
Haddii ay dadku ku fakari lahaayeen
oo ay had iyo is waydiin lahaayeen waxa allaah uu u diyaarshay dadka
mu'miniinta ah, qof waliba waxaa uu ku mashquuli lahaa sidii uu camalkiisa u
hagaajin lahaa inta uu dunida joogo si uu nolosha dambe u helo meel wanaagsan
uu ku waro. Jannadu waxay leeda-hay waxyaalo badan oo la yaab ah sida uu allaah
iyo rasuulku nooga warameen. Nabigu (scw) wuxuu yiri {dadka ahlu jannada ah
markay jannada galaan way garanayaan gurigii loo diyaariyey, maalina nabigu
wuxuu yiri ilaa-ha ay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaar-taye qofka ahlu
jannaha ahi markuu jannada galo guriga uu ka gali lahaa wuu ka aqoon badan
yahay sida uu hadda u yaqaan gurigiisa aduunka}.
Aayad quraan ah Allaah wuxuu ku yiri
((waxaa la galinayaa janno ay garanayaan oo loo qurxiyay)) wuxuu Mujaahid ku
macneeyey aayadaan waxaa laga wadaa {dadku guryihii janada ay ku lahaayeen ayay
toos u aadayaan iyagoo aan cidina tusin mana gefaayaan oo qof gurigiisii
dhaafayaa ma jiro,} rag kale oo culumada ka mid ah waxay ku macneeyeen {sida ay
dadku maalinta jimcada ah uga dareer-aan masaajidka oo ay u aadaan gurigooda ayuu
qof waliba gurigiisa u aadayaa maalinta qiyaamaha)
Dhismaha jannada
Jannadu waxay ka dhisan buluketi
dahab(gold) ah iyo bulukeeti qalin(silver) ah, labada bulukeeti dhexdooda waxaa
ah Miski (booskii dhoobada), quruuruxa jannada wuxuu ka samaysan yahay Luul iyo
yaaqu-ut (nooca ka mid ah dhagaxa qaaliga ah), ciideeduna waa sac-faraan.
Haddaba jannada dhismahaas leh waxaa iska leh dadkii iska ilaashay xumaanta
markii ay aduunka joogeen waayo nabigu wuxuu diiday qofku inuu wax ku cuno kuna
cabo weel ka samaysan dahab iyo silver, bedelkooda si ay ugu helaan jan-nada
dhexdeeda. Cidda lagu abaalmariyo. Waxaa maalin u timi nabiga qof dumar ah
waxay u sheegtay inay ku riyootay riyo aad iyo aad u yaab badan, nabigu wuxuu u
ogolaaday in ay ka waranto, waxay tiri (waxaan ku riyooday aniga oo magaalada
layga saaray ka dibna lay galiyay janno, wax-aan maqlay cod aad u wayn sidii
wax samada ka soo dhacay oo kale ah, codkaa awgiisa ayaa jannadii la furan-tay,
dhinicii aan jugta ka maqlay ayaan fiirshay waxaan arkay hebel iyo hebel iyo
hebel ilaa ay tirisay 12 nin, --raggaa ay tirisay waxay ka mid ahaayeey rag uu
nabigu u diray duulaan oo ku maqnaa duulaankii-iyadoo hadalkii sii wada ayay
tiri, nimankaasi waxay qabeen dhar ay ka muuqato dacdaro waxaa loo tilmaamay inaay
galaan wabiga magiciisa la yiraahdo -baydakh-wabigii ayaa la quusiyey waxaa
laga soo baxshay ayagoo aad wajigooda moodo sidii dayax jooga afar iyo tobnaad,
waxaa loo keenay saxan dahab ah oo aay ku jiraan timirta nooca loo yaqaan
busur, waxbay ka cuneen aniguna waan la cunay ayay tiri, halkaa markay maraysay
ayay riyadii dhamaatay, markii ay haweentii ka dhaqaaqday ayaa waxaa nabiga u
yimi nin nabiga u bishaaraynaya kana wara-maya duulaankii la diray wuxuu yiri
ninkii hebel iyo hebel iyo hebel waa la dilay ilaa uu ninkii tiriyey laba iyo
tobankii nin ay naagtu nabiga u tirisay, nabigu isla markii ayuu haweentii u
yeeray oo wuxuu ku yiri riyadii aad aniga ii sheegtay dadka ugu celi, waxaa is
waafaqay riyadeedii iyo khabarkii laga keenay ciidankii duulaanka ahaa.
Xadiithka waxaa wariyay Axmed waana shardiga muslim.
Labiska Janada
Allaah (sw) wuxuu quraanka ku yir
{sabirkii ay aduunka sabreen ayaa waxaa lagu abaal marinay janno iyo xariir),
wuxuu kale oo uu allaah yiri {dharkoodu waa xariir). Markii ay ragga
mu'miniinta ahi ka tageen inay aduunka ku xirtaan xariir iyo inay dahab xirtaan
sida faraati dahab ah ama silsilado ayaa allaah (sw) wuxuu dhar uga dhigay
jannada dhexdeeda xariir ragga iyo dumarkaba, sidoo kale ragga iyo dumarkuba
waxay xiranayaan oo ay ku labisanayaan dahabka iyo luulka sidii uu allaah u
yiri {waxaa loo labisayaa oo lagu qurxinayaa jinjimo dahab iyo luul ah}. Nabiga
(scw) wuxuu yiri ((hadii nin ka mid ah ahlu jannaha uu soo bixi lahaa oo ay
muuqan lahaayeen jin-jimihiisu (lugaha iyo gacmaha dahabka ugu jira) waxaa
qarsoomi lahaa iftiinka qoraxda sida qoraxdu ay u qariso iftiinka xidigaha)).
Dahabka uu ku labisan yahay ayaa waxaa la qarsoomi lahaa ifka qoraxda, miyayan
ahayn wax aad loola yaabo?, qof kasta oo muslimiinta ka mid ah waxaa laga rabaa
inuu ku dadaaalo sidii uu ku heli lahaa jannada allaah uu u diyaariyay dadka
mu'miniinta ah. Wuxuu nabigu xadiith kale ku leeyahay {qof mu'minka ah waxaa
labiska dahabka sida jinjimaha loo gaarsiinayaa meesha uu weesadiisa gaarsiiyo)
haddaba waxaa mudan in la hagaajiyo weesa qaadashada oo xubnaha si fiican loo
dhaqo.
Cuntada iyo cabitaanka jannada
Jannada cuntadeeda iyo cabitaankeedu
waa aad u cajiib badan, sida allaah u yiri {naf waliba waxay leedahay waxay
niyaysato oo ay jeclaato indhaheeduna ku qabawsadaan). Wuxuu nabigu xadiith ku
yiri {kawtharku waa wabi uu allaah (sw) aniga i siiyay, caanaha waa ka cad
yahay, malabkana waa ka macaan yahay, wuxuu leeyahay shimbiro aad u waawayn,
surka shimbiruhu wuxuu le'eg yahay surka geela, halka markii uu nabigu maraayay
ayaa waxaa istaagay Cumar Ibnu Khidab wuxuu na yiri "wal-laahi rasuulkii
ilaahayow waa nimco waxa aad ka sheekaynaysaa" wuxuu nabigu ku jawaabay
cunideeda ayaa ka sii nimco badan}. Wabiga uu nabigu xadiithkaan ku sheegay waa
wabi allaah uu nabiga siiyay maalinta qiyaamena marka dadka ay ka soo baxaan
qabuura-ha nabiga ayaa dadka mu'miniinta ah ka waraabinaya, nabigu wuxuu
sheegay in uu umaddiisa u yahay ceelalyo (mid darka ceelka uga sii hor mara
umaddiisa si uu darka ugu hagaajiyo oo uu markay yimaadaaana u waraabiyo)
wabigaa marka uu nabigu dadka waraabinaya waxaa laga celinaya dad calaamadihii
muslimiinta leh markaas ayuu nabigu u dhawaaqayaa allaah, wuxuu oranayaa
ilaahayow kuwaasi umadayda ayaay ka mid yihiin, markaas ayaa nabiga loogu
jawaabayaa "nabi maxamadow ma garanaysid waxay ay diinta ku soo
kord-hiyeen gadaashaa" waana kuwa waxyaalaha bidcada ah dadka diin uga
dhiga iyagoo dano gaar ah ku wata. Jannada cunadeeda iyo cabitaankeeda qofku ka
daali maayo, sida nabigu yiri: maalin ayaa nabiga waxaa u yimi nin yuhuud ah
wuxuu nabiga ku yiri nabi maxamadow waxaad sheegtay dadka ahlu jannaha ahi
cuntada iyo cabitaanka ka daali maayaan nabigu wuxuu ku jawaabay allaha ay
naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye qofka ahlu janna-ha ah waxa la
siiyay awood u dhiganta boqol qof xagga cunida iyo cabida iyo waliba xagga
jamaaca (galmada ama u tagidda xaasaskooda), halkaa markii uu nabigu marinayay
xadiithka ayuu wuxuu yiri ninkii yuhuudka ahaa qofkii wax cuna oo caba waxaa u
baahanyaa in kor tago jannada waxaad sheegtay in ayan dhib lahayn arintaasi
dhib ayey qofkii ku noqonaysaa, wuxuu nabigu ku jawaabay qofku waxaa jirkiisa
ka soo baxaya dhi-did ka udgoon miskiga markuu dhididana waxaa ka baxaya wixii
caloosha ku jiray markaas ayuu haddana ku laabanaya cuntadii.
Guryaha Janada
Wuxuu nabigu yiri {qofka mu'minka ah
wuxuu jannada ku leeyahay khaymad laga sameeyey luul, dhererkeedu lixdan mayl
xagga cirka waxaan kula nool xaasaskiisa, markii uu mid ka mid ah u tagayo ma
arkayaan kuwa kale.
Beeraha Jannada
Abuu hurayra (rc) ayaa wuxuu yiri
nabiga oo maalin sheekaynaya oo nin reer baadiya ahna nala fadhiyo ayaa nabigu
wuxuu yiri {nin ahlu janno ah ayaa wuxuu ilaah waydiistay in uu beer abuur-to
jannada dhexdeeda, allaah ayaa wuxuu ninkii ku yiri miyaanan jannada dhexdeeda
kugu siin wax kasta oo aad doonto, ninkii wuxuu ku jawaabay "haa laakiin
waxaan jeclahay inaan wax beer-to, ninkii hal xabo oo dalag ah ayuu dhul-ka ku
aasay isla markiiba beertii way soo baxday waxay le'ekaatay sidii buuro waawayn
oo kale, miraha ku yaalana ay diyaar u yihiin in la gurto, allaah ayaa ninkii
wuxuu ku yiri ibna aadamow qaado beertaa wax ku dherginaya ma jiraane, markuu
nabigu xadiithka halkaa mari-nayo ayaa waxaa kacay ninkii reer baadiyaha ahaa
oo nabiga markii hore la fadhiyay wuxuun yiri -rasuulkii ilaahayow ninkaa aad
ka sheekaynaysid oo janna-da dhexdeeda inuu beer abuuro ilaah waydiistay waxaan
u malaynayaa inuu yahay nin Quraysh ama Ansar ah maxaa yeelay iyagaa ah
beeralay anagu maahin beeralay ee baadiyaha ayaan degena-hay, nabiga (scw) wuu
qoslay markii ninkii reer miyiga ahaa uu arintaa yiri.
Hooska jannada
Jannada waxa ay leedahay hoos (har)
aan kala go'ayn mana laha qorax sida uu allaah (sw) ku yiri quraanka {Jannada
loo diyaariyey dadka allaah ka cabsada waxaa hoosteeda mara wabi, cuntadee-da
iyo hooskeeduna waa mid waligii daa'im ah}, sida ay culumadu isku iti-faaqeen
ma laha jannadu habeen waa maalin aan qorrax lahayn, culumada qayb ka mid ah
waxay ku shabahaan waqtigeeda xilliga u dhexeeya xilliga waabariga iyo qorax
soo baxa, dadka ahlu jannada ah ma seexdaan
Dumarka Jannada
Jannada dhexdeeda waxaa jooga haween
daahir sida uu allaah quraanka ku yiri {haween la dahiray (la nadi-ifiyey)}
waxay culumadu yiraahdeen haweenkaasi waxay nadiif ka yihiin Xaydka(dhiigga
caadada oo dumarka ku dhaca), saxaro, iyo wax kasta oo naftu dhibsato,
haweenkaas allaah ayaa ka ilaaliyay wax kasta oo qurun ah, wuxuu allaah yiri
waxaad moodaa luul, wuxuu kale uu allaah yiri (ahlu jannaha xaasaskoodu waa
xuural cayn) xuural cayn waxay culumadu ku tilmaameen inay tahay gabar dhalin
yar oo qurux badan indaha barta madow ayaa aad u madow meesha wareega isha ee
caddi-na aad iyo aad ayey u cadahay, indha-hooda kuma taagaan meel aan ninkooda
ahayn, waxaad moodaa in ay yihiin yaaquut iyo marjaan horana jinni iyo insi uma
soo taaban, dhamaantooda waa bikrado isku wada da' ah. Nabiga (scw) wuxuu yiri
haddii ay gabar ka mid dumar-ka jannada u soo bixi lahayd aduunka udugeeda ayaa
wuxuu buuxin lahaa inta u dhaxaysa cirka iyo dhulka, waana ifin lahayd inta
cirka iyo dhulka u dhexaysa, madaxa waxaa ugu jira ayaa ka khayr badan wax
kasta oo aduunka yaal. Wuxuu xadiith kale ku yiri nabigu (scw) xaasaska ahlu
jannuhu way u heesayaan nimankooda, cod kii ugu wanaagsanaa ayay ugu heesayaan,
codkaas oo qof horay u maqlay aanu jirin, ereyada ay ugu heesayaan waxaa ka mid
ah -wax-aanu nahay dumar akhlaaq wanaagsan wajiyo quruxsan, rag la karaameeyey
ayaan u nahay xaasas, oo ay eegaan iyagoo ku indho qabawsanaya, kuwa waaraya
ayaanu nahay oo aan dhi-manayn, kuwa la aaminay ayaanu nahay aan wax qarinayn,
kuwa degan oo aanan guurayn ayaanu nahay--- haddaba qofkii isaga taga heesaha
aduunka allaah ayaa wuxuu ugu bedelayaa bedelkaa qiimaha badan.
Wabilaahi
tawfiiq