News Update :

Shaydaanku cadow ayuu idiin yahay

Wednesday, January 9, 2013

Waxaa diyaariyey Cabdiqani M. Calixagaa (qardhaawi)
Shaydaanku wuxuu qofka u istaagaa wado kasta oo uu qofku doono inuu maro isaga oo isku dayaya inuu dhumiyo, shaydaanku waa cadow sidii uu Nabi Aadam uu ugu ahaa cadow ayuu qof kasta ugu yahay cadow, Ilaahay wuu noo sheegay waana nooga digay wuxuuna noo cadeeyay dariiqa shaydaanka

wuxuuna allaah quraanka ku yiri:{dhaldhalaalka aduunka yaanu idin dhagrin, shaydaankuna sidoo kale yaanu idin dhagrin inta uu wax idiin qurxiyo aad raacdaan, shaydaanku cadow ayuu idiin yahay ee ka dhigta cadow (faadir }. Aayad kale Allaah wuxuu ku leeyahay {islaamnimada wada gala si guud hana raacinina talaabooyinka iyo wadooyinka shaydaanka.} al baqara. Markii uu sharcigu noo cadeeyey dhagarta iyo hagardaamada uu shaydaanku wado iyo waliba wadooyinka uu kaa soo gali karo ayaa waxaa naloo tilmaamay waddo kasta iyo sida laysaga ilaasho hagardaamada iyo shartiisa.

Waxyaalo qofka muslimka ah ka ilaalinaysa hagardaamada Shaydaanka
1. in layska ilaasho khamriga iyo khamaarka:
Ilaahay (sw) wuxuu yiri isagoo la hadlaya dadka mu’miniinta ah {kuwa xaqa rumeeyow khamriga, khamaarka, sanamyada, iyo bakhtiya-nasiibka waa qurun kana mid ah camalka shaydaanka ee ka dheeraada, hadaad ka dheeraataan waxaad mudan tihiin inaad liibaantaan. Wuxuu doonayaa shaydaanku inuu shaydaanku dhexdiina dhigo cadaawad iyo is nacayb khamriga iyo khamaarka dartiis, idinkana leexiyo oo idin hilmaamsiiyo xuska ilaahay iyo salaada ee ma tihiin kuwa ka joogsanaya?}. Arimahaa la sheegay sida khamriga iyo khamaarku waa wadooyinka ugu waawayn ee uu shaydaanku qofka uga awdo acmaashii daacaddii uu Allaah u samayn lahaa, marka si aan shaydaan kuugu soo dhowaan waa inaad iska ilaalisaa inaad samayso waxyaalaha ay aayadani kaa reebayso, haddii aad samaysana shaydaan ayaa saaxiibkaa noqonaya wuxuuna ku ilawsiinaya xiriirkii adiga iyo Allaah idinka dhexeeyey ee ay u wayn tahay salaadu, taa haddaad dhumisana waxaad u gacan gashay shaydaan.

2. Marka salaadda loo adamayo
Shaydaanku haddii uu maqlo in salaadii loo adamay wuu cararaa isagoo ay ka baxayso gadaashiisa neef ilaa uu ka tago meel aanu ka maqli karin aadaanka, marka uu mu’adanku aamusana wuu soo laabtaa, marka salaada loo aqiimana wuu cararaa ilaa uu sidoo kale ka tago meel aanu ka maqleen, marka iqaamadu dhamaatana wuu soo noqdaa ilaa uu was-waasiyo qofka tukanay dabadeedna uu qofku garan waayo inta rakco uu takaday. Haddaba qofka waxaa la doonayaa inuu ku dadaalo inuu had iyo goor laasimo inuu qofku masaajidka ku jiro xilliga aadaanka.

3. Bisimka oo aad qabsato:
Nabigu wuxuu noo jideeyey in bisimka la qabsato marar badan ay ka mid tahay marka aad dhar gashanayso, maxaa yeelay bisimku wuxuu kala asturaa indhaha shaydaanka iyo cawrada dadka, qofkuna mar kasta inuu dikriga ilaahay afka ku hayo ayaa haboon. Nabigu wuxuu yiri: {haddii qofku mark uu safar yahay uu dikriga Ilaahay weheshado, Allaah ayaa wuxuu qofkaa u soo diraa malag ilaaliya, haddiise qofku uu safarka isku dhaafiyo gabay iyo wax la mid ah, waxaa Allaah u soo diraa shaydaan. Haddii aan fiirino xaaladda ay dad badan ay ku sugan yihiin marka ay safar aadan iyagoo ka caado dhigtay inay dhegaystaan gabay ama hees iyo wax aan kuwaa ka duwanayn waxaa kuu cadaanaysa in uu shaydaan safarka ku weheliyo. Marka digriga Ilaahay waa waxyaalaha laysaga ilaasho hagardaamada shaydaanka.

4. Sanka oo aad biya galiso marka aad hurdad ka kacdo.
Qofku markuu hurdada ka kaco waxaa loo jideeyey in uu sankiisa saddex jeer biyo galyo oo uu ka soo saaro sida uu nabigu sheegayna shaydaanka ayaa ku barya habeenka qofka sanqaroorkiisa marka uu sankiisa biyaha soo mariyo ka dib wuxuu qofku dareemaa firfircooni.

5. Ilaahay oo la magan galo.
Illaahay oo aad shaydaanka ka magan gashaa waa wax yaalaha laysaga ilaasho shaydaanka, qofkana waxaa la amaray inuu cawdubilaysto dhowr goor sida
a) markuu maqlo dameer qaylinay:
nabigu wuxuu yiri: markaad maqashaan dameer cidiis ilaahay ka magan gala wuxuu arkay shaydaan haddiise aad maqashaan diiqa oo ciyaya ilaahay waydiista fadligiisa wuxuu arkay malag, eyguna waa la mid haddii uu ciyo aygu waa la cawdubilaysanayaa nabigu wuxuu tilmaamay inay arkaan waxa aan dadku arki Karin.
b) Marka uu qofku qur’aanka akhrinayo waa inuu ilaah magan galaa, Allaah wuxuu yiri {markaad akhrinaysid qur’aanka ilaahay ka magan gal shaydaanka.}. naxal 98.
c) marka uu qofku caraysan yahayna waa inuu Allaah magan galaa: Nabiga ayaa arkay nin caraysan markaa ayuu nabigu yiri waxan aqaan kalimad hadduu oran lahaa xanaaqu uu ka tagi lahaa haddii uu cawdu-bilaysan lahaa carada iyo xanaaqu waa ka tagi lahaayeen.
d)Marka qofku uu galay musqusha:
Nabigu wuxuu jideeyey in haddii qofku rabo inuu galo musqusha allaah ka magan galo
shaydaanka kiisa dhedig iyo kiisa lab

6. Sufuufta salaad oo la simo:
Marka jameecada la tukanayo waxaa lays amray in la simo sufuufta, taas oo ah mid lagula dirirayo shaydaanka, sida uu Nabigu u yiri:{sima safafka ha uga taginina shaydaanka daldaloolada safafka dhexdooda ah, Illaah ayaan ku dhaartaye anigu shaydaan ayaan arkaa ku jira sufuuftiina dhexdeeda isagoo aad mood ari dhexdiina kujira.

7. Hamaansiga oo laysku cesho:
Markii aad hamaansanaysid salaada dhexdeeda iska ilaali inaad cod xun kaa soo baxo haddii cod xun sida "aaaaahhh" uu kaa soo baxa waxa kugu qoslaya shaydaanka, waana xiliyada uu shaydaanka ama jinigu qofka galaan, ha ogolaan in shaydaanku afka kaa galo ama kugu qoslo, afka gacanta saar isku celi hamaansiga inta awoodaada ah.

8. xus ilaahay markaad guriga galaysid iyo xilliga cuntada:
Haddii aad Illaahay xusto marka aad guriga galaysid iyo marka aad wax cunaysid shaydaanku wuxuu yiraahdaa isagoo la hadlaya shaydaanka kale "caawa meel lagu baryo iyo cashoba ma jirto", haddii aad guriga soo gasho oo aad cuntada cunto adigoon Allaah xusayn wuxuu shaydaanku ku yiraahdaa saxiibkiisa halka ayaa caawa hoyaatin iyo cashoba ka jirtaa

9. Ha isu ekaysiin shaydaanka:
Shaydaanku wuxuu leeyahay astaamo iyo dhaqan gaar ah oo qofka la doonayo in uu iska ilaasho in uu shabaho ama isu ekaysiiyo shaydaanka, waxaa ka mid dhaqamada shaydaanka: degdegga, degdeggu waa astaanta shaydaanka, qofka oo kab kaliya ku socda, taasi waa dhaqanka shaydaanka, Nabigu waa diiday in qofku ku socdo kab kali ah wuxuuna yiri shaydaanka ayaa ku socda kab kali ah, in qofku fariisto meel jirkiisa uu qaybna har ku jiro qaybna ay qorax taal, wuxuu Nabigu sheegay in ay tahay meelaha shaydaanku fariisto.

10. in aad akhrisato suuratul baqarah:
waxay shariicadu nagu baraarujisay in aan guryaha ku akhrino suuratul baqarah, wuxuuna Nabigu yiri: {ku akhriya suuratul baqara guryihiina, maxaa yeelay shaydankuy ma soo galo guri lagu akhriyey suuratul baqara.

Share this Article on :
 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.