News Update :

DABEECADDII DADKII ALLE DOORTAY

Wednesday, January 9, 2013

Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.
Waxaa qaybtaan laga soo guuriyey Kitaabka
"Dhaqankii ehlu khayrkii hore"

~ IBRAAHIIM AT-TAYMII: Ibraahiim Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: " Qofka Mu'minka ahi waakan aan dadka tusin cibaadadiisa, si le'eg sida uusan u jeclayn inuu u tuso markuu dami samaynayo"

~ UMAR BIN CABDUL CAZIIZ: Ilaahay haka raalli noqdee, maalin baa waxaa lagu waaniyey "Cumaroow, iska ilaali inaad iska dhigto Ilaahay qof lajira markaad dadka lajoogto, laakiin aad noqoto ilaahay cadawgiisa marka aan laguu jeedin, maxaa yeelay haddii aan qofka qalbigiisa iyo camalkiisu iswaafaqin waa Munaafaq, Munaafaqiintuna waxay degi doonaan meesha ugu hoosaysa Naarta".

~ MID KAM MID AH dadkii khayrka badnaa ayaa wuxuu yiri: "Iska ilaali CABSIDA MUNAAFAQIINTA, waxaa laweeydiiyey WAA MAXAY CABSIDA MUNAAFAQIINTU?, wuxuu yiri "Cabsida munaafiqiintu waxaa weeye marka jirkaaga cabsi laga arko, laakiin aan qalbigaagu hoose uusan Alle kacabsanayn"!.

~ SHIIKH KALENA WUXUU YIRI: "Lajoogga dadka khayrka badani waxay usiyaadisaa qalbiga cabsi Ilaahay"

~ AXMAD BIN XARBI: Ilaahay haka raalli noqdee wuxuu yiri: " Wax qalbiga muslinka uga fiicani majirto inuu lafariisto dadka ehlu khayrka ah isla markaasna uu fiiriyo waxay samaynayaan, sidaa si le'eg wax uga xuni majirto qalbiga muslinka inuu lafariisto dadka dunuubta sameeya isagoo fiirsanaya waxa ay samaynayaan".

~ AXAD KA MID AH dadkii khayrka badnaa ee horena wuxuu yiri: " Haddaad awoodi kartid in aan lagaaga dheerayn Ilaahay ucararkiisa iyo raalli galintiisa yaan lagaaga dheerayn".

QATAADAH: Ilaahay haka raalli noqdee waxaa laweeydiiyey maalin: Qofkee baa ugu qiima badan dadka dhexdiisa, wuxuu kujawabay: "Qofka had iyo jeer kumashquula ceebihiisa".

SHIIKH kale oo kamid ahaa dadkii hore ee khayrka badnaa asna wuxuu yiri: "Markaan Ilaahay caasiyo waxaa igu madax adkaada oo igu caasi garooba xoolaha aan dhaqdo iyo xaaskayga"

ALI BIN ABII DAALIB: Ilaahay haka raalli noqdee wuxuu yiri "Qofka shan arrimood ayaa noloshiisa wax katara, waxayna kala yihiin: Haweentiisa oo maqasha, carruurtiisa oo daacad u ah, saaxiibadiis oo Alle ka cabsi badan, deriskiisa oo muslin dhaba ah, iyo risiqiisa oo Alle u waasiciyo".

AXMAD IBNU XARB: Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri mar kale " Lix arrimood haddii ay ku kulmaan qof dumar ah khayrkeedu waa badnaaday, waxayna kala yihiin: Shanteeda salaadood oo ay ilaaliso, ninkeeda oo ay adeecdo, rabbigeed oo ay raalli geliso, carrabkeeda oo ay xanta ka ilaaliso, adduunka oo aysan jeclaan iyo inay ku samirto wixii dhib ah oo Alle u keeno".

SUFYAAN ATH-THOOWRII: Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri " Ha raadinin in lagu doorto ama madaxnimo, ilaa aad naftaada la-dagaashid 70 (todobaatan) sano, kaddibna aad ku toosisid jidka toosan".

BAKAR IBNU ABDULLAAH AL-MUZANI: Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: "Haddii aad aragtid qof kaa-weeyn xushmee adigoo kudhahaya naftaada: "Qofkaani maadaama uu iga weeyn yahay wuxuu iiga hoorreeyey Ilaahay cibaadadiisa iyo islaamka",Haddii aadse aragtid qof kaayar isagana xushmee adigoo ku dhahaya naftaada "qofkaani waa iga fiican yahay maadaama aan uga horreeyey dunuubta samaynteeda". haddii dadku ku qaddariyo waxaad tiraahdaa "tani waa nicmo Alle igu galladaystay laakiin aanan u qalmin", haddii ay kuqadarin waayaanna waxaad tiraahdaa "tani waa natiijo kadhalatay dunuubtayda", waxaad kaloo ogaataa haddii aad ku tuurtid quruurux qofka deriskaaga ah EEYGIISA ogoow in aad dariskaaga dhib ugeysatay".

FUDAYL IBNU CIYAAD: Allaha karaalli noqdee wuxuu yiri: " Qofka Mu'minka ahi wuxuu beeraa geed timir ah(camalka wanaagsan) isagoo ka baqaya in geedkaasi uu soo bixiyo Qodax badan, Munaafaquse wuxuu beeraa geed qodax badan(camalka xun) isagoo karajaynaya in geedkaasi usoo saaro timir badan"!.

MAALIK IBNU DIINAAR: Allaha karaalli noqdee waxaa laga hayaa inuu yiri: "Qofkii damca inuu guursado ADDUUNKA(Dabaraaco), haddaba aadduunku raalli kanoqon maayo qofkaas ilaa uu Diintiisa ubixiyo qofkaasi YARAD ahaan"!.

FUDAYL IBNU CIYAAD: Allaha karaalli noqdee wuxuu mar kale yiri: "Haddii aad damacdid in aad xamatid qof aadoomaha Ilaahay kamid ah, haddaba xusuuso Ilaahay sarreeyntiisa iyo weeynankiisa, maxaa yeelay Ilaahay xusuustiisu waxay daawo utahay in layska daayo xanta aaddoomihiisa"

KACAB AL AXBAR: Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri " Inaan ooyo oo xabbad dhibic ahi kasoo dhacdo indhahayga Ilaahay dartiis, ayaa waxaan kajeclahay in aan qalbigayga oo madoow sadaqaysto buur dahab ah"

Cabdullaahi ibnu Mubaarak: Allaha karaalli noqdee wuxuu yiri: " Adduunku waa xabsigii Qofka Mu'minka ah, xabsiga camal lagu dhex sameeyana waxaa ugu fiican samir iyo in qofku qariyo caradiisa, Mu'mimku dal kuma leh aadduunkaan, waddankiisii wuxuu heli doonaa berrito, kaddib markii naftu kabaxdo".

MID KA MID AH dadkii hore ee khayrka badnaa: Ayaa wuxuu yiri " Haddaad rabtid in aad ku dhawaatid Ilaahay, haddaba waa inaad adduunka iyo adiga dhexdiinna dhigtaa darbi kasamaysan BIR"!.

Share this Article on :
 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.