News Update :

Sababaha uu ilaahay ku halaago Bulshada

Monday, January 7, 2013

!
Waxaa iska leh mahad dhamaanteed ilaahay(sw) intaa ka bacdi Marka u horaysa waxaan dadka u dardaarmaynaa cabsida Alle, sida allaah uu Quraanka kariimka ah noogu sheegay {dadyahaw muصminiinta ahi haddad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu iddin yeelayaa faraj (nabad gelyo) wuxuuna asturi dambigiina. (anfaal 29)}.

Sida aan wada ogsoonahay waxaa jira arrimo badan oo haddii ay ummaddu samayso sabab u noqonaysa in ilaahay uu ku soo dajiyo ciqaab ama in la dabar gooyo ummaddaas dhamaantood.

Wuxuu ilaahay subxaanahu watacaalaa ku yiri quraanka: (waxaan rusul u dirnay umadihii kaa horeeyey, waxaan ku qabanay dhib aad u badan bal in ay ilaahay u soo noqdaan, haddii goortii uu u yimi ciqaabku ay ilaahay u noqon lahaayeen laakin waxaa qalalay quluubtoodii oo shaydaan ayaa u qurxiyey wixii ay samaynayeen). waxay ayadahan noo cadeeyeen in haddii umada ay la timaado wax ilaahay necebyahay in loo soo dirayo ciqaab aan gaar ku ahayn dadkii sameeyey oo kaliya balse ay bulshada oo dhan gaarayso. Wuxuu nabigu (scw) xadiis ku leeyahay (((Qolo dhexdeeda hadii lagu sameeyo macaasi oo ayan joojin macaasida iyagoo awooda, ilahay wuxuu u soo diraa ciqaab wada gaarta dhamaantood)))

wuxuu Allaah ku yiri quraanka: (Badanaa wadan ku xad gudba diinta ilaahay iyo rusushoodiiba oo aanu ciqaabnay oo cadaabnay cadaab aad u daran, waxay dhadhamisay ciqaab aad u daran, aayahoodiina wuxuu ku dambeeyey khasaaro).

haddaba aan eegno qayb ka mid ah sababaha bulshada u keena in la halaago

Sababta 1aad: Dulmiga

Dulmigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Ilahay ummadda ku halago, taas waxaa daliil u ah in uu Nabigu (scw) yiri: (iska ilaasha dulmiga, dulmigu waa mugdiyaal maalinta qiyaamaha, iska ilaasha bakhaylnimada, maxaa yeelay bakhaylnimadu waxay halaagtay ummadihii idinka horeeyey waxay ku xambaartay inay daadiyaan dhiigood oo ay xaalaalsadan waxyaalihii maxaarimtooda ahaa). ilaahay (SW) ummadda wuu u kala xaqsoorayaa cidna ilahay dulmi raali uga ma aha, waxaa mudan in la xuso xadiis aad cajiib u ah oo ku saabsan dulmiga iyo sida uu ilaahay ummadda uu u kala gar qaadayo.

Jaabir ibnu Cabdilaahi ayaa wuxuu yiri markii ay muhaajiriintii aaday wadanka Xabashida soo noqdeen oo ay yimaadeen magaalad Madiina ayaa Nabiga (scw) wuxuu yiri: (waxaad iiga warantaan waxyaalihii u cajiibsanaa ee aad ku aragteen wadanka Xabashida, markaas ayaa nin dhalin yaro ah oo ragii ka yimi Xabashida wuxuu bilaabay in uu ka waramo, wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahayow goor aan anagu fadhino ayaa waxaa na soo ag martay qof dumar ah oo daص wayn waxay madaxa ku sidatay ashuun wayn oo biyo, waxaa soo ag maray wiil dhalin yaro ah intuu soo booday ayaa wuxuu riixay garbaheed dabadeed way dhacday oo jilbaha ayay dhulka ku dhufsatay waxaana ka jabay ashuunkii ay sidatay, markay kor u kacday ayay intay wiilkii fiirisay tiri: wiil yahaw waad ogaan doontaa waxaa igu samaysay marka uu Ilaahay kursigiisa dhigto soona kulmiyo ummadihii hore iyo kuwa dambe, oo ay hadlaan gacmaha iyo lugaha dadku, kana hadlaan waxa uu qofku sameeyey, ilaahay agtiisa markaan tagno ayaad ogaan doontaa waxaad igu samaysay, intaa markuu marayay ayaa nabigu istaagay oo yiri: run bay sheegtay, run bay sheegtay sidee Ilaahay u dahirayaa haddii aan keeda xooga wayn ka qaban kan daciifka ah.

wxuu kale oo uu nabigu sheegay in maalinta qiyaamaha loo kala xaq soorayo neefka ariga ah oo geeshaha leh iyo midka aan geesaha lahayn, haddaba qofkii dulmi qof ka galay waxuu mudan yahay innuu ogaado in ciqaabkaasi jiro maalinta qiyaamaha, waxaa kale oo nabigu xadiis qudsi ah ku yiri (ilaahay wuxuu yiri waan u gargaarayaa qofka la dulmiyey waqtiba ha ka soo wareegee, xataa haddii uu gaal yahay).

Sababta 2aad: Maal-jacayl

In kastoo sharcigu amaanay maalka badan oo jidka Ilaahay loogu gargaarayo laakin qofka oo had iyo jeer jecel inuu helo maal aad u tira badan waa waxyaalaha keena ciqaabta iyo halaagga ummadda, taas waxaa daliil u ah xadiis uu warinayo Camar ibn Cawf inuu yiri nabiga (scw) ayaa abuu cubayda wuxuu u diray Baxrayn si uu uga soo ururiyo jizyada laga qaadi jiray dadkii aan islaamka ahayn ee ku hoos noolaa dawladda islaamka, markii uu Abuu-cubayda soo galay magaalada Madiina ayaa waxaa maqlay Ansaartii (saxaabadii rasuulka), waxay aad u yimaadeen salaadii subax, markii uu nabigu(scw) salaadii ka baxay ayay soo hor mar mareen nabiga si ay u tusaan in ay joogaan masaajidka, nabigu ayaa intuu dhoolo cadayey wuxuu yiri (waxaan u malaynayaa inaad maqasheen in Abaa-cubayda yimi oo uu maal ka keenay Baxrayn) waxay ku jawaabeen "haa sidaas ayaan maqalnay" nabiga ayaa wuxuu yiri (ilaahay baan ku dhaartaye idiinka baqi maayo fakhri iyo saboolnimo ee waxaan idiinka baqayaa in aduunyada laydiin fidiyo sidii ummaddihii idinka horeeyey loogu fidiyey oo aad ku tartantaan sidii ay ugu tartameen oo laydinku halaago sidii loogu halaagay).

Taas waxaad ku garanaysaa in u tartanka aduunyada iyo in aduunyada la jeclaado iyo in lagu xeeldhaaraado jacaylkeeda in ay tahay sabab lagu halaagi karo ummadda.

Waxaa jira xadiis kale sida uu Imaam Muslim soo saarayo in Cabdilaahi ibn Cumar uu yiri: wuxuu yiri nabigu(scw) (Sidee ahaan doontaan marka aad furataan Faaris iyo Roma) dabadeed Cabdiraxmaan ibn Cawf ayaa wuxuu ku jawaabay marka la furto Roma iyo Furus waxaan oronaynaa oo ahaanaynaa sidii Ilaahay na amaray, nabiga(scw) ayaa wuxuu ku jawaabay (Arintu sidaa si ka duwan ma laga yaabaa inay isu bedesho, waad tartamaysaan ka dib waad is xastaysaan dabadeed waad isu caroonaysaan oo waad isu dhabar jeedinaysaan).

Sababta 3aad: Sinada iyo ribada oo faafta

Sinada iyo Ribada oo batadda dabadeedna ummadda dhexdeeda ku batadda waa waxyaalaha keena in qofka ama bulshada u keena cadaabka aduunka iyo midka aakhiraba. Wuxuu nabigu (scw) xadiis ku yiri (Hadii ay sinada iyo ribaduba ay umad dhexdeed caadi ka noqoto waxay naftooda u keenayaan ciqaabka ilaahay). Ribada wuxuu Ilaahay tilmaamay in qofka isticmaala uu qiyaamaha imaanayo isagoo aad moodo inuu waalan yahay, sidoo kale Ilaahay wuxuu noo sheegay in uu la dirirayo ciddii caado ka dhigata in ay isticmaasho ribada. Lama soo koobi karo sababaha keena in qofka la cadaabo waxaan door biday inaan intaa ku soo gaabsano.

wabilaahi tawfiq.
Share this Article on :
 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.