70-ka danbi oo ugu waaweyn diinta Islaamka Qeybtee ayey kaga jiraan sixirka iyo Salaadoo laga tago?
Danbiga 3aad: Sixirka
Sixirku wuxuu ka mid yahay danbiyada ugu waaweyn, qofka wax sixra iyo kan sixiroolaha rumaysta waa isku danbi, waayo qofku markii uu sixiroore u tago waxa ay la macne tahay in uu awooddii Ilaahay gaarka u ahayd qof siiyay, kan wax sixrahayana waxa uu la macne yahay in uu sheeganayo awooddii Ilaahay gaarka u ahayd. Ilaahay wuxuu quraankiisa ku yiri” Shayadiintu waa gaaloobeen dadka ayay sixirka baryayaan” suuradda Al-baqarah Aayadda 102.
Markii uu nabigu Caleehi Salaatul Wasalaam (CSW) uu sheegayay danbiyada waaweyn waxa uu sheegay in sixirku ka mid yahay danbiyada waaweyn. Waxaa kale oo nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri” saddex janada ma galaan: qofka khamrada caba, qofka qaraabo goyska ah iyo qofka rumaysta sixiroolaha” waxaa soo wariyay Imaam Axmed.
Shareecada Islaamku waxa ay qabtaa in haddii la helo dawlad shareecada Islaamka wax ku xukunta la dilo qofkii lagu ogaado in uu wax sixro.
Danbiga 4aad : ka tagidda Salaadda (taariku salaad)
Waxaynu la soconaa in salaaddu tahay tiirka labaad ee diinta Islaamka, tiirka koowaad waa qiridda Ilaahay (shahaadada). Saddexda tiir oo kale waa Soonka, Zakada iyo Xajka. Qofku marka uu ashahaadanayo waxa ay la macne tahay isaga oo leh “ Ilaahay kaliya ayaa jira, nabi Maxamedna CSW waa rasuulkii Ilaahay, taas oo macneheedu yahay in qofku u hogaansamo Ilaahay iyo rasuulkiisa isaga oo samaynaya wax kasta oo ay fareen in uu sameeyo isla markaasna iska daynaya wax kasta oo ay ka reebeen. Haddaba salaaddu waxa ay ugu horraysaa wax yaalihii Ilaahay ina amray.
Maadaama tiirarka kale ayan ahayn kuwo si joogta ah la isaga doonayo oo waxaynu la soconaa in Soonkii sanadkiiba hal-mar ah yahay, Zakadana dad hantida leh kaliya laga doonayo, Xajkana sanadkiiba hal mar ah laga doonayo qofka awooda.
Salaaddu waxa ay noqotay waxa kaliya oo lagu qiyaasi karo inta ay daacadnimada qofka iyo inta uu qofku Ilaahay adeecayo ay le’eg yihiin.
Ilaahay meelo badan oo quraanka ka mid ah ayuu uga hadlay muhiimadda ay salaaddu leedahay iyo waliba in Ilaahay cadaab u ballan qaaday kuwa salaadda ka taga.
Ilaahay markii uu ka hadlayay dadka la caadaabayo wuxuu inoo sheegay in markii la waydiiyay sababta ay cadaabta ku mutaysteen, ay sheegeen danbiyada ay ku mutaysteen naarta, danbiga ugu horreeya oo ay naarta ku mutaysteen waa in ayan tukan jirin. Suurada Al-mudathir Aayadda 42—48.
Waxaa nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri “ qofka iyo gaalnimada waxaa u dhexeeya salaadda, haddii uu ka tagana waa gaaloobay”.
Salaadana waa in uu qofku u takado sida ay tahay, waana in uu tukado salaad kasta waqtigeeda. Nabigeena CSW wuxuu ina amray inaan carruurteena salaadda barno.
Wayaabihii Sixir Ku SooArooray
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Dhab ahaan yey u ogaadeen in ruuxii sixir barta uusan aakhiro nasiib ku lahayn] Al-Baqarah 102.
Waxaa kale oo uu Eebbe yiri:
[Waxay rumeyn sixir iyo shaydaan] An-Nisaa' 51.
Waxaa Cumar yiri:"Jubtigu" waa sixirka, "Daaquudkuna" waa shaydaanka.
Jaabirna wuxuu yiri: "Daaquudka ama Shaydaanka" Waxaa looga jeedaa faalallowyo shaydaanku ku soo degi jiray, xaafad kastana mid baa deggan.
Abuu Hurayrana, Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri: Nabiga ayaa wuxuu yiri:"Toddobada wax halaagta ka fogaada. Waxay dheheen: Nabigii Ilaahayaw, oo toddoba-daasi maxay tahay?
Wuxuu yiri: In Ilaah loo shariig yeelo, iyo sixirka, iyo in Naf aadane oo Ilaah xaaraameeyay gardarro lagu gooyo, iyo in ribada ama dulsaarka la cuno, iyo in dagaalka Jihaadka ah laga baqdo, iyo in Marwooyinka dhowrsan ee mu'miniinta ah dhillonimo lagu xanto".
Jundub waxaa laga soo weriyay, in uu yiri:"Sixirrowga dawgiisu waa in seef qoorta looga gooyo".
Waxaana Bukhaari ka soo weriyay Bijaale bin Cabdah in uu yiri:
Cumar Bin Khidaab ayaa na faray in aan dilno sixirrow iyo sixirray kasta, kolkaas baan saddex sixirrow dilnay.
Waxaana Xafsa Allaha ka raalli noqdee, laga sheegay in ay fartay in la dilo gabar boy u ahayd oo sixirtay, kolkaas baa la dilay.
Sheekadan oo kalena waxaa laga soo sheegay Jundub.
Axmad ayaa arrinta sixirrowga dilkiisa ah ka soo sheegay saddex asaxaabtii Nabiga ka mid ah.
Wayaabihii Ku Soo
Arooray Sixir-furka
Jaabbir waxaa laga soo weriyay in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, laga warsaday sixir-furka, kolkaas buu yiri" Waxay ka midtahay falka shay-daanka"{Axmad, Abuu Daa'uud}. Wuxuu yiri: Axmad ayaa la waydiiyay arrintaa, kolkaas buu yiri: Ibnu Mascuud waxyaabahaa oo dhan wuu necbaa.
Bukhaarina waxaa Qataada looga soo weriyay"Waxaan Ibn Musayib ku iri: Nin jinni hayo ama naagtiisa laga jeedshay, ma la furdaaminayaa ama la sixirfurayaa?: Wuxuu yiri: waxba kuma jabna, maxaa yeelay wax wanaajin uun bay ku doonayaan, wixii wax anfacayana lama diidin".
Xasanna waxaa laga soo weriyay in uu yiri:"Sixir ma furo qof aan sixirrow ahayn".
Ibnul Qayim wuxuu yiri: Sixirfurku, waa in sixirka laga furdaamiyo qofka sixran, waana laba jaad:
Midkood waa in sixir kale lagu furdaamiyo, waana kaas midka falka shaydaanka ka mid ah, hadalka Xasan yirina kaas baa looga jeedaa, maxaa wacay kan furdaaminaya iyo kan laga furdaaminayo ayaa shaydaanka ugu dhawaanaya wixii uu jecelyahay, kolkaas baa falkiisu ka burayaa qofka la sixray.
Kan labaadna, waa in lagu furdaamiyo tufta iyo cawdibillaysiga iyo daawooyinka iyo ducooyinka bannaan, kaasina wuu bannaanyahay.
MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa in la diiday sixirfurka (iyo Jinni furka iwm).
Tan 2aad: Waa in la kala saaray waxyaabaha la ogolyahay in lagu sixir furo iyo waxyaabaha la diidayo si qaladka loo saaro.
MAS'SHAKIGA , WERWERKA IYO BAQAHA
Haddii qof aad u aaminsan yahay in wax dhibaato gaadhsiin karaan baqaha uu ka baqaayo waxaa ayaaba cudur ku keeni kara. Bari ayaa laygu yeedhay qof dumar ah oo ilma ka soo dhacay oo wali dhiig yar ka socdo.
Geedkii liin macaanta ayaa gurigooda ku ag yaalay markaa waxaan kula taliyey inay cabto koob liin macaan ah ( liin macaanta waxaa ku jira feetamiin C oo xooggeeya xididdada dhiigga ) way cabtay liintii in kasta oo ay ka baqaysay inay dhibaato u keento. Baqeheedu aad buu u waynaa oo muddo yar kadib ayey aad u xanuunsatay ( bukootay ).
Waan baadhay hase ahaatee wax la taaban karo ama la tilmaami karo oo hayey ma jirin.Waxaan isku dayey in aan u caqli celiyo waxaan ku iri wax khatar ama halis ah naftaada kuma jirto.
Waxay igu tiri waan u dhimanayaa ugu dambayntii waxaan ku muday irbad biyo sifaysan ah biyaha sifeeysan waxba ma daweeyaan hase ahaatee qofka dumarka ahi irbadaha ayey aad u aaminsanayd markaana si dhaqsa ah ayey u bugsatay.
Liin macaantii la tuujiyey waxba ma yeelin waxaa wax yeelay aaminaaddii inay ku xanuunsanayso. Wixii bogsiiyeyna waa irbaddii ee ay aaminsanayd markaad gees ka eegto waxaan caawiyey qof dumar ah.
Laakiin markii aan aad uga fakaray arintan waxaan aqoonsaday in aan qalad ku sameeyey waayo waxaan ka dhaadhiciyey inay aaminto waxyaabo aan dhab ahayn waxaan goostay in aan qaladkan toosiyo dhowr maalmood kadib ayaan qofkii dumarka ahayd ku noqday markaana way bogsatay waxaan waydiistay inay raalli iga ahaato. Waxaan isku dayey inaan garansiiyo in aanay ahayn wixii ay ku buksootay liinta, irbadaha iyo aaminaadda xoogeeda. Sidaa daraadeed waxaa laga yaabaa in iyada iyo reerkeedaba baqaha aad ugu yaraado oo ay wanaagsanaato sida ay u daryeelaan caafimaadkooda, waayo caafimaadku wuxuu xidhiidh la leeyahay aqoonta iyo baqa la'aanta.
FALKA, SIXIRKA IYO ISHA
Qof kasta oo is leh waa lagu falay ama waa lagu galay bukaankiisa waxaa dhici kara inuu ka imaanayo aqoon la'aan iyo baqo uu qabo dadka wax falaa cidna wax ma yeeli karaan idanka Ilaahay mooyaane.
Dadka qaar ayaa mooda in la falay marka cudur aan la garanayn ama ka argagixiyaa helo. Mar walba waxaad la tashataa culimada Alle yaqaanka ah ee miraha diineed leh lana yaqaan.
Ha ku lumen lacagtaada dadka falanfllowyada ah iyo kuwa yiraahda waxayna tunnaa saarka iwm. Haddii cudur halis ahi ku hayo doono gargaar dhakhtarnimo. Daawooyinka guriga qaarkood si toos ah ayey jirka u daaweeyaan Ilaahay idinki. Way xoog badan tahay awoodda ay wax ku bogsiiyaan waxyaabaha la aaminsan yahay. Tusaale ahaan nin madaxa aad u xanuunayo ayaa qof dumar ah waxay siisay xabad nanac duray oo xanuunka bi'isa. Ninkii wuxuu rumaystay oo xanuunkii si dhakhso ah ayuu uga tagay.
Waxaa hubaal ah in rumaysigii uu rumaystay dawadeedii ay wax u tartay ee nacnac durayga aanu waxba u tarin. Daawooyin badan oo kuwa hidaha ahi sidan ayey wax u daaweeyaan.Wax tarkooda waxaa u sabab ah kalsoonida dadku ku qabo.
W.Q.Axmed X.Cabdullaahi
Xanuunada Sixirka
Si ahaan tiisaba sixirku si kastaba ha ku yimaadee haddii uu qofka ku dhaco waa xanuun ka mid ah xanuunada aadamiyaha ku dhaca uguna baahan siday ugu baahan yihiin daawo .
Waxaa waligedba jirtay in si aad iyo aad udarran looga baqo sixirka ,kabaqashahaana wxaa abuura u helitaan la’aan aan loo helin daawooyin si rasmi ahaana loo wadayaqaano xanuunadiisa oo markaa loohelana dadku ay u arkaan wax sahlan oo laga daawoobi karo .
Haddaba dadku aad ayey uga baqaan xanuunka markaa aan daawo rasi ah loo helin sida : Juudaanka , Aydhiska , Sixirka, Kansarka, Barasta iyo wixii la mid ah…
Haddaba waxaa suuragal noqotay in lagu guulaysto in loo helo dhammaan xanuunada sixirka nooca ay doonaan ba ha ahaadaane daawooyin aan ka tagahaynin xanuun kamid ah xanuunada sixirka iyada oo lala qaba noocyo badnaan tooda boqol kii ba sagaashan iyo shan waa sahal sida loo helo marka baadhitaan lagu samaynaayo waxyaalaha lagu dareemo ,noockastaana wuxuu leeyahay daawo u gaar ah boqolkiiba shanna aad ayey u qarsoon tahay waxyaalaha lagu dareemaa suuragalna ma aha in laga garto xanuunada kale in loo fuliyo mooyaane baadhitaano guud ahaaneed oo ugaar ah sida loosoosaaro dareemada qarsoon ee xanuunada sixirka sheegaysana waxa aan ka mid ahayn xanuunada sixirka kadibna la siiyo daawadiisa illaaya oo qofku saani uga bogsado .
Gelitaanka Jinku uu galo jirdhka Aadmiga
Hadday ahaato xagga galitaaka jinku uu galo jidha aadamiyaha kaasoo noqday mid khilaaf weyn ka yimaado markay noqoto muslimiinta dhexdooda ,waxaanu u kala qaybsamaa laba qayboob :
1= wuxuu galitaanka samaynayaa jinku isaga oo laga soo amray oo laga soo qasbay xaga sixiroolayaasha.
2= wuxuu galitaanka samaynayaa oo uu qofka ku galayaa ikhtiyaarkiisa (is ahaantiisa ).
Haddaba waxay keentay natiijadii baadhitaanadu majaalkan : in la helo hab istaraatiiji ah oo saddex geesood ah raaligalinayana saddexda dhinac: dadka xanuunsanaya iyo jinka wax galaya iyo dadka wax daaweeya iyada oon midna saddexdaa dhinac kamid ahina aanu lakulmin mushkilado .
Haddaba hadduu jinku ka mid yahay muslimiinta daawadu manoqonayso mid fog maxaa yeelay islaamku waa sida dunta tusbaxa oo kale muslimiintana wuxuu u kulminayaa insigooda iyo jinkoodaba dariiqada ugu fudud ee ugu fiican.
Haddaba haddaanay aheyn muslimiin waxay leeyihiin nidaam kale oo loo daaweeyo .
Waxaynu halkan ku soo qornay waxaa loo qoray si jumlad ah oon laka la saarin taasna waxaa kalifay iyada oo aan loohayn eray bixino laga yaqaano dadka dhexdooda illaa in yar mooyaane oo ka mid ah xanuunada sixirka
Si kastaba ha ahaatee waxaynu soo sheegnay in kabadan laba boqol oo daawo…
Taasi waa qayb ,qayb kale oo muhiim ahina way haddhay haseyeeshee halkan laguma qorin siyaabo daraadood waxaanay imaanayaa waqti munaasib ah .
Casharo la xiriira Muxaadarooyin Maqal iyo Muuqaalba Dhamaanba Link Hoose ka Dooro
Muxaadaro Muuqaal ah oo ku saabsan sixirka isha jinnka dadka gala
halkaan ka daawo Riix Halkaan
Sidoo kale Muuqaal kale oo ku Saabsan ila sixirka isha jinnka dadka gala
Halkaan ka daawo Riix Halkaan 2
Muxaadarooyin Maqal ah Mp3
Halkaan ka Soo Dajiso Muxaadarooyin Maqal ah ku Saabsan Sixirka isha Jinnka Dadka gala
Riix Halkaan
Wabilaahi Towfiiq