Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo
ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah. Masjidkii ayuu galay, wuxuuna Abuubakar
ku yiri "Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso" Abuubakar
markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu
hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo
dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay
gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri " Faadumoy waa maxay hugunka
iyo sawaxanka yeeraya?" waxay tiri Faadumo "Muslimiintii ayaa
qeylinaya markey ku waayeen".
Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid
Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii
salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la
dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: "Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan
idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa
qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa
maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro".
Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la
geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna
yiri: "Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa)
Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka
qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal
gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo".
Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg
nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: "Assalamu
calaykum ma soo galaa?" Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: "Ninyahow
rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa"!!
Malakul-mowt mar
labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka NNKH ayaa
Faaduma ku yiri: "Ma garanaysaa ninka?". Faaduma waxay tiri: "
Maya" rasuulku wuxuu yiri: "waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya
(kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha
agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa
Malakul-mowt".
Faaduma markay ogaatay
in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: " masiibo ayaa nagu
dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa
naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii
rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.
Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad
tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)" wuxuu kaloo
rasuulku yiri:" malakul'mowdow soo gal" wuuna soo galay malakul'mowt,
wuxuuna yiri. "Assalamu calayka yaa rasuullulaah" rasuulkuna wuxuu
yiri "wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i
soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?".
Malakul-mowt wuxuu yiri:
"waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii
idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu
yiri: "malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt
wuxuu yiri:"waxaan uga soo tagay samada adduunyada", isla markiiba
waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna
rasuulku yiri: "miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:"waan
ogahay rasuulkii Illaahayow".Rasuulku wuxuu yiri: " iigu bishaarey
Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)".
Malakul-jibriil wuxuu yiri:
"albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii Illaahayna saf bay galeen
iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay". Rasuulku
wuxuu yiri: "iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta
Qiyaamaha?".Malakul-jibriil wuxuu yiri: "waxaan kuugu bishaaraynayaa
Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi
Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha Illaahay oo
dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan".Rasuulkuna wuxuu yiri:
"hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay
murugtii".
Rasuulku wuxuu yiri:
"malakul-mowdow ii soo dhowow". Malakul-mowt waa u soo dhawaaday
naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu
yiri: "maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka", wuxuu
kaloo yiri: "malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta
wijigayga?". Malakul-jibriil wuxuu yiri " Illaahay xabiibkiisiyow yaa
awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya". Aanas Binu Maalik
wuxuu yiri: " Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay
(milkisay) gacmihiinu.
Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama
loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la
dayn lahaa rasuulkii Illaahay:
Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la
karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha
NNKH.