News Update :

Suurada Al fajr Macnaha Afka Soomaaliga

Thursday, January 10, 2013

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee
Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Eebbe wuxuu ku dhaartay Waabariga.
(2) Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).
(3) Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.
(4) Iyo Habeenku markuu tagayu.
(5) Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.
(6) Ma ku soo Gaadhay sida Eebbahaa ku falay Caad.
(7) Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
(8) Wax la mid ahna aan lugu abuurin dhulka.
(9) Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.
(10) lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
(11) kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.
(12) Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.
(13) Markaasaana Eebba ku shubay Caddibaad daran.
(14) Maxaayeelay Eebbe waa u darbanyahay (abaalmarinta).
(15) Marka Eebbe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo
------wuxuu dhihi (kan xun) waa la isharrifay (isagoo faani).
(16) Haddiise Eebbe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebbaa i dulleeyay.
(17) Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.
(18) Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
(19) Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
(20) Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
(21) Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.
(22) Eebbe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo ------safan.
(23) Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno,
-----Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse Xusuusi tari.
(24) Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.
(25) Malintaas sida Eebbe wax ruux u Cadaabi ma jiro.
(26) Wax sida Eebbe wax u xidhina ma jiro.
(27) Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.
(28) U noqo Eebbaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.
(29) dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).
(30) Galna Jannadayda.
__________________
Xoolaha Badnida Iyo Saboolnimaduba Waa imtixaan Eebbe,
Mana Aha jacayl Eebbe Iyo Nebcaansho Midna,,
Saas Daraaddeed Waa in wax bixinta lays Faro,
Lana Dhaqaaleeyo Agoonta iyo Masaakiinta,
Booli Cunniddana la-ayska Jiro,

Nabiga NNKH Wuxuu Yidhi :
Guriga Ugu Khayr Badan Muslimiinta Waa guriga Agoon Loogu Sama Falo,
Guriga Ugu Shar Badan Muslimiinta Waa guriga Agoon Lagu Xumeeyo
Waxaa Laga Wariyey Cabdullaahi Inbu Mubaarak.
Saa daraadeed waa in wanaag la hor marsadaa si raalli aha-anshaha Eebbe iyo Jannadiisa loo Helo' Iyo Naf Xasilloon , illeen Qiyaame iyo xisaabbaa Dambaysee,
______________________________
Suurada ( Al-Fajr )
Share this Article on :
 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.