News Update :

ISDAAHIRINTA MUSLINKA Su'aalo Iyo Jawaabo

Saturday, January 5, 2013


 ISDAAHIRINTA MUSLINKA

4. Suáal: Maxay kala yihiin wayso-buriye weyn iyo wayso-buriye yar?

Jawaab: Wayso-buriye weyn waa waxyaalaha waysada jebiya, isla markaana waajibiya maydhasho ee af-carabiga loo yaqaan "Xadath al-akbar". Laakiin wayso-buriye yar waa waxyaalaha waajibiya waysaysi keli ah ee af-carabiga loo yaqaan "Xadath al-asqar".
5. Maxaa la daahirinayaa?
Jawaab: Waxaa la daahirinayaa:
A- Jidhka
B- Maryaha la xidhanayo
C- Weelka la isticmaalayo iyo
D- Meesha lagu tukanayo.
6. Suáal: Maxaa wax lagu daahirinayaa?
Jawaab: Waxaa wax lagu daahirinayaa waxyaalahaan soo socda midkood:
A- Biyaha oo ah shayga asalka ah
B- Ciidda dhulka
C- Iyo Waxkasta oo nijaasta biín kara.

7. Suáal: Miyey jiraan wax aan biyo ahayn oo lagu daahirin karo nijaasta?

Jawaab: Haa, wax kasta oo daahira oo baabiín kara nijaasta iyo raadkeeda way daahirin karaan wax. Waxaa ka mid ah warqadaha, dhagxaanta, dhirta iyo bensiinka. Xitaa dabaysha iyo qorraxda iyo kiimikada lagu maydho jaakeedyada qaar, haddii ay baabiíyaan raadka nijaasta way daahirinayaan wax.

8. Suáal: Ma jiraan wax aan biyo ahayn oo la iskaga daahirin karo wayso-buriyeyaasha?

Jawaab: Haa, ciidda ayaa la isku daahirin karaa, haddii biyo la waayo ama adeegsiga biyuhu adkaado.

9. Suáal: Sidee ayey diintu u qiimaysaa nadaafadda ama dahaarada?

Jawaab: Diintu aad ayey u weynaysay nadaafadda, waxaana taas u daliil ah:
1. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: "Nadaafaddu waa iimaanka badhkii" Waa xadiis laga weriyey Abu Malik al-xaarith binuu Caasim al-ashcari oo ku qoran Saxeexul-musltimaha ka soo baxa cawrada dadka waaweynim.
2. Ebbe-na wuxuu yidhi: "Ilaahay wuu jecelyahay kuwa is daahiriya".
3. Salaadda oo ah tiirka koowaad ee qofka muslinka ah laga rabo, ma ansaxayso haddaanu qofku isdaahirin.
4. Qofku marka uu soo galayo islaamka waa in uu biyo isku daahiriyo oo maydho. Waa aayad Quráanka ku jirta.
5. Suuraddii 2aad ee Quráanka ugu soo hor degtay waxaa lagu amray Nebiga (SCW) inuu dharkiisa daahiriyo.
10. Suáal: Sidee ayey dahaaradu ku noqotay diinta badhkeed?

Jawaab: Dahaaradu waxay ku noqotay diinta badhkeed, sababtoo ah waxay u qaybsantaa laba qaybood:
A. Dahaarinta nafta iyo qalbiga
B. Iyo Dahaarinta jidhka

11. Suáal: Maxay kala yihiin dahaarada nafta iyo dahaarada jidhku?

Jawaab: Daahirinta "nafta iyo qalbigu" waa in la iska daahiriyo shirkiga iyo macsida, iyadoo la isku daahirinayo tawxiidka iyo camalka saalixa ah.Taasi waa iimaanka badhkii. (Shirki waa gaalnimo ka timid in la caabudo cid aan Alle ahayn. Macsi waa dembi oo ah in laga tago wax Alle faray ama la sameeyo wax Alle reebay. Camal saalix waa in wixii Alle amray la sameeyo, wuxuu reebayna laga tago, Alle dartii).




Share this Article on :
 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.