News Update :

Qiso maydku wuu igu dhagan yahaye iga furfuraay

Monday, December 31, 2012

( Qabri Qodis )
Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr jeer Xamar tagay ayaa ii xaqiijiyay in dad odayaal ah oo aanu been ku tuhmayni ay u xaqiijiyeen in dhacdadan. Haddaba annaguna annagoo in lagu cibro qaato uga jeedna, rajaynaynana inay dadka dulmiga wadaa ku waano qaataan, kana baqaan aargoosiga Ilaahay, ogaadaanna inaan aargoosigiisu ka fogayn oo inta aan Aakhiraba la gaadhin inuu adduunkan ugu soo degdegayo iyadoo waliba ay ciqaabtii Aakhirana sugayso Ilaahay ha innaga nabadgaliyo e. Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Ka baqa baryada dulmanaha, uma dhexeeyaan Ilaahay iyo iyada (baryada dulmanaha) daahe". Sheekadiina waa taan.
Dagaaladii duufaanta colaadeed markii ay Soomaaliya ku habsadeen,

wanaagiina indho beelay ayuu Cabullaahi ka qaxay Muqdisho, wuxuuna u qaxay degaanka ay beeshiisu daganayd oo uu doorbiday inuu ku badbaadi karo maadaama waxa laysku dilayay ay qabyaalad ku salaysnaayeen. Muddo ayuu degaankii beeshiisa ku noolaa, isagoo intaa wararka iyo waayaha degaankii uu ka soo qaxay aanu seeganayn, wuxuu had iyo goor safarada waydiin jiray inay Muqdishu iyo nawaaxigii Janaale soo mareen isagoo ka waraysanaya kolba cidda uu ka garto, hantidiisii ma guuraanka ahayd ee uu lafihiisa kala soo cararay, hantidaasi oo uu aad warkeeda u sii raadin jiray beer ama bustaam uu Janaale ku lahaa oo uu aad u jeclaa. Wuxuu sidaasi ahaadaba maalin dambe ayuu maqlay in nin kale beertiisii qaatay oo uu siduu doono ugu tagri falay,
lexejeclo ka ahaatayaa ama hed dhammaatay noqotaaba meeshii uu joogay ayuu ka soo socdaalay , isagoo ay niyaddiisa ku jirto in cabsidii dhawr bilood ka hor soo eriday ay haatan yaraatay maadaama qolyihii ay ka soo carareen ay iyaga iskugu jirto colaad xun oo ka daran tii uu ka cararayna dhex taalo.
Wuxuu soo socdaba maalintii dambe ayuu isa soo dhex taagay beertii uu sanooyin badan tacbanayay, hantidiisii iyo xooggiisiibana ay galeen oo uu nin kale qori la dhex taagan yahay...Laysa salaan, waar maxaad ahaydna lagu yidhi.......Ninkii beerta lahaa baan ahayna ku jawaab.....

Hadal waxaa loogu soo gabagabeeyay haddaadan ninyohow beertan dhaafin qorigan aan sito 30ka xabadood ee ku jirta way kugu dhammaan. Ninkii beerta lahaa intay cabsiyi gashay ayuu magaaladii dib ugu noqday si uu odayaasha iyo waxgaradka magaalada dhibtiisa ugu bandhigo maadaama uu ahaa nin magaalada laga yaqaanay, muddo badanna beertan beeran jiray, laguna yaqaanay nin xalaal quudato ah ehlu cibaadana ah.Gartii waxay rogrogantaba odayadii iyo waxgaradkii magaaladu waxay soo jeediyeen in ninka hadda beerta haysta loo tago, isla markaana lagu qanciyo inuu ninka beerta iska lahaa uu qayb ka mid ah u oggolaado, si uu isna u beerto.Arrintii loola tag ninkii xoogga ku haystay beerta markii muddo la murmayayna oggolaa inuu ninkii beerta lahaa badh siiyo, loo kala sooc, soohdinna loogu yeel, beertii beri halka beer ahaydna laba beerood laga kala dhig.

Muddo ayaa meeshii la wada joogay, nin walbana qaybtiisii beeray, markii ay gaadhay goortii beerta laga sugayay inay wax ka soo biqlaan, qaybtii ninka beerta iska lahaa ayaa si fiican ugu baxday, qaybtii ninku xoogga ku haystayse bixitaan daaye xattaa harame kama soo bixin.Caqligiisu wuxuu tusay ninkii beerta xoogga ku haystay in ninkan beerta asal ahaan u lahaa ee uu qaybta ka siiyay uu sixray,fal iyo wax beerta biiyayna uu u sameeyay qaybtiisa, xaggan iyo xaggan isagoon eegin ayuu intuu qorigiisii cabbaystay, ninkii oo beertii dhinac kaga jira la dul joogsaday isagoo ku qaylyaya waar fal baad ii qabatay sow maaha adna noolaan mayside dhimo,dhimo,dhimo,dhimo, baasna ku furay.....Sidii isagoo deero dilay oo kale ay la tahay ayuu meeshii isagoo laafyoonaya ka dhaqaaqay, gurigiisii ayuuna iska tagay. Xabbada dhacday oo ay dadkii meelaha ka dhawaa maqleen ayaa nin walba is yidhi bal ka war doon hadda, mise waa ninkii dhawaan yimid ee beertana lahaa oo mayd ah, laysku qaylo dhaami, meeshiina layskugu yimid, waxaa la damcay in maydka la qaado, mise dhulkaba lagama rujin karo, si kasta la yidhi, loo taag waa lagana quusay in la qaado, raggii meesha iskugu yimid talo ayaa ku caddaatay, war maxaynu yeelnaa iyo maxaynu yeelnaa lays yidhi, markii muddo lala dhakafaarsanaa sidii la yeeli lahaa, ayaa nin oday ahaa oo meesha joogay yidhi:-"Waar yaadhaheen ordoo ninkii ninka dilay, kaalayoo maydka nala aas ku dhaha" ,inta layswada eegay ayaa hadalka caqligalnimadiisa lagu soo wada hambabaray.
Ninkii ninka dilay oo gurigiisii jooga, wax dhiilo ahina aanay ku jirin ayaa loo yimid, waxa lagu yidhi ninyohow ninkii aad dishay dhulkii waa laga fujin kari waayaye kaalayoo nala qaad, intuu si quudhsi ah u eegay ayuu ku yidhi:-"Waar yaadhaheen maxaa idinka si ah ma mayd baan dhulka ka qaadi kari waynay baa arrin rag loola yimaaddo ah"...Kaalayow nala arag baa lagu yidhi...Waar bal inna mariya waad soo wadataan baan u malaynayaaye intuu yidhi ayuu horgalay, maydii uu saacado ka hor dilay intuu isa soo dultaagay si fuduna u qaaday ayuu yidhi:-"Bal waxaad noogu sheekaynaysaan arka saw anigan kaligay qaaday", iyo haddaba ilaa aanu ka aasayno ha naga tagine nala joog, iyo waayahay laysku af garay. Maydkii baa la maydhay oo la kanfay, xaggii xabaashana loo qaaday,markii Salaaddii Janaasada lagu tukuday ayaa la damcay in iilka la dhigo, cid aan isagii ahayn oo qaadi katra ayaa la waayay, xabaasha gal oo maydka iilka dhig inta lagu yidhi, ayuu xabaashii ku dhaadhacay, ii soo dhiiba intuu yidhi ayuu maydkii damcay inuu iilkii dhigo, dhigitaankii uu maagay,gacmahana kala soo noqo uu is yidhiba, mise maydkii iyo dhulkii baa gacmihiisii ku dhagay, yaab ninkii,mar kale soo dhufay gacmihii mise dhulkayba ku sii dhagayaan, geesinimadii markii hore ku jirtay intuu iska waayay ayuu af labii yeedhay, kuye waar maydku wuu igu dhagan yahaye iga furfuraay.....Waar yaa muslinaay...War iga furfura. Dadkii xabaasha dultaagnaa rafashada ninka markay arkeen, qayladii af labadii uu yeedhayna ay ka saseen ayaa nin waliba hortaa bannaan u cararay, ninkii maydku ku dhaganaa markii uu arkay in dadkii yaaceen ayuu aad u sii qaylyay.....Waar xaggaad igaga cararaysaan....Waar miyaydaan muslin ahayn.. Yaa muslin ahay.....Waaryaadhaheen waar idiin mee. Isagoo waar idiin meeda haya ayaa dad ugu war dambaysay.
Warkiibaa sida dab caws qabsaday oo kale magaaladii u xulay, goor gabbal gaaba bay ahayde lagu dhici waa in xabaashii dib loogu noqdo,qof walba cabsi baa gashay, waxay talo ku soo biyo shubatay inaan marka dhulku mugdi noqdo loo tagi karine, bal marka waa baryo laga war doono.Waagii markii uu baryay maalinimadii dambe barqo dheerna ay noqotay ayaa dadkii magaaldu ku ballamay bal inay ka war doonaan maydkii iyo ninkii xabaasha ka dhex qaylinayay waxa arrintoodu ku dambaysay, wax dhaqaaq joogsi lagu sii jiraba goor dambe ayaa xabaashii la is dul taagay, afka gacanta la wada saar.. hayay waar ninkii kalena dhimay...Alla! oo waabu ka hooseeyaaye.....Talow sidee wax u dhaceen... Ilaahay cilmigiisu badanaa.....Gardaruu ku dilayoo isna la god gal.

Qof walba wixii maskaxdiisa ku jiray markii uu ku celceliyay, lana arkay in ninkii shalay qaylinayay ee ninka maydka ah ee uu isagu gacantiisa ku dilay shalayna iilka dhigayay uu dusha ka saaran yahay...Yaab ninkii ninka beerta xaqa u lahaa xaqdarada ku dilay ayaa isna mayd ah, oo waliba maydkii uu iilka dhigayay ayaa ka korreeya, hoosta ayuuna isagu xigaa oo kan kore wuu maydhan yahay oo wuu kanfan yahay, isla markaana Salaaddii Jinaasada ayaa lagu tukadaye, isagu dharkiisii buu gashan yahay, lama maydhin, lagumana tukan, haddii lagu tukan lahaa oo la maydhi lahaa lamaba qaadi karo...

.Layskumaba dayin.... oo waa kee ninka geesiga ah ee intuu qabriga ku dhaadhaco labada mayd kala qaadaya, inay isku dhagan yihiina waaba la moodayay. Oday ka mid ah dadkii meesha yimid ayaa markii uu arkay xaaladda meesha ka taagan, iyo sida dadku iskugu buuqsan yihiin ee talo faraha uga baxsan tahay soo jeediyay in sidooda layskugu aaso,taladii la qaaday, sidoodiina loo aas, lagana dareer iyadoo dhafoorka la wada haysto
Share this Article on :
 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.