News Update :

Maxaa Cusub

Maqaalo Diini

Muuqaalo

Formula 1 News

Showing posts with label Quraanka 114. Show all posts
Showing posts with label Quraanka 114. Show all posts

Suurada Al fajr Macnaha Afka Soomaaliga

Thursday, January 10, 2013

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee
Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Eebbe wuxuu ku dhaartay Waabariga.
(2) Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).
(3) Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.
(4) Iyo Habeenku markuu tagayu.
(5) Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.
(6) Ma ku soo Gaadhay sida Eebbahaa ku falay Caad.
(7) Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
(8) Wax la mid ahna aan lugu abuurin dhulka.
(9) Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.
(10) lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
(11) kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.
(12) Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.
(13) Markaasaana Eebba ku shubay Caddibaad daran.
(14) Maxaayeelay Eebbe waa u darbanyahay (abaalmarinta).
(15) Marka Eebbe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo
------wuxuu dhihi (kan xun) waa la isharrifay (isagoo faani).
(16) Haddiise Eebbe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebbaa i dulleeyay.
(17) Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.
(18) Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
(19) Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
(20) Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
(21) Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.
(22) Eebbe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo ------safan.
(23) Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno,
-----Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse Xusuusi tari.
(24) Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.
(25) Malintaas sida Eebbe wax ruux u Cadaabi ma jiro.
(26) Wax sida Eebbe wax u xidhina ma jiro.
(27) Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.
(28) U noqo Eebbaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.
(29) dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).
(30) Galna Jannadayda.
__________________
Xoolaha Badnida Iyo Saboolnimaduba Waa imtixaan Eebbe,
Mana Aha jacayl Eebbe Iyo Nebcaansho Midna,,
Saas Daraaddeed Waa in wax bixinta lays Faro,
Lana Dhaqaaleeyo Agoonta iyo Masaakiinta,
Booli Cunniddana la-ayska Jiro,

Nabiga NNKH Wuxuu Yidhi :
Guriga Ugu Khayr Badan Muslimiinta Waa guriga Agoon Loogu Sama Falo,
Guriga Ugu Shar Badan Muslimiinta Waa guriga Agoon Lagu Xumeeyo
Waxaa Laga Wariyey Cabdullaahi Inbu Mubaarak.
Saa daraadeed waa in wanaag la hor marsadaa si raalli aha-anshaha Eebbe iyo Jannadiisa loo Helo' Iyo Naf Xasilloon , illeen Qiyaame iyo xisaabbaa Dambaysee,
______________________________
Suurada ( Al-Fajr )

Suurada Al Lial Macanaha Afk Soomaaliga

Wednesday, January 9, 2013

Magaca Eebbe yaan kubillaabaynaa ee
Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Eebbe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
(2) Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
(3) Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
(4) In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
(5) Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebbana ka dhawrsada.
(6) Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
(7) Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
(8) Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
(9) Beeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
(10) Waxaan u fududaynaa Jidka xun.
(11) Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
(12) Annagaa wax hanuuninna.
(13) Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
(14) Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
(15) Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
(16) Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
(17) Waxaana ka fogaada (galidda naarta)
------Ruuxii Eebba ka dhawrsada.
(18) Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
(19) Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
(20) Ee Wuxuu u bixin dar Eebbaha sareeya.
(21) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.

Suurada ( Al-Lail )

Suurada Al - Masad

Monday, February 13, 2012

Al-Masad
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaa khasaaray Gacmihii Abuulahab, halaagmayna.  
(2) Waxna uma tarin Xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna.  
(3) Wuxuuna gali Naar Olal leh. 
(4) Haweenaydiisii Qoryaha xambaari jirtayna (waxay gali Naar)
(5) Luqunteedana waxaa la yeeli Xadhig Liif ah.

المسد ﴿


﴿ بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴾
تَبَّتْ يَدَا أَبِي لَهَبٍ وَتَبَّ ﴿1﴾
مَا أَغْنَى عَنْهُ مَالُهُ وَمَا كَسَبَ ﴿2﴾
سَيَصْلَى نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ ﴿3﴾ 
وَامْرَأَتُهُ حَمَّالَةَ الْحَطَبِ ﴿4﴾
فِي جِيدِهَا حَبْلٌ مِّن مَّسَدٍ ﴿5﴾    

Suurada An-Naas

An-Naas
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaad dhahdaa «Nabiyow» waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya.  
(2) Ee dadka xukuma.  
(3) Ee ah Ilaaha dadka. 
(4) Sharka «iyo xumaanta» waswaasiyaha qarsoon. 
(5) Ee waswaasiya laabta «Qalbiga» dadka. 
(6) «Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba. 

الناس ﴿


﴿ بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴾
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ ﴿1﴾
مَلِكِ النَّاسِ ﴿2﴾
إِلَهِ النَّاسِ ﴿3﴾
مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ ﴿4﴾
الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ ﴿5﴾
مِنَ الْجِنَّةِ وَ النَّاسِ ﴿6﴾     
 

Suurada Al-Falaq

Al-Falaq
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray).  
(2) Wixii shar leh sharkiisa.  
(3) Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado.  
(4) Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha.  
(5) Iyo sharka Xaasidka wax Xasda. 


الفلق ﴿


﴿ بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴾
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ﴿1﴾
مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ﴿2﴾ 
وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ﴿3﴾
وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ﴿4﴾ 

وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ﴿5﴾


Suurada Al-Ikhlaas

Al-Ikhlaas
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Eebe waa Kali (wehelna ma leh).  
(2) Waana Sayid (deeqtoon).  
(3) Eebe wax ma dhalin, isna lama dhalin.
(4) Wax la mid ahna ma jiro.


الإخلاص ﴿


﴿ بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴾
قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ ﴿1﴾ اللَّهُ الصَّمَدُ ﴿2﴾ لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ ﴿3﴾ وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ﴿4﴾

Suurada Al-Faatiha

Sunday, February 12, 2012


Suurada Al Faatixa


الفاتحة ﴿




بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ﴿1﴾
الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ﴿2﴾ 
الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ ﴿3﴾ 
مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ ﴿4﴾
إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ ﴿5﴾
اهدِنَا الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ ﴿6﴾
صِرَاطَ الَّذِينَ أَنعَمتَ عَلَيهِمْ غَيرِ المَغضُوبِ عَلَيهِمْ وَلاَ الضَّالِّينَ ﴿7﴾



Al-Faatiha

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

Makkan

(1) Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista. 
(2) Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha Caalamka ah (Koonka). 
(3) Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.  
(4) Ee hanta maalinta abaalmarinta (Qiyaamada).  
(5) adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaana kaa kaalmo waydiisanaynaa (Eebow)
(6) ee nagu hanuuni jidka toosan (Xaqa)
(7) Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna

Su'aalo iyo Jawaabo

 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.