AMMUURAHA
FIDRADA TOOSAN
12.
Suáal: Waa maxay ammuuraha fidradu?
Jawaab:
Ammuuraha fidradu way badan yihiin waxaana ka mid ah kow iyo tobankan arrimood:
1. In
la cadaydo
2.
Timaha hoose oo la iska xiiro (Timaha hoose waa cawrada dadka waaweyn
hareeraheeda ama xubnaha taranka hareerahooda. Waxaa kaloo lagu magacaabaa;
Shicirad ama Bisqin
3.
Ciddiyaha oo la iska jaro
4.
Timaha kilkillada oo la iska rifo
5.
Shaarubaha oo la iska gaabiyo
6.
Timaha gadhka oo la daayo
7. In
la sandaarsado (Sandaarsi waa biyaha oo sanka lagu nuugo si sanka gudhiisa loo
soo nadiifiyo, tusaale ahaan marka la waysa qaadanayo ama marka hurdada laga
soo tooso.
8. In
lagu dadaalo maydhidda xubnaha jidhka ee laabma iyo meelaha qarsoon.
9. In
la luqluqdo.
10. In
biyo lagu istijoodo (Istijo waa in biyo la isaga nadiifiyo kaadida iyo
saxarada).
11. Iyo
in la is gudo, gaar ahaan ragga.
13.
Suáal: Ma jiraa wakhti xaddidan oo aan la dhaafin karin, samaynta amuuraha
fidrada?
Jawaab:
Haa, Qaarkood waa in afartankii cishoba la sameeyo ugu yaraan halmar. Qaarna
maalin walba waa loo baahan yahay in lal sameeyo.
14.
Suáal: Sheeg amuuraha fidrada ee afartankii cishoba ay tahay in ugu yaraan hal
mar la sameeyo?
Jawaab:
Waxa jira afar arrimood oo ay tahay in aanay qofka la dhaafin 40 cisho, waxayna
kala yihiin:
A.
Ciddiyaha oo la iska guro
B.
timaha kikillada oo la iska rifo
C.
Timaha hoose oo la iska xiiro
D. Iyo
shaarubaha oo la iska gaabiyo
15.
Suáal: Timaha kilkillada, ma in la rifo oo keli ah ayaa bannaan. Miyaan la
xiiri karin?
Jawaab:
Sida xadiiska Nebiga (scw) ku cad waa in la rifo. Wayse bannaan tahay si kasta
oo aanay kugu dheeraan.
16.
Suáal: Maxaa loola jeedaa xubnaha laabma ee maydhidda lagula dadaalayo?
Jawaab:
Waxaa loola jeedaa laablaabada faraha gacmaha iyo faraha addimada iyo dhammaan
meelaha jidhka ka mid ah ee wasakhda iyo usgaggu ku ururi karaan. Waxaa la doonayaa:
A. In
biyaha waysadu wada gaadhaan meelaha loogu talo galay si ay salaaddu u ansaxdo.
B. In
aan jeermis iyo caafimaad xumo ka dhalan usgagga ku urura xubnahaas laablaabma
C. In wasakhda
meelaha laablaaban ee jidhka ku ururtay aanay ka soo bixin ur dadka dhibta.
4.
Biyaha la isku daahirin karo
17.
Suáal: Waa maxay biyaha la isku daahirin karaa?
Jawaab:
Biyaha la isku daahirin karaa waa dhammaan noocyada biyaha ee kala duwan sida:
A.
Biyaha cirka
B.
Biyaha Barafka
C.
Biyaha dhulka ka soo baxa
D.
Biyaha Badda
E. Iyo
Biyaha webiyada
18.
Suáal: Biyaha mar la isticmaalay, haddii mar labaad la isticmaalo miyey wax
daahirin karaan?
Jawaab:
Haa, biyaha mar la isticmaalay sida biyaha lagu waysaystay ama lagu maydhay ee
aanay wax nijaas ahi gaadhin waa daahir waxna way daahirin karaan.
19.
Suáal: Ka warran biyaha muuqaalkoodu is beddeley kaddib markii ay ku darsantay
wax nadiif ah oo kale, sida saabuun, caano ama sacfaraan iyo wixii la mid ah?
Jawaab:
Haddii ay biyaha ku darsanto maaddo nadiif ah laakiin weli lagu tilmaami karo
waxna way daahirinayaan. Haddiise ay biyihii dhalan rogmaan waxba ma
daahirinayaan, waase daahir weli.
20.
Suáal: Ka warran haddii biyaha nijaasi ku darsanto?
Jawaab:
Haddii biyaha ay ku darsanto nijaas, waxaa loo kala qaadayaa labo nooc oo kala
ah:
A. Biyo
nijaasta gaadhay ay wax ka bedeshay muuqaalkooda, urtooda iyo dhadhankooda ama
saddexdaa sifo midkood. Biyahaasi way nijaasoobayaan, lamana isticmaali karo.
B. Biyo
aanay nijaasta gaadhay waxba ka beddelin midabkooda, urtooda iyo dhadhankooda
toona. Biyahaasi waa daahir waan la isku daahirin karaa, xitaa iyagoo nijaasi
ku dhacday.
21.
Suáal: Haddii biyuhu isbeddelaan muuqaal ahaan, ama urtooda ama dhadhankoodu,
laakiin isbeddelkaasi ka dhashay biyaha laftooda, sida raagitaan ama xayaabo
ama midho (xayaabo waa midho ama caleen ka baxda biyaha raagay korkooda),
xareedaad ma la isticmaali karaa biyahaas (Midho xareedaad waa cayayaan ku
dhashay biyaha raaga?
Jawaab:
Jawaabtu waa haa oo waa la isticmaali karaa, kol haddii biyahaas waxa beddelay
aanay ahayn nijaas welina lagu sheegi karo biyo.
22.
Suáal: Haddii biyaha ay dhexgalaan xoolaha la dhaqdo oo ay ku kaajaan sidaasna
biyihii ku ajoobaan (Ajo waa biyaha ceelasha iyo balliyada oo isbeddela marka
ay xooluhu dhexgalaan, kuna kaajaan) ma la isticmaali karaa biyahaas ajada ah?
Jawaab:
Haa waa la isticmaali karaa, sababtoo ah kaadida xooluhu waa daahir, biyahana
wax daahir ah oo beddelay ma nijaasayn karo.
23. Suáal:
Biyaha badda ma lagu daahirsan karaa?
Jawaab:
Haa, biyaha baddu waa daahir, waxna way daahirin karaan.
24.
Suáal: Haddii biyo ay milix (cusbo) ku milantay lagu daahirsado ama lagu
waysaysto ma saxbaa?
Jawaab:
Haa, waxay la mid yihiin biyaha badda, biyaha badduna waa daahir, waana la isku
daahirin karaa. Xadiiska Nebiga (SCW) ayaa sidaas caddeeyay.
25.
Suáal: Biyo nijaasoobay haddii la safeeyo iyadoo la adeegsanayo qalab oo markaa
laga saaro wixii wasakhda ahaa, biyahaasi ma noqonayaan daahir loo adeegsado
cabitaan, cunitaan iyo waysaba?
Jawaab:
Jawaabtu waa haa, haddii biyihii laga saaro wixii nijaasta ahaa oo urtii, iyo
midabkii iyo dhadhankiiba biyo saafi ahi noqdaan, markaas waa loo isticmaali
karaa si kasta.