkiyay in weysadii ka jabtay?
J: Uma baahna weeysa qaad, waayo weysada ayuu hubaa.
S47: Ma aadaamayaan dumarku haddii ay jamac yihiin?
J:Maya, ma adimayaan mana ay aqimayaan.
S48: Sheeg shuruudaha salaadda? Waa imisa?
J: Waa 5,
(1) Waqtiga salaadda oo gala.
(2) In qofku daahir ka yahay (jirkiisa,dharkisa, halka u ku tukanayo,iyo in uu weysa qabo).
(3) In cawrada la qariyo.
(4) In qiblada loo jeesto.
(5) In la niyeesto.
S49: Waa imisa tiirarka salaadda? Kala sheeg?
J: Waa 14,
(1) In la istaago.
(2) In la dhaho allaahu akbar.
(3) In faatixada la aqriyo.
(4) In la rukuuco.
(5) In laga istaago rukuucda.
(6) In la sujuuda.
(7) In laga kaco sujuuda.
(8) In la fariisto labada sujuud dhexdooda.
(9) In la fariisto ataxiyaadka dambe.
(10) In la aqriyo ataxiyaadka dambe.
(11) In nabiga oo lagu salaiyo.
(12) In la salaama naqsado.
(13) In la tartiibiyo(in lagu xasilo).
(14) In aanan lakala hormarin(sida ay iskugu xigxigaan).
S50: Ma jabeysaa salaadda haddii laga tago mid ka mid tiirarka salaadda?
J: Haa.
S51: Maxaa jabiya salaadda?
J: (1) Kas oo loo hadlo.
(2) Qiblada oo laga weecdo.
(3) Labada cawro oo wax kasoo baxaan.
(4) Dhaqaaq fara badan.
(5) Qosolka.
(6) Cunid iyo cabid.
S52: Mala soo celinayaa haddii latukado weyso la`aan salaadda?
J: Haa.
S53: Ma la soo celinayaa salaadda haddii aan xusuusto in marada aan ku tukaday nijaas tahay?
J: Maya.
S54: Ma soo celinayaa salaadda haddii qofku ogaado in qibladii uu u tukaday qalad aheyd?
J: Maya.
S55: Ma lagu tukan karaa kabaha?
J: Haa.
S56: Ma laga rabaa qofka xannuunsan salaadda?
J: Haa, hadduu wax kala garanayo.
S57: Sidee ayuu u tukanayaa qofka xannunsan?
J: Sida uu awooda,marka hore istaag kadib fadhi, kaddibna jiif.
S58: Imise xubnood ayaa laga sujuudaa? Kala sheeg?
J: Waa 7,
(1) Wajiga.
(2) Sanka.
(3-4) Labada calaacalood (midig,bidix).
(5-6) Labada jilbood (midig,bidix).
(7) Labada lugood farahooda.
S59: Maxuu sameeynayaa qofku haddii uu shakiyo salaadda imisa ayuu tukaday ma 3 mise 4?
J: Waxuu qabsanayaa tirada yar, kaddibna labo sujuud ayuu la imaanayaa inta uusan salaadda ka bixin.
S60: Muxuu sameynayaa qofku haddii la aqimo isagoo sunno ku jiro?
J: Haddii qofku rakcada 1aad ku jiro wuu ka baxayaa salaada,
haddii rakcada 2aad uu ku jiro wuu dhameystirayaa.
S61: Ma waajib baa in safka la simo salaadda?
J: Haa.
S62: Ma istaagi karaa qof kaligiis saf haddii safka hore uu buuxo?
J: Haa.
S63: Ma raacayaa qofku haddii imaamku u kaco rakco 5aad?
J: Maya, haddii aad ogtahay in uu qaldamay.
S64: Ma ku raacayaa qofku haddii imaamku attaxiyaadka 1aad uu ilaawo?
J: Haa.
S65: Maxaan sameeynayaa haddii aan shakiyo anigoo ma´muum(qofka imaamka gadaashiisa ku tuknaya) ah?
J: Wax kasoo qaad malaha, waayo imaamka ayaa qaladka kaa qaadaya.
S66: Sidee ayaa imaamka loo sixi karaa?
J: Dumaraku way sacbinayaan, raguna waxay dhahayaan subxaanal- laah.
S67: Halkee ayaa imaamka salaadda lagala xirtaa?
J: Meesha uu markaas marayo.
S68: Sujuudu-tilaawa(waa sujuuda qur`aanka aqriskiisa ku timaada) ma leedahay xirasho iyo salaama naqsi?
J: Maya.
S69: Ma waajib baa salaadda jimco?
J: Haa.
S70: Imisa qof ayay jimcadu ku ansaxdaa?
J: Waxay ku ansaxeysaa 3 qof oo uu imaamku ku jiro.
S71: Yeey ku waajibeeysaa salaadda jimcaha?
J: Raga qaangaarka ah, ee caafimaadka qaba, musaafir aheyn.
S72: Sheeg xili aysan jimcadu waa jib aheyn ?
J: Waa marka ay isku beegmaan malin ciid iyo maalin jimco.
S73: Yaa loo ogol yahay in uu duhur tukado maalinta jimcaha iyo ciida isku beegmaan?
J: Waa qofka maalintaas tukada salaada ciida.
S74: Muxuu sameynayaa qofku haddii uu soo galo masjidka iyadoo uu socdo aadaanka jimcaha?
J: Wuu tukanayaa, ma sugayo inta uu aadaanku ka dhamaanayo.
S75: Ma hadli karaa qofka khudbada jimcaha oo socota?
J: Maya.
S76:Sideen ku aamusiyaa haddii aan arko qof hadlaya?
J: Hadii aad aragto qof hadlaya gacanta kala hadal.
S77: Ma hadli karaa qofku labada khudbo dhexdooda?
J: Haa.
S78: Imisa ayuu tukanayaa qofka salaadda jimcaha ka soo gaara attaxiyaadka?
J: Wuxuu tukanayaa 4 rakca oo duhur ah.
S79: Ma safri karaa qofku maalinta jumcaha?
J: Haa, laakiin haddii aadaanka 2aad la adimo maya .
S80: Maxaa u banaan musaafirka ?
J: In uu salaadda gaabiyo iyo in uu afuri karo maalin ramadaan.
S81: Sheeg salaadaha lagaabiyo safarka?
J: Duhur,casar,cishe waxaana la tukanayaa mid kastaa 2 rakco.
S82: Sheeg salaadaha la isku jamciyo(la isku qabto)?
J: Waa, (1)duhur iyo casar.
(2)magrib iyo cishe.
S83: Goormaa la gaabiyaa salaadda safarka?
J: Marka qofku magaaldiisa ka baxo.
S84: Goor muusan gaabin karin musaafirka salaadda?
J: Marka uu magaaladiisa yimaado.
S85: Haddii aad saaran tahay diyaarad, waqtigii salaadda ay soo gashay,qibladana aadan garaneynin, sideed yeeleysaa?
J: Haddii aad ka baqeysid inta aysan diyaaradu caga dhigan in salaaddu ay kaa tagto, waxaad qiblada weydiineysaa dadka kula saaran diyaarada, haddii ay garan waayaan waxaad u tuken meesha aad is leedahay qiblada ayaa jirta.
S86: Maku tukan karaa qofka fadhi diyaarada isagoo awooda istaaga balse ka xishoonaya dadka?
J: Maya,lama ogola.
S87: Sheeg sunnooyinka rawaatibka (la daa`imo) Waa imisa?
J: Waa 12 rakco, (2 subaxa kahor, 2 duhurka kahor, 4 duhurka kadib, 2 maqribka kadib, 2 cishaha kadib).
S88: Sheeg sunnada uusan ka tagi jirin Nabiga(scw) haddii uu musaafir yahay iyo haddii uu joogo?
J: Waa sunnada salaadda subax.
S89: Majiraan sunnooyin kale? Maxaa kamid ah?
J: Haa, sida (witriga, salaatul-leylka, salaatul-duxaa,
salaatul- istikhaarah, salaatu-taraawiix,salaatul-ciid).
S90: Midee ugu fadli badan salaadaha sunnada?
J: Salaatul-laylka.
S91: Maku xirankaraa qof raba in uu tukado salaad farad qof kale oo tukanaya salaad sunno ah?
J: Haa.
S92: Goormaa la tukadaa salaatul-istikhaara?
J: Marka aadan ogeyn in sheygu uu ku jiro khayr iyo shar.
S93: Sidee baa loo istikhaareeystaa?
J: Marka hore 2 rakco sunna ah ayaad tukan,kadibna ducadaan ayaad aqrineysaa
اللهم إني أستخيرك بعلمك، وأستقدرك بقدرتك، وأسألك من فضلك العظيم، فإنك تقدر ولا أقدر، وتعلم ولا أعلم، وأنت علام الغيوب. اللهم إن كنت تعلم أن هذا الأمر magaca waxa uu ku istikhaareeysanayo ayuu sheegi
خيراً لي في ديني ومعاشي ومعادي وعاقبة أمري؛ فاقدره لي، ويسره لي، وبارك لي فيه. اللهم وإن كنت تعلمه شراً لي -مثل الأول- فاصرفني عنه، واصرفه عني، واقدر لي الخير حيث كان، ثم رضني به، أو قال: في عاجل أمري وآجله
S94: Waa imisa rakco sunnatu-duxaa?
J: Waxaa ugu yar 2 rakco, waxaa ugu badan 8 rakco.
S95: Sheeg waqtiga la tukado sunnatu-duxaa?
J: Waa marka ay qoraxda soo baxdo rubuc saac kadib, illaa
10 daqiqo kahor inta aysan qoraxdu wareegan(waqtiga duhur).
S96: Waa imisa rakco salaadda ciida?
J: Waa 2 rakco.
S97: Waa imisa takbiirta(allahu-akbar) salaadda ciidda?
J: Rakcada koowaad waa 7, rakcada labaad waa 5.
S98: Salaadda janaazada ma leedahay rukuuc iyo sujuud?
J: Maya.
S99: Maxaa la aqriyaa salaadda janaazada?
J: (1) Faatixada.
(2) Salliga nabiga.
(3) Meydka oo loo duceeyo.
(4) Dhinaca midig oo halmar loo salaama naqsado.
S100: Halkee laga istaagayaa meytka marka lagu tukanayo?
J: Raga madaxa agtiisa ayaa laga istaagayaa, haweenkana dhexda.
S101: Sheeg goobaha(meelaha) aan lagu tukan karin?
J: (1) Qabuuraha.
(2) Qashin qubka.
(3) Musqulaha.
(4) Golaha geela(meesha geela fariisto ama ku hoydo).
S102: Maxaa xaaraan ah in qabriga lagu sameeyo?
J: (1) In lagu socda.
(2) In lagu fariisto.
(3) In ladhiso.
(4) In wax lagu qoro.
S103: Imisa saka ayaa jirta? Kala sheeg?
J: Waa 2, (1)Sakaatul-maal.
(2)Sakaatul-fidri.
S104: Imisa sheey ayaa sakada laga bixiyaa?
J: (1) Xoolaha, sida geela ariga iyo lo`da.
(2) Waxa dhulka ka soo baxa sida (abuurka ,miraha).
(3) Dahabka iyo qalinka iyo wixii u dhigma sida (lacagta).
(4) Badeecadaha.
S105: Ma laga sakeynayaa guryaha,baabuurta iyo alaabaha yaala guryaha?
J: Maya, laakiin haddii laga beecmushtarayo haa.
S106: Ma laga sakeeynayaa xoolaha deen lagaaga qaatay?
J: Haa, haddii aad ka helaysid qofka aad deemisay, laakiin haddii aadan ka qaadan karin kama sakeyneeysid.
S107: Goormaa laga sakeeyaa waxa dhulka ka soo baxa?
J: Marka ay gaaraan waqtiga gurashada.
S108: Waa maxay nisaab?
J: Waa marka ay hantidu gaarto xadka laga sakeeyo.
S109: Goormaa laga sakeeynayaa xoolaha (geela, lo`da, ariga)?
J: (1) Marka nisaab (xaddiga sakada) ay gaaraan .
(2) Sanad ay ka soo wareegato.
(3) Sanadka intiisa badan ay daaq u baxdo.
S110: Sakada malaga rabaa haddii xooluhu ay nisaab ka yar yihiin?
J: Maya.
S111: Maxaa u nisaab ah geela (imisa ayaa geela laga sakeynayaa)
J: Marka uu gaaro 5.
S112: Maxaa u nisaab ah lo`da?
J: Marka ay gaarto 30.
S113: Imisa ayaa ariga u nisaab ah?
J: Marka uu gaaro 40.
S114: Imisa ayaa laga sakeeynayaa dahabka?
J: 85 gram, waxaana ka waajibaya 2.5% uuna kasoo wareego sanad.
S115: Imisaa ayaa laga sakeynayaa qalinka?
J: Marka uu gaaro 595 gram.
S116: Imisa ayaa laga sakeynayaa lacagta?
J: Marka ay gaarto lacag u dhiganta 85 garm oo dahab ah, ama 595 gram oo qalin ah,waxaa wanaaagsan in lagu xisaabiyo qalinka maadaama uu ka raqiisan yahay.
S117 : Goormaa ayaa sako lagarabaa lacag xadka sakada gaartay?
J: Marka ay ka soo wareegato sanad.
S118: Mala hormarin karaa sakada bixinteeda?
J: Haa 2 sano uun.
S119: Sakada bixinteeda mala dib dhigi karaa?
J: Maya.
S120: Yaa la siinayaa sakada?
J: 8 qolo,
(1) Fuqarada.
(2) Masaakiinta.
(3) Shaqaalaha ka shaqeeya sakada.
(4) Kuwa lasoo dhawaynayo quluubtooda(soo islaamay).
(5) Kuwa la xureeynayo.
(6) Kuwa awoodi waaya bixinta deenta(ku cuslaatay).
(7) Musaafirka ay sahayda ka go`day.
(8) Jika alle oo loo bixiyo.
S121: Mala siin karaa hal qolo oo kamid sideedaas?
J: Haa.
S122: Yeey ka mamnuuc tahay in sako lasiiyo?
J: (1) Gaalka.
(2) Qaraabada nabiga.
(3) Naagta ninkoodu xoola leeyahay.
(4) Assalkaada sida(aabe ama awoowe).
(5) Faracaada sida (ilmahaada iyo waxa ay dhalaan).
S123: Waa kuwee qaraabada nabiga?
J: Waa reer banuu-haashim iyo reer banul-muddalib.
S124: Yeey ku waajibeeysaa sakaatul-fidri?
J: Musalimiinta dhamaan yar iyo weyn.
S125: Imisaa la bixinayaa?
J: Suus raashin ah(3kilo) ee laga cuno dhulkaas.
S126: Goormaa la bixinayaa sakaatul-fidri?
J: Qorax dhaca maalinta ugu dambeeysa ramadaan illaa salaada ciida la tukado.
S127: Ma laga hor marin karaa maalin ama 2 maalmood?
J: Haa.
S128: Ma la bixin karaa sakaatul-fidriga lacag?
J: Maya.
S129: Sheeg bilaha islaamka?
J: (1)muxarram, (2)safar, (3)rabiicul-awwal, (4)rabiicu-thaanii,
(5)jumaadil-uulaa, (6)jumaadil-thaanii, (7)rajab, (8)shacbaan
(9)ramadaan, (10)shawwaal, (11)thul-qicdah, (12)thul-xijjah.
S130: Ma jiraa soonkiisa haddii qofku uusan soon ku seexan habeennimadii?
J: Maya.
S131: Sheeg shuruudaha soonka?
J: Waa in uu yahay,
(1) Muslim.
(2) Qaangaar.
(3) Wax kala garanaya (aan waalneeyn).
(4) Awooda (aan xanuunsaneyn).
(5) Musaafi aheeyn.
(6) In aysan jirin wax kahor istaagaya, sida xaydka iyo nifaaska(dhiigga ka yimaada haweenka marka ay dhalaan).
S132: Sheeg waxa jabiya soonka?
J: (1) Kas oo loo cuno ama loo cabo.
(2) Galmo la sameeyo.
(3) Shahwada oo kas la iskaga keeno.
(4) Xaydka.
(5) Nifaaska (dhiigga dhalmada).
(6) Irbada nafaqada keenta oo la qaato.
(7) Kas laysku matajiyo.
() Diinta oo laga baxo(riddoobid).
S133: Ma qubeysan karaa qofku galab hadii uu sooman yahay?
J: Maya.
S134: Ma jabayaa soonka haddii far la geliyo dhegta ama sanka?
J: Maya.
S135: Majiraa soonkiisa qof toosay isagoo janaaba qaba?
J: Haa.
S136: Ma laga rabaa soon haweeneyda dhiigga ka joogsaday habeenki inta aan la adimin salaada subax?
J: Haa.
S137: Waa kee xanuunka la ogol yahay in la afuro?
J: Waa haddii naftiisa uu dhimasho ugala baqo, ama cudurka uu u maleeynayo in uu ku siyaadayo.
S138: Ma afuri kartaa haweeneyda uurka leh ama nuujineysa?
J: Haa, haddii nafteeda ay u baqdo ama ubadkeeda(ilmaheeda).
S139: Maxaa lagu leeyahay marka ay afurto haweeneyda uurka leh ama nuujineysa?
J: Waxaa lagu leeyahay soon qura.
S140: Sidee buu yeelayaa qofka xannunsan ee gabowga ah(waayeel), ama qofka aan la fileyn in uu ka kaco cudurkaas?
J: Maalin kastaa oo ramadaan ayuu miskiin siinayaa suus barkiisa( kilo iyo bar ) cuntada halkaas laga cuno.
S141: Maka soomi karaa waalidkey dhintay haddii soon lagu lahaa ?
J: Haa.
S142: Ma qaleyneey saa soonka haweeneeyda xaydka qabta?
J: Haa, laakiin salaadda maya.
S143: Maxay ku kala duwan yihiin salaadda taraawiixda iyo salaatul-laylka?
J: Waa salaatul-leylki oo la nasanayo 4 rakco kastaa kaddib.
S144: Ma leedahay taraawiixdu tiro go`an?
J: Maya, intii la doono ayaa la tukan karaa.
S145: Muxuu sameynayaa qofku haddii uu yimaado masjidka iyadoo taraawiix la tuknayo balse ay u harsan tahay cishe?.
J: Wuxuu la xiranayaa imaamka ,balse waxuu niyeysanayaa cishaha, wixii u dhiman wuxuu dhameystirayaa marka uu imaamku salaama naqsado kaddib.
S146: Muxuu sameynayaa qofku hadii taraawiixdu dhaafto qayb?
J: Waxaad u istaageysaa inta kuu harsan marka imaamku witriga dhameeyo kaddibna waad witrineysaa.
S147: Maxaa u bannaan qofka haddii uu doonayo in uu habeenki tahajud tukado?
J: In witriga uu dib dhigto, iyo in uu imaamka witriga la dhameysto balse marka uu tahajudka usoo kaco uusan witri labaad tukan.
S148: Ma bannaantahay aqrinta kitaab qur`aan adigoo tukanaya?
J: Haa.
S149: Waa goorma waqtiga salaadda witriga?
J: Waa inta u dhaxeysa cishaha iyo subaxa.
S150: Imisa ayaa ugu yar salaadda witriga?
J: Hal rakco,waxaana la tukan karaa 3 rakco oo isku xigta,ama 5 rakco oo isku xigta.
S151: Ma la tukan karaa laba witri hal habeen?
J: Maya.
S152: Sidee baa kuu banaan marka aad sadex witri tukaneysid?
J: In aad tukatid 2 rakco kadibna 1 rakco,ama in aad isku qabato 3da rakco (hal attaxiyaad aad ku dhameyso).
S153: Sheeg maalmaha aan la soomi karin?
J: (1) Ciidul-fidri.
(2) Ciidul- adxaa.
(3) Sadexda maalmood ee ka dambeysa ciidul adxaa.
(4) Maalin shaki uu ku jiro sida(bilashada ramadaan) balse qof ay ku soo beegmatay soon sunna oo uu soomi jiray isagu waa uu soomi karaa.
(5) Jimcaha ama sabtida in si gaar ah loo soomo (waa haddii aan lagu xiriirin maalin ka horeysa ama ka dambeeysa).
S154: Sheeg maalmaha in la soomaa ay sunno tahay?
J: (1) Maalinta sagaalaad ee carafa.
(2) Maalintan caashuuraa(bisha muxarram 10 keeda ).
(3) Shawwaal oo la soomo 6 maalmood.
(4) Bil kastaa oo lasoomo 3 maalmood.
(5) Isniinta iyo qamiista.
S155: Sidee ugu fiican in la soomaa caashuuraa?
J: In la soomaa caashuuraa iyo maalinta ka horeysa(9aad).
S156: Keebaa ugu fadli badan soonka sunnada ah?
J: Waa soonka maalinta carafa(bisha dil-xijja).
S157: Ma soomi karaa soonka carafa qof jooga banka carafa?
J: Maya.
S158: Ma shardi baa in la isku xiriiriyo lixda maalmood ee shawwaal?
J: Maya.
S159: Ma soomi karaa lixda maalmood ee sunnooyinka shawwaal qof lagu leeyahay soon ramadaan?
J: Haa, balse waxaa ajar badan in uu waajibka soomo kadiban uu soomo sunnada.
S160: Waa maxay ictikaaf?
J: Waa in lagu nagaadaa masjid jaamic ah(masjid jimcaha lagu tukado).
S161: Waa imisa ictikaafku?
J: Wuxuu noqon karaa maalmo, habeen qura, maalin qura ama saacado.
S162: Goormaa ugu fadli badan ictikaafka?
J: Bisha ramadaan.
S163: Sheeg sida sunnada ah ee loo ictikaafo ramadaan?
J: Waa in la ictikaafaa, laga bilaabo qorax dhaca habeenka 20 aad, illaa maalinta ugu dambeeysa ee ramadaan.
S164: Maxaa ka mamnuuc ah qofka ictikaafaya?
J: In uu galma sameeyo, ama masjidka uu kabaxo iyadoo aysan jirin wax daruuro ah sida(cunta uu soo qaato, ama dharka oo wasakhooba).
S165: Marka uu qofku ku jiro ictikaaf maka qayb gali karaa janaaza ama ma booqan karaa qof xanuunsan?
J : Maya.
S166: Imisa jeer ayaa laga rabaa xaj qofka muslimka ah?
J: Hal mar qura.
S167: Ma waajib baa cumrada?
J: Haa.
S168: Waa imisa tiirarka xajka? Kala sheeg?
J: Waa 4,
(1) Ixraamka(xirashada).
(2) Dawaaful-ifaada(waa dawaafka ku gaar ah xajka).
(3) Sacyiga(waa socodka iyo rucleynta inta u dhaxeysa buuraha Safa iyo Marwa).
(5) Istaaga carafa.
S169: Waa imisa tiirarka cumrada?
J: Waa 3,
(1)Ixraamka(xirashada).
(2) Dawaafka.
(3) Sacyiga.
S170: Maxaa loola jeedaa muxrim?
J: Waa qofka xaj ama cumra xirta.
S171: Waa imisa nooc xajka? Kala sheeg?
J: Waa 3 nooc.
(1) Ifraad(xaj kaliya oo la xirto, kadibna cumra xirasho).
(2) Qiraan(isku dar xaj iyo cumra oo lawada niyeesto).
(3) Tamattuc(cumra xirasho, kadibna xaj xirasho).
S172: Kee baa ugu fadli badan?
J: Tamattuc.
S173: Sheeg shuruudaha xajka (faradku uu ka dhacayo)?
J: Waa in uu yahay,
(1) Muslim.
(2) Xuryahay(adoon uusan aheeyn).
(3) Caqli qabo(waalneeyn).
(4) Qaangaar.
(5) Awooda.
S174: Maxaa ka mamnuuc ah muxrimka?
J: (1) In uu is carfiyo sida (saabuunta ama shaambada carfeysa).
(2) In uu ciddiyaha jaro.
(3) In uu timaha ama garka jaro.
(4) In uu madaxa daboolo sida (cimaamad ama koofi, dumarkana ay niqaab xirtaan ama gacmagashi).
(5) In uu galmo sameeyo.
(6) In uu nikaax sameeyo ama shukaansi.
(7) In uu xirto dhar xubin daboola khaas ahaan raga sida
( shaar, surwaalka,qamiiska,kastuumo, kobo, sigsaan(sharabaad).
(8) In uu dilo ugaarta duur joogta ah.
S175: Muxuu sameynayaa haddii qofku uu sameeyo wax ka mamnuuc ah isagoon garaneyn ama iloobay?
J: Waxba laguma laha.
S176: Ma gashan karaa dacas?
J: Haa, haddii aysan faraha dabooleynin.
S177: Ma gashan karaa dhar carfaya inta uusan xajka xiran?
J: Haa.
S178: Ma shaleysan karaa muxrimka?
J: Haa.
S179: Ma qubeysan karaa muxrimka?
J: Haa.
S180: Ma isku meyri karaa saabuun ama kareem?
J: Haa, haddii aysan caraf ku jirin.
S181: Ma dabooli karaa madaxa haddii uu seexanayo?
J: Maya.
S182: Waa maxay miiqaat?
J: Waa halka laga xirto xajka ama cumrada.
S183: Imisa meelood ayaa laga xirtaa? Kala sheeg?
J: waa 5 meelood.
(1) Dil-xuleyfa(waxaa ka xirta reer Madiina iyo wixii xiga).
(2) Juxfa (waxaa reer Shaam iyo wixii xiga).
(3) Yalamlam(waa reer Yamen iyo wixii xiga).
(4) Qarnul-manaazil(waa reer Najdi iyo wixii xiga).
(5) Daatu-cirq(waa reer Ciraaq iyi wixii xiga).
S184: Halkee bey ka xiranayaan reer Makka?
J : Halka ugu dhaw marka xaramka laga baxo sida(tanciim).
S185: Muxuu sameeynayaa qofku haddii uu ka gudbo miiqaatka isagoon xiran?
J: Wuu u laabanayaa.
S186: Waa maxay Jamaraat?
J: Waa dhagaxyada lagu tuuro sadexda goobood ee Mina.
S187: Imisa dawaaf baa jira? Kala sheeg?
J: Waa 3,
(1) Dawaaful-quduum(waa midka ugu horeeya marka Makka la yimaado).
(2) Dawaaful-ifaada(waa xajka dawaafkiisa).
(3) Dawaaful-widaac(waa marka qofka Makka ka baxayo).
S188: Goorma ayuu xajku bilaabanayaa?
J: Bisha thil-xijjah maalinteeda 8 aad wuxuu ku dhamaanayaa maalinta 13aad ugu badnaan.
S189: Imisa maalmood ayuu xajku soconayaa?
J: Ugu badnaan 6 maalmood sida fiican, ugu yaraan 5 maalmood.
S190: Muxuu sameynayaa maalinta 8aad (yowmu-tarwiyah)?
J: Haddii uusan Makka dagneyn miiqaatka ayuu tagayaa, wuu qubeysanayaa, is carfinayaa, dharka ixraamka ayuu xiranayaa, wuxuu oranayaa (labbeyka-laahuma xajjan),
wuxuu aadayaa Mina,wuxuu ku dukanayaa 5ta salaadood(laakiin wuu gaabinayaa duhur,casarka iyo cishaha, ma jamcinayo).
S191: Muxuu sameeynayaa maalinta 9aad (maalinta carafa)?
J: (1) Marka qoraxdu soo baxdo carafa ayuu tagayaa, duhur iyo casar ayuu ku tukanayaa xilliga duhurka,
(2) Alla-bari iyo dikri ayuu sameynayaa illa qoraxdu ka dhacdo,
(3) Kadibna xilliga maqribka ayuu wuxuu aadayaa Muzdalifa, magrib iyo cisho gaaban oo wada jira ayuu ku tukanayaa, halkaa ayuu seexanayaa , kadibna subax ayuu ku tukanayaa alluu ku baryayaa, halkaa ayuu ka qaadanayaa dhegaxyada uu tuuri doono.
S192: Muxuu sameynayaa maalinta 10aad(maalinta ciida)?
J: Wuxuu ku soo laabanayaa Mina, 5 acmaal ayuu sameynaya
(1) Dhagaxa ayuu ku tuurayaa aroorti Jamratul-caqaba 7 jeer , markasta oo uu dhegax tuurayo Allaahu-akbar ayuu oranayaa.
(2) Wuxuu gowracayaa neef
(3) Tinta ayuu xiirayaa ama jarayaa(haweenku waxay jarayaan in la eg hal far).
(4) Dawaaf ayuu sameynayaa(dawaaful-ifaada) waxaad ku dawaafeysaa dherkaada caadiga ah.
(5) Sacyi ayuu sameynayaa,(socadka Saffa iyo Marwa), waxaa xalaal u naqanaya wax kasto oo ka xaaraan ahaa muxrimka ,wuxuu ku soo laabanayaa Mina.

S193:Ma ku bilaabi karaa qofku acmaasha kuu doono?
J: Haa.
S194:Muxuu sameeynayaa maalinta 11aad?
J: Marka ay qoraxdu wareegato(duhurka), wuxuu tuuranayaa 3da Jamaraat waa sidatan,
(1) 7 jeer ayuu ku tuurayaa Jamratul-uulaa isagoo dhahaya (allahu akbar) qiblada ayuu u jeesanayaa alluu baryayaa in badan.
(2) 7 jeer ayuu ku tuurayaa Jamrul-wusdaa qiblada ayuu u jeesanayaa alluu baryayaa in badan.
(3) 7 jeer ayuu ku tuurayaa Jamrul-caqabah, ma duceysanayo markaan,
wuxuu sameynayaa sidaas oo kale maalinta 12aad iyo 13aad, kaddibna haduu Makka katagayo dawaaful-widaac ayuu sameeynayaa oo aan sacyi wadan.
S195: Malinta 12aad maka tagi karaa marka uu acmaasha dhameeyo Mina?
J: Haa, laakiin waxaa fadli badan in uu sugo maalinta 13aad.
S196: Ma xajin kartaa haweenay maxram la`aan?
J: Maya, waa in uu la socdaa maxram keeda.
S197: Maxay sameeyneysaa haweeyneydu haddii uu xayd ku dhaco iyadoo xajka xiratay?
J: Waxay sameeyneysaa wax kasta oo xajka la iska doonayo, oo aan ka aheeyn dawaafka iyo sacyiga, iyaga marka ay daahir naqato ayay sameyneysaa.
S198: Haweeneeydu maka xajin kartaa aabaheed haddii uu dhintay ama uusan awoodi karin?
J: Haa, laakiin haddii lagu leeyahay iyada xaj maya.
S199: Ma ku waajib baa xajka qof deyn lagu leeyahay?
J: Maya.
S200: Ma lagu xajin karaa lacagta cayrta?
J: Haa,waayo Nabiga(scw) wuxuu ka cuteeya xoolihii haweeneydii yahuudiga aheyd,waxa uu hadiya siiyay boqorkii iila wuxuuna ahaa gaal.
S201: Ma ku siin karaa qofku lacag qof kale si uu uga xajiyo waalidkiisa dhintay?
J: Haa.
S202:Sidee ayaa loo cumreeystaa?
J:Miiqaatka ayuu tagayaa,wuu qubeysanayaa,is carfinayaa, dharka ixraamka ayuu xiranayaa,laakiin haweeneydu dharka ay doonta ayay xiraneysaa.
Wuxuu oranayaa(labbeykal-laahuma cumrah)ilaa Makka uu kagaaro.
Dhagaxa madow (xajarul-aswad)ayuu shuminayaa, hadduusan awoodin wuu taabanayaa, hadduusan awoodin gacanta ayuu ku ishaarayaa laakiin ma shuminayo gacanta,
marka uu bilaabayo dawaafka wuxuu oranayaa.
باسم الله والله أكبر، اللهم إيماناً بك، وتصديقاً بكتابك، ووفاءً بعهدك، واتباعاً لسنة نبيك صلى الله عليه وسلم،
ruknul-yamaaniga ayuu taabanayaa,haduusan awoodin ma ishaarayo mana takbiiranayo,wuxuu oranayaa.
(رَبَّنَا آتِنَا فِي الدُّنْيَا حَسَنَةً وَفِي الْآخِرَةِ حَسَنَةً وَقِنَا عَذَابَ النَّارِ)
illaa uu ka gaaro xajarul-aswadka,( ragu marka uu bilaabayo dawaafka illaa uu dhameeynayo wuxuu yeelayaa maradiisa bartankeeda ayuu kilkisha midig galinayaa, marada labadeeda daraf wuxuu saarayaa garabka bidix).
Saddexda dawaaf ee ugu horeysa wuu ordayaa,afarta kalana wuu soconayaa,inta uu ku dhex socda dawaafka wuxuu ku mashquulayaa quràan aqris ama dikri.
Marka uu qofku dhameeyo dawaafka,wuxuu imaanayaa Maqaamu-ibraahiim wuxuu aqrinayaa aayadan.
(وَاتَّخِذُوا مِنْ مَقَامِ إِبْرَاهِيمَ مُصَلّىً)
2 rakco ayuu maqaamu- ibraahiim ku tukanayaa,haduusan awoodin meeshuu raba ayuu ku tukanayaa,
rakcada 1aad wuxu aqrinayaa suurada قُلْ يَا أَيُّهَا الْكَافِرُونَ
rakcada 2aad wuxuu aqrinayaa. ( قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ).
kadib Safa ayuu tagayaa markuu ku dhawaado wuxuu aqrinayaa aayada. (إِنَّ الصَّفَا وَالْمَرْوَةَ مِنْ شَعَائِرِ اللَّهِ )
Safa ayuu korayaa qiblada ayuu u jeedsanayaa gacmaha ayuu kor u qaadayaa wuu duceysanayaa wuu ku celcelinayaa 3 jeer wuxuu oranayaa Allaahu-akbar 3 jeer kadibna.
لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد، وهو على كل شيء قدير, لا إله إلا الله وحده، أنجز وعده، ونصر عبده، وهزم الأحزاب وحده
3 jeer ayuu dikrigaan ku celcelinayaa.
wuu ka dagayaa Safa wuxuu u soconayaa Marwa illaa uu ka gaaro calanka cagaaran wuu ordayaa illaa calanka kale uu ka gaaro, (intaan hal wareeg ayaa laga xisaabayaa) .
Markuu Marwa gaaro waxuu aqrinayaa wixii uu ku aqriyay Safa,laakiin ma aqrinayo aayadii,markuu tago Safa iyadana wareeg labaad ayaa laga xisaabayaa,laakiin ma aqrinayo aayadii, marka la dhameeyo a dawaafka yaa aayada uun la aqriyaa, illaa 7 jeer uu sidaas sameeynayaa sacyiga.
wuxuuna aqrinayaa inta uu dhexdoooda uu socdo wuxuu doono oo qur`aan ama duco ah, kaddib tinta ayuu jarayaa ama xiirayaa,laakiin haddii uu xaj u haray waxaa fiican in tinta uu gaabiyo.
kolkaas waxaa xalaal u naqanaya wax kasto oo ka xaaraan ahaa muxrimka.
Dhammaad

Waxaa diyaariyey: Sheekh Maxamed Mursal

Kutubka Buluuqul Maraam Guurka Su\aalo iyo jawaabo


Kutubka Buluuqul Maraam
Guurka:
Suáal 302-aad: Guurka xukunkiisa waa sidee?
Jawaab 302-aad: Wuxuu waajib ku yahay dhallinyarada muslimiinta ee awoodda guurka. (Daliil: Sharraxaadda shariifka, xaddiiska 824-aad qeybta guurka).
Suáal 303-aad: Waa sidee qofku inuu yiraahdo waligeey guursan maayo?
Jawaab 303-aad: Guurka wuxuu ka mid yahay sunnada Nabiga (S:C.W.), qofkii ka leexda sunnadaasna waa qof lunsan. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 825-aad qaybta Guurka).
Suáal 304-aad: Ducada ay sunnada tahay in loogu duceeyo qofka guursanaya waa maxay?
Jawaab 304-aad: Baaraka-laahu laka wabaaraka calayka wajamaca bayna kumaa fii khayr. (Daliil: Xaddiiska 828-aad qaybta Guurka).
Suáal 305-aad: Ninka marka uu rabo inuu gabadh guursado, ma fiirin karaa?
Jawaab 305-aad: Haa, way bannaan tahay. (Daliil: Daliil: Xaddiiska 831-aad cutubka qaybta Guurka).
Suáal 306-aad: Ma guursan kartaa haweeney wali laáan?
Jawaab 306-aad: Maya, nikaaxaasna ma jiro. (Daliil: Xaddiiska 835-aad qaybta Guurka).
Suáal 307-aad: Waa sidee inuu ninku doono gabadh uu nin kale doonay?
Jawaab 307-aad: Ma bannaana haddii la siiyay gabadha ama la soo dhaweeyey ninkaas.
Suáal 308-aad: Waa sidee in la iswaydaarsado laba gabdhood meher laáan?
Jawaba 308-aad: Waa xaaraan waana baadil. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 840-aad qaybta Guurka)
Suáal 309-aad: Gabadha waalidkeed ma ku khasbi karaan guur nin aysan rabin? Haddii ay sidaa dhacdo maxaa u furan?
Jawaab 309-aad: Laguma khasbi karo, waxaana u furan inay diido ama yeesho, haddii ay diidana nikaaxaas ma soconayo. (Daliil: Xaddiiska 841-aad qaybta Guurka).
Suáal 310-aad: Gabar aan laheyn wali nikaaxiya, yaa nikaaxin kara?
Jawaab 310-aad: Suldaanka ama xaakimka magaaladaas. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 836-aad qaybta Guurka).
Suáal 311-aad: Galmada dhex martay nin iyo haweenay wali laáan isguursaday, ma lagu tilmaami karaa ZINO?
Jawaab 311-aad: Maya, laakiin nikaaxoodu waa baadil. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 836-aad qaybta Guurka).
Suáal 312-aad: Gabar mala iska meherin karaa iyadoo waxba idan la weydiin?
Jawaab 312-aad: Maya, oggolaashaheeda ayuu nikaaxaas sax ku noqon karaa. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 837-aad qaybta Guurka).
Suáal 313-aad: Maxaa la gudboon gabar iyo wiil israba, laakiin la isu diiday?
Jawaab 313-aad: Inay Maxkamad Islaami ah isla tagaan oo ay isku meheriso xataa hadduusan waalidku oggoleyn. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 836-aad qaybta Guurka).
Suáal 314-aad: Maxay xaq u leedahay Maxkamad Islaami ah oo ay u soo dacwootay gabar loo diiday wiil ay is rabaan inay is guursadaan?
Jawaab 314-aad: In abbaha lagu yiraahdo isku meheri, hadduu diidana Maxkamaddu isku meheriso. (Daliil: Sharraxaadda shariifka, xaddiiska 836-aad qaybta Guurka).
Suáal 315-aad: Maxaa loo baahan yahay in la iska ilaaliyo marka la is guursanayo?
Jawaab 315-aad: Isla cidloobid/Khalwo, muddo dheer wada socosho, gacmo isqabsi, faraanti isku galin waana dhaqamo xun-xun oo sharciga ka soo horjeeda. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 836-aad qaybta Guurka).
Suáal 316-aad: Muxuu ninku ka sameyn shardiga ay gabadhu qabsatay markii la nikaaxinayay?
Jawaab 316-aad: Waa in loo oofiyaa shardigaas haddii uusan Sharciga ka hor imaanayn. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 847-aad qaybta Guurka).
Suáal 317-aad: Waa maxay nikaaxa mutcada? Waase side xukunkiisu?
Jawaab 317-aad: Waa nikaax muddo ku xiran, waana arrin xaaraam cad ah. (Daliil: Xaddiiska 848-aad qaybta Guurka).
Suáal 318-aad: Qof fiican oo xafidan nikaax ma u qabanayaa qof zaani ah?
Jawaab 318-aad: Maya. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 855-aad qaybta Guurka).
Suáal 319-aad: Dadku side isku guursan karaan xagga kufka (Isu qalmidda)?
Jawaab 319-aad: Xagga diinta iyo xagga dhawrsanaanta (akhlaaqda). (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 853-aad cutubka kufka iyo doorashada).
Suáal 320-aad: Haweenay hadday ka soo hor islaamto ninkeeda, ma sii qabi karaa?
Jawaab 320-aad: Maya, haweenay muslimad ah uma bannaana qof aan muslim aheyn. (Daliil: Sharraxaadda Shariifka, xaddiiska 861-aad cutubka kufka iyo doorashada).
La soco qeybaha kale ee Kutubka oo ay isku dubbaridey Heyádda KAFAALO.

Sawir Makkah Al Mukaramma Habeen

Monday, February 13, 2012


Makkah Al Mukaramma Sawir Qurxoon


Makkah Sawir Qurxoon


Makkah Al Mukaramma Sawir


Makkah Sawir !

Makkah (Carabi مكة ,
Makkatul Mukaramah, مكّة المكرمة
Waa magaalada oo ku dhashay Nabi Muxamed S.C.W.
waxa ayna ku taalaa wadanka Sacuudi Carabiya.
Makkah waa meesha uu Xaramka ku yaalo,
waana magaalada muslimiinta ugu Muhiimsan.

Sawir Makkah Al Mukaramma

Makkah (Carabi مكة ,
Makkatul Mukaramah, مكّة المكرمة
Waa magaalada oo ku dhashay Nabi Muxamed S.C.W.
waxa ayna ku taalaa wadanka Sacuudi Carabiya.
Makkah waa meesha uu Xaramka ku yaalo,
waana magaalada muslimiinta ugu Muhiimsan.

Xurmeynta iyo u sama falka saaxiibbada waalidka, qaraabada, iyo xaasaska iyo kuwa la midka ah ee mudan xurmada.

Xurmeynta iyo u sama falka saaxiibbada waalidka, qaraabada, iyo xaasaska
iyo kuwa la midka ah ee mudan xurmada.




341. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
Baarinimo waxaa ugu saraysa inuu ninku u samo iyo axsaan falo aabihii saaxiibadiis.
 (Muslim)

342. Cabullaah ibn Diinaar (A.K.R.) wuxuu yiri:
Cabdullaah ibn Cumar baa nin reer miyi ah wuxuu kula kulmay jidka isagoo Makka u socda. Cabdullaah ibn Cumar baa salaamay,
oo yiri dameerka ila soo fuul uu fuushanaa,
waxna ka fuuliyey,
cimaamad madaxa u saarnaydna siiyey.
Cabdullaah ibn Diinaar wuxuu yiri:
Aniga ina Diinnaar ah baan waxaan iri:
Ibn Cumar, khayr Allaha ku siiyee, ninku waa reer miyi oo wax yar buuba ku qanci lahaa (ee Maxaad waxaan oo axsaan iyo wanaag ah ula jeeddaa aad u galeyso?)
Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri:
Ninkaan aabihiisaa aabahay (Cumar ibn Khadaab) saaxiibki ahaa waxaana nebiga (S.C.W.) ka maqlay isagoo leh:
baarinimo waxaa u saraysa in uu ninku wanaajiyo oo uu axsaan iyo khery falo aabihiis saaxiibadiis.
(Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay:
Cabdullaah ibn Diinaar wuxuu yiri:
Ibn Cumar baa markuu Makkah u safro oo uu ka daalo ku socodka hal u wadan jiray, kaga wareegi jiray si uu ugu socdo dameer taasoo uu u arkayey inay ugu fududdahay hasha,
wuxuuna madaxa ku xiran jiray cimaamad.
Marka isagoo malin dameerkii fuushan baa waxaa ka hor yimid nin reer miyi ah,
markaa buu (Cabdullaah ibn Cumar) ku yiri:
Sow ma tihid ina hebel, ee uu dhalay hebel ina hebel hebel?
Wuxuu yiri ninkii: Haah,
markaasuu Cabdullaah dameerkii siiyey oo yiri:
Kaxeyso; cimaamadiina siiyey oo yiri:
Tanna madaxa ku xiro.
Raggii la socdey baa qaarkood yiri:
Dembigaaga Allaha dhaafee ma ninkan reer miyiga ah baad siisay dameerkii aad fuuli jirtey iyo cimaamaddii aad madaxa ku xiran jirteyba?
Wuxuu yiri: Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh:
Waa baarinimo sare inuu ninku wanaajiyo oo u axsaan falo saaxiibadii aabihiis dadkooda markuu aabihii dhinto kaddib.
Ninkani aabihiisna wuxuu ahaa saaxiibka aabahay (Cumar ibn Khaddaab).
(Muslim)

343. Abuu Usayd Maalik ibn Rabiicah as-Saacidi (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay inay la fadhiyeen nabiga (S.C.W.) markii uu u yimid nin reer banii Salama ah oo ku yiri:
Rasuulkii Alloow! Ma jiraan haatan wax un aan wax ugu gali karo oo wanaag iyo samaan ah labadaydii waalid dhimashadooda kaddib?.
Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay:
Haah, waa in loo duceeyaa oo loo dembi dhaaf iyo naxariis dalbaa,
oo ballankii ay ka tageen la oofiyaa,
oo qaraabada xaggooda ka soo jeeda la wanaajiyaa oo loo samaan iyo axsaan falaa, saaxiibadoodna la xurmeeyaa.
(Abuu Daawuud)
Sh. al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif, aan xujo iyo daliil ahaan loo cuksan kareyn.

344. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri:
Ugama maseyri jirin si aad ah xaasaska kale ee nabiga (S.C.W.)
sidii badneyd aan Khadiijo uga masayri jirey oo kale,
inkastoo aanan weligey arag.
Nabiga (S.C.W.) baa in badan hadal hayn jirey. Mar kastoo neef la qalana,
intuu qaybo u googooyo buu qayb u diri jirey Khadiijo saaxiibadeed.
Werin kale waxay leedahay:
Waxaan ku oran jiray nabiga (S.C.W.)
Waxaad mooddaa markii aad ka hadleyso Khadiija inaysan aduunka nag kaleba jirin!.
Markaasuu wuxuu yiraahdaa:
Waxay aheyd haweeney wanaagsan,
carruuna waa ii dhashay.
(Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale baa waxay ahayd:
Mar walba uu ri qalo, wuxuu si joogto ah ugu diri jiray qaybo hilibka ka mid ah Khadiijo saaxiibadeed hadiyad ahaan, wuxuuna ka siin jiray in deeqda oo ku filan.
Werin kalena waxay aheyd:
Marka ri'da la qalo wuxuu oran jiray:
u geeya qaybo ka mida Khadiijo saaxiibadeed.
Marna waxaa dhacay,
in Haalah bint Khuwaylad,
Khadiijo walaasheed ay idan weydiisatay nebiga (S.C.W.) inay u soo gasho.
Wuxuu is yiri armay Khadiijo tahay,
aad buuna u laab kacay nabiga (S.C.W.) hillow iyo jaceyl darti (waayo labada walaalo Haalah iyo Khadiijo isku cod bay ahaayeen).
Markaasuu kor u dhawaaqay isagoo leh:
Allahayow tani waa Haalah bint Khuwaylad.

345. Anas ibn Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri:
Waxaan mar isla safarnay Jariir ibn Cabdullaah al-Bujali (A.K.R.) markaasuu ii adeegaa mar walba, inkastoo uu iga weynaa da'ahaan (yacni uu ka weynaa Anas (A.K.R.)
Markaasaan anigu (Anas A.K.R) ku iri: Fadlan sidaa ha yeelin.
Wuxuu ku jawaabay: Waxaan arkay Ansaarta (Kuwii xaqa rumeeyey ee horay Madiina u degganaa) oo ugu adeegaya nebiga (S.C.W.) sidaa daacadda leh iyo wanaagga,
markaa baan waxaan dhaar ku maray haddii aan qof is raacno asxaabtii nebiga ka mida in aan u adeego.
(Bukhaari iyo Muslim)



Waalid caasiyadda iyo qaraaba goynta waa xaaraan

Waalid caasiyadda iyo qaraaba goynta waa xaaraan

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
134. Oo ma waxaad ku dhaqaaqi laheydeen, haddii aad madax noqotaan, inaad dhulka fasahaadisaan, qaraabadiinnana goysaan. Waa kuwaasoo kale kuwa Alle naclado, markaasna uu dhego tiro, indhahana ka rido.
Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

135. Kuwa axdiga Alle jebinaya adkaysiintiisii kaddib, goynayana wixii Alle faray in la xiriiriyo (sida qaraabada) oo dhulka fasahaadinaya, kuwaasu nacalad bay leeyihiin, daarta xumaantana waa leeyihiin.
Suuradda Ar-Racad: Aayadda 25.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

136. Rabbigaa wuxuu guddoonshey inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo wanaajinta labada waalid, haddii ay waayeelnimo agtaada ku soo gaarto midkood ama labadoodaba uf ha ku oran hana canaanan. qawl wanaagsan ku dheh una raarici garab nugul naxariis darteed, dhehna; Rabbiyoow u naxariiso sidii ay ii soo koriyeen.
 Suuradda Al-israa: Aayadaha 23-24.

336. Nufayc bin Xaaris (A.K.R.)
wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
Ma idiinka warramaa dembiyada waaweeyn?
(seddex jeer buu ku celceliyey)
Waxaynu niri: Haa, Rasuul Alloow.
Wuxuu yiri:
waa Alloo loo shariig yeelo iyo caasi waalidnimada (xusul baana u mudnaaye inta fariistay buu yiri)
 iyo been sheegidda iyo inaad markhaati been ah gasho.
Aad buuna ugu celceliyey ilaa aan jecleesannay inuu joojiyo.
(Bukhaari iyo Muslim)

337. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.)
wuxuu yiri: Waxaa ka mida dembiyada kabaa'irta ee waaweyn ee halista ah Alloo wax loo shariig yeelo,
 iyo waalidkoo lagu caasiyoobo,
iyo naf la gooyo,
iyo inaad been ku dhaarato.
(Bukhaari)

338. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
Inuu caayo qofku waalidki waa dambi weyn oo halis ah oo lagu halaagsamo.
Dadkii waxay yiraahdeen:
Rasuul Alloow! ma nin baa waalidkii caayi kara?
Wuxuu ku jawaabay: Haah, Haddii uu caayo qof kale aabihii,
qofkii aabihi la caayey baa isna aarogoosasho ahaan caayaya kii wax caayey aabigii;
haddii uu caayona qof kale hooyadi,
qofkii la caayey hooyadii baa isna caayaya kii cayda billaabay hooyadii.
(Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay:
dunuubta waaweyn ee halista ah waxaa ka mida in ninku waalidki naclado.
Nin baa wuxuu weydiiyey: Rasuul Alloow! Sidee buu qofku waalidkiis u nacladayaa?
Wuxuu yiri: Kolkuu caayo qof kale aabihii,
kii aabihii la caayey baa isna markiisa kii wax caayey aabihii caayaya,
markuu qofku caayona ruux kale hooyadi,
ruuxii hooyadi wax laga shegay baa isna caayaya kii kale hooyadiis.

339. Abuu Muxammad Jubayr ibn Mudcim (A.K.R.) wuxuu yiri:
 Qaraabo goys Janno ma gali doono.
(Bukhaari iyo Muslim)

340. Abuu Ciisaa al-Muqiirah ibn Shucbah (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
Alle kor ahaaye wuxuu idinka xaaraanshey in hooyooyinka lagu caasiyoobo,
bakhiilnimada,
Boobka iyo Booliyenta (Dhaca iyo xoog ku qaadashada hanti iyo xoolo dad kale)
iyo in nolol la xabaalo gabdhaha yaryar ee dhasha,
raallina kama aha oo ma jecla ku tiri kuteenta iyo hadalka faa'ida la'aanta ah,
su'aalaha badan iyo ku ciyaaridda maalka (ku bixintiisa waxaan faa'ido laheyn ama xaraan ah sida sigaarka, qaadka iwm.)'.
(Bukhaari iyo Muslim)

 


Suurada Al - Masad

Al-Masad
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaa khasaaray Gacmihii Abuulahab, halaagmayna.  
(2) Waxna uma tarin Xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna.  
(3) Wuxuuna gali Naar Olal leh. 
(4) Haweenaydiisii Qoryaha xambaari jirtayna (waxay gali Naar)
(5) Luqunteedana waxaa la yeeli Xadhig Liif ah.

المسد ﴿


﴿ بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴾
تَبَّتْ يَدَا أَبِي لَهَبٍ وَتَبَّ ﴿1﴾
مَا أَغْنَى عَنْهُ مَالُهُ وَمَا كَسَبَ ﴿2﴾
سَيَصْلَى نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ ﴿3﴾ 
وَامْرَأَتُهُ حَمَّالَةَ الْحَطَبِ ﴿4﴾
فِي جِيدِهَا حَبْلٌ مِّن مَّسَدٍ ﴿5﴾    

Suurada An-Naas

An-Naas
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaad dhahdaa «Nabiyow» waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya.  
(2) Ee dadka xukuma.  
(3) Ee ah Ilaaha dadka. 
(4) Sharka «iyo xumaanta» waswaasiyaha qarsoon. 
(5) Ee waswaasiya laabta «Qalbiga» dadka. 
(6) «Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba. 

الناس ﴿


﴿ بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴾
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ ﴿1﴾
مَلِكِ النَّاسِ ﴿2﴾
إِلَهِ النَّاسِ ﴿3﴾
مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ ﴿4﴾
الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ ﴿5﴾
مِنَ الْجِنَّةِ وَ النَّاسِ ﴿6﴾     
 

Suurada Al-Falaq

Al-Falaq
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray).  
(2) Wixii shar leh sharkiisa.  
(3) Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado.  
(4) Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha.  
(5) Iyo sharka Xaasidka wax Xasda. 


الفلق ﴿


﴿ بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴾
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ﴿1﴾
مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ﴿2﴾ 
وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ﴿3﴾
وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ﴿4﴾ 

وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ﴿5﴾


Suurada Al-Ikhlaas

Al-Ikhlaas
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Eebe waa Kali (wehelna ma leh).  
(2) Waana Sayid (deeqtoon).  
(3) Eebe wax ma dhalin, isna lama dhalin.
(4) Wax la mid ahna ma jiro.


الإخلاص ﴿


﴿ بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴾
قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ ﴿1﴾ اللَّهُ الصَّمَدُ ﴿2﴾ لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ ﴿3﴾ وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ﴿4﴾

Suurada Al-Faatiha

Sunday, February 12, 2012


Suurada Al Faatixa


الفاتحة ﴿




بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴿1﴾
الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ﴿2﴾ 
الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ ﴿3﴾ 
مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ ﴿4﴾
إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ ﴿5﴾
اهدِنَا الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ ﴿6﴾
صِرَاطَ الَّذِينَ أَنعَمتَ عَلَيهِمْ غَيرِ المَغضُوبِ عَلَيهِمْ وَلاَ الضَّالِّينَ ﴿7﴾



Al-Faatiha

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

Makkan

(1) Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista. 
(2) Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha Caalamka ah (Koonka). 
(3) Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.  
(4) Ee hanta maalinta abaalmarinta (Qiyaamada).  
(5) adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaana kaa kaalmo waydiisanaynaa (Eebow)
(6) ee nagu hanuuni jidka toosan (Xaqa)
(7) Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna

Su'aalo iyo Jawaabo

 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.