News Update :

Suurada Al Lial Macanaha Afk Soomaaliga

Wednesday, January 9, 2013

Magaca Eebbe yaan kubillaabaynaa ee
Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Eebbe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
(2) Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
(3) Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
(4) In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
(5) Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebbana ka dhawrsada.
(6) Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
(7) Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
(8) Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
(9) Beeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
(10) Waxaan u fududaynaa Jidka xun.
(11) Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
(12) Annagaa wax hanuuninna.
(13) Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
(14) Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
(15) Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
(16) Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
(17) Waxaana ka fogaada (galidda naarta)
------Ruuxii Eebba ka dhawrsada.
(18) Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
(19) Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
(20) Ee Wuxuu u bixin dar Eebbaha sareeya.
(21) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.

Suurada ( Al-Lail )
Share this Article on :
 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.