
Sida
aynu wada ogsoonahay Eebe nooma abuuran dheel-dheel wax walbana waa naloo kala
cadeeyey. Ajasha (mudada) qofka loo qabtay
waa
wax kooban, qof walibana maalin ayuu dhimanayaa laakiin yididiilada iyo
waxyaalahu qofku had iyo goor ku fakeraa waa mid aan dhamaanayn.
Waxaan maalin walba aragnaa qof dhintay
ama mayd la sii wado, ma ku fekertay marna xiliga aad adiguna dhimanaysid.
Dadka ahlu cilmiga ah (aqoon yahanada diinta) waxay yiraahdaan markay ka
hadlayeen dadka geerida iyo Eebe ilaaway, [ dadka
geerida ilaaway wax kasta oo ay ururshaan ma dhergaan, mana gaaraan waxa ay ku
fekerayaan (yididiilada), aduun aan wax tarayn ayay ururiyaan, meel ayan
degayna ayay dhisaan, aduunyo aanay gaarayna way ku fekeraan.] siduu Eebe quraankiisa ugu yiri, {iska dhaaf ha cuneen oo ha raaxaysteen waxaa
mashquuliyey yididiilada ay ku jiraan goor dambe ayaay ogaan doonaan. ( al
xijri 3)}. { ka waran haddan u raaxayno
sanado ka bacdina uu u yimaado wixii aan u yaboohnay (geerida iyo
cadaabaka), maalkii ay ku raaxaysanayeen waxba u tari maayo maalintaa.(Shucaraa
205-207)}.
Qofkasta oo muslim ah waxaa laga doonayaa in uu had iyo goor
xusuusnaado dardaarankii Nabigeena nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha
ahaatee, wuxuu yiri {waxaad had iyo goor xusuustiisa badisaan kan macaanka iyo raaxada
gooyo oo ah geerida}. Waa hadal kooban oo aad ka fahmi karto waxyaalo aad u tirio badan
kuna xusuusinaya meesha aad maanta joogto iyo waxa kaa dambeeyo in aad had iyo
goor sahay u qaadato meesha aad barri tagi doonto. Shiikh culumada
muslimiinta ka mid ah ayaa wuxuu yiri [ ilaah ayaan ku dhaartaye qof kasta
oo nool inaga nakka mid ah wuu dhimanayaa ka bacdina wuu baaliyoobayaa (dhamaanayaa
jirkiisu) dabadeedna dhulka ayaa cuni jirkeena iyo dhiigeena sidii
aan hore dhulka wixii ka soo baxa aan u cuni jirnay, dabadeedna waxaa imaanaya
Eebe hadalkiisii ahaa { Marka suurka (buunka) la afuufo waxaa suuxi doona (dhiman
doona) cidkasta oo joogta dhulka iyo samada ilaa ciddii Eebe doono maahee,
dabadeed markale ayaa la afuufi doonaa Waxaa la arki dadkii iyagoo wada taagan
oo qabrigii ka soo baxay ( zumar 68)}.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabiga (nabad gelyo iyo
naxariis korkiisa ha ahaatee) wuxuu soo aaday dhinaca qabuuraha si uu uga qayb
galo qof la aasayay, markuu nabigu soo gaaray qabriga afkiisa ayuu nabigu
fariistay wuxuu bilaabay inuu ooyay, ilmadii Nabiga s.c.w ka soo baxday ilaa ay
qoysay ciidii saarnayd qabriga daantiisa, saxaabadii nabigu waxay bilaabeen
inay aamusaan iyago la yaaban oohinta nabiga oo hore loogu dhaafay dambigiisa,
wax yar ka bacdi ayaa nabigu isaga oo ooyaaya wuxuu saxaabada ku yiri “walaalahaygiiyow
tan oo kale u diyaar garooba waxay soo maraysaa qof kasta oo idinka idinka mid
ah”. Nin ayaa nabiga wuxuu waydiiyay qofka dadka u caqli badan,
wuxuu nabigu yiri “dadka had iyo goor xusuusta geerida oo had iyo jeerna u
diyaar garooba, kuwaasaa ah kuwa dadka u caqli badan, waxayna la tageen
sharaftii aduunyada iyo karaamadii aakhiro” (ibnu maajah).
Sidaan ognahay dadka maanta qabuuraha ku jiraa waxaa laga yaabaa
inay ahaayeen dadka aduunka u raaxa badan una waqti (cimri) dheeraa, ama
dadka ugu sharaf badan, maantana waxaa guryo u noqday qabuuraha, waxaa wehel u
ah mugdiga, darisna waxaa u ah lafaha dadkii hore oo geeriyooday, maalkoodii
waa la qaybsaday, waxaa dhab ku noqotay Eebe hadalkiisii aaha { ma
waxaad moodeen in aan idiin abuunay dheel-dheel oo marnaba xagayaga aydan u soo
noqonayn (mu’minuun 115)} . Marna
walal ma ku fekertay maalinta aad dhimanaysid, maalinta aadan lahayn xeelad aad
uga fakato geerida, marka geeriduna kuu timaado qoomamo ku anfacayn, hadda
ayaad haysataa waqti waxaad hor istaagi doontaa Eebaha aan wax ka qarsoomi
karaa aanan jirin sida Eebe quraankiisa ku yiri {maalinta eebe laydiin
soo bandhigi doono, maalintaa wax Eebe ka qarsoomaya aanan jirin ( alxaaqa
18)}. Sidoo kale wuxuu alle noo sheegay qofkasta inuu dhimanayo wuxuuna
ku yiri quraanka kariimka ah, { Naf waliba waxay
dhadhaminaysaa geerida, maalinta qiyaamana qof waliba wixii camal ah uu la yimi
ayaanu siinaynaa, qofkii laga dheereeyo naarta janadana la geliyo wuu
liibaanay, nolosha aduunyaduna waa nolol wax kadisa. (aala cimraan 185)}.
Inaad had goor xusuusnaato geerida kana fakarto wixii camal ah oo
aad samaysay waxay ka mid tahay waxyaalaha Eebe loogu dhowaado, wax kasta ood
aduunkaan ku haysatana aduunka ayaad uga tagaysaa waxaa ku raacayaa
camalkaaga, haddii uu yahay mid xun waxaad la kulmaysa wax xun, hadii uu
wanaagsan yaahayna waxaad la kulmaysaa wax wanaagsan, marka Eebe loo tagana
wuxuu eebe oran {waxaad maanta noo timaadeen qof waliba isagoo kaligii ah sidii
aan markii hore idiin abuurnay wixii aduunka aad ku hayseena gadaal ayaad uga
timaadeen}.Waxaa walaalayaal waano iyo wiciid noogu filan geerida.