News Update :

Mawliidka Rasuulka NNKH

Monday, January 7, 2013

Waxaan shaki ku jirin in badanaaba dadka u ololeeya qabashada mawliidka ay xujeestaan waxyaalo aan sal lahayn, dadka iyagu baneeya sheegtana inay aqoon diineed leeyihiin waxay had iyo goor ka fakaraan raali galinta dadka caamada waxaana haboon in qofku uu raali galiyo Allaah (sw).

Haddaba waxyaalaha la daliishado waxaa ka mid ah:

1. In lagu waynayo Rasuulka (scw. Taas waxaa looga jawaabayaa waxa rasuulka (scw) lagu wayneeyaa in la adeeco lana qaato amarkiisa, lagana fogaado waxyaalaha uu reebay lana jeclaado. Rasuulka laguma wayneeyo waxyaalo bidco ah ama laga yaabo ibnu-mascuud markuu quraysh la hadlayey isa-goo ka sheekeynaya sida ay u saxaabadu u wayneyeen nabiga (scw) [qowmkaygiiyow waxaan wafti ahaan u aaday boqoradii Kisra, Qaysar, iyo Najaashi, Ilaah baan kudhaartaye ma arag boqor loo waynay-nayo sida nabi Muxamed (scw) ay saxaabadiisu u wayneeyaan.

Walaahi haddii uu Muxamed (scw) tufo xaako waxay ku dhacaysaa qof gacantii dabadeedna qofkaasi wuxuu marmari-nayaa wajigiisa iyo jirkiisa, haddii uu nabigu saxaabada amro arrin way u kala degdegayaan, haddii uu weesaysto nabigu (scw) waxay ku dhowaadaan saxaabadu inay ku dagaalamaan weesadiisa, haddii uu nabigu (scw) hadlo cod- ay waynaynayaan - Bukhari-]. Sidaa ayay sax-aabadu waxay u waynayn jireen nabiga (scw) waligood uma samayn mawliid ama xaflad, haddii dabaaldeggu yahay mid sharci ah wali-good kama tageen.

2. in ay daliishadaan in dad badan isugu yimaadaan meesha xafladda lagu qabanayo: Taas waxaa looga jawaabayaa in haddii dad badan ay meel isugu yimaadaan iyagoo shee-ganaya inay cibaadaysanayaan cibaadaduna ay khilaafsan tahay sunada nabiga in ay wax ka soo qaad lahayn, dad kasta oo badan oo meel isugu yimaada kuma taagna xaq taas waxaa cadaynaya aayaddii Allaah uu ku yiri: {Haddii aad nabi maxamadow adeecdo in badan oo dadka ka mid ah waxay kaa baadiyaynayaan wadada ilaahay-Ancaam,116--}.

Waxaa ilaah mahadii ah in casri walba ay soo baxaan dad diiddan waxyaalaha bidcada ah dadkan u caddeeya xaqa iyo waddada saxda ah, cid kasta oo qabata xafladaas iyo wixii la mid ah ma helayaan wax xujo ah ka dib markii dadka loo caddeeyo sida saxda ah.

Culumada ankirtay dabaaldegga mawliidka waxaa ka mid ah "Ibnu taymiya-Iqtidaa'u siraadu mustaqim", "Imaam shaadibi-Ictisaam", "Sayid maxamed rashiid rida- oo alifay risaalo aad u wanaagsan", "Cabdicasiis ibnu-baas" iyo culu-mo kale oo badan, sanad walba waxaa soo baxa kitaabo iyo risaalooyin arintaa loogaga soo hor-jeedo.

3. In ay dadku ku xusuustaan nabiga marka la samaynayo xafladda. Taas waxaa loogaga jawaabayaa in xusuusta nabiga ay had iyo gor tahay mid laga dhex helo qofka muslimka ah ma aha in la sugo xilliga mawliidka inta kalena la ilaawo. Qofka muslimka ah markasta uu maqlo nabiga (scw) magaciisa xil-liga aadaanka, iqaamada, khudbadam markasta uu qofku ashahaato weesada ka bacdi iyo marka uu qofku ku jiro salaadda dhexdeeda.

Sida qur'aanka ku cad Allaah (sw) qur'aanka kuma sheegin nabiga dhalashadiisa, wuxuuse kaga waramay xilligii nabiga la soo saaray, wuxuuna Allaah yiri {Allaah wuxuu mu'muni-inta ku manaystay markii uu u soo saaray rasu-ul iyaga ka mid ah-jumca2--}.

4. In mawliidka nabigu yahay bidcada qaybteeda wanaagsan; Taas waxaa looga jawaabayaa in bidcada dhamaanteed ay tahay baadi nabiga (scw) wuxuu yiri [ciddii diintaan ku soo kordhisa wax aan ka mid ahayn isaga ayaa lagu celinayaa] sidoo kale wuxuu nabigu (scw) xadiith kale ku yiri [ bidco kasta waa baadi]. Sheikh Xaafid ibnu-rajab wuxuu ku qoray sharax arbiciinka {Qof kasta oo keena arrin kana dhiga diin oo aan diintana sal ku lahayn waa wax bidco ah diintuna bari ayay ka tahay ha ahaato arrintaasi mid caqiido ah ama camalah ama weedh ah.

Waxaan halkaa noogu cad in ay waxyaalaha la daliishadaa ay yihiin waxyaalo aan sal iyo baar lahay ee la doonayo in dadka caamada ah lagu madadaaliyo ama wax loogaga qaato.

Waxaan arintaan ku soo koobaynaa in dabaaldegga mawliidku uu yahay mid aan ku sugnayn diinta dhexdeeda, muslimiintana waxaa waajib ku ah in ay ankiraan, iyo in dadka diinta qabsashadeeda iyo qaadashada sunada lagu baraarujiyo, in dadku xusuustaan qawlkii nabiga oo ahaa {qofkii idinka idinka mid ah oo noolaada wuxuu arki doonaa ikhti-laaf badan, waxaan idinku ogahay sunadayda iyo sunada khulufaa'u raashidiinta ee aniga iga dambaysa, gaws dambeedka ku qabsada, adin-ka iyo waxaan idiinkala digayaa inaad qaa-dataan waxyaalaha diinta lagu soo daro, waxyaalaha diinta lagu soo daro dhamaan waa bidco}.

Dadku miyeeyan arkayn xadiithkaan sharafta badan, sidaa daraadeed uma helin mawliidka wax daliil ah sunada rasuulka dhexdeeda iyo waliba sunnadii khulafaa'u raashidiinta, sidaa awgeed waa wax la soo kordhiyay.

Allaah (sw) wuxuu noo sheegay in wax kasta loola noqdo kitaabka iyo sunnada nabiga { wax kasta oo aad isku murantaan u cesha kitaabka iyo sunnada haddii aad tihiin kuwa rumeeyey Allaah iyo maalinta aakhiro saas ayaa khayr badan-An-nisaa59-}.

Ilaah waxaan waydiisanaynaa in uu nagu sugo tubta toosan.

Haddii aad rabto inaad si fiican u ogaato in mawliidka nabiga loo dabaaldego inay bidco tahay waxaad ka helaysaa:

www.islam-qa.com

www.islamtoday.com

www.alminbar.net

ama raadso kutubta sida iqtidaau sir-adul mustaqiim shiikh ibnu taymiya.
Share this Article on :
 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.