News Update :

Maxaa Cusub

Maqaalo Diini

Muuqaalo

Formula 1 News

Showing posts with label Maqaalo Diini. Show all posts
Showing posts with label Maqaalo Diini. Show all posts

Buuga Quraanka Macnihiisa Afka Soomaaliga Download

Thursday, January 10, 2013

Bismilaah Halkaan Waxaan idin kuugu soo diyaarinay Buuga
Quraanka Kariimka Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga
Translation of the Meanings of The Noble Quran in the Somalia Language,

Asigoo Dhan insha allah ka faaideysi Wacan Walaalayaal
Soo Dajiso Riix Link Hoose  


Riix Halkaan

Quraanka Kula Dagaalan Sixirka Isha Jinnka Dadka gala

Bismilaah
Waxaa Ilaahay iyo Nabigeenii Suubanaa CSW inoo sheegeen in quraanka yahay Daawo markaa Hadii Dhibaatooyinka
Isha
Sixirka
Jinnka
Aad isu malaysay ama aadan joogin meel aad ka heli karto Cilaajkaaga sida Qurbaha ama meelo aadan ka heli karin
Cida wax boogsiisa waa ilaahay,
Ma jirto Cid kale oo alle ahayn oo dhibka kaa faydi kartaa

Hadaba fadlan Waysayso Oo tuko,
ilaahay Caafimaad weydiiso,
uuna toobad keen Waa Dembi Dhaafe naxariistee ka Dib Aqriso Quraanka Dhageyso

Qeybta hore Jinnka Soo Dajiso
Download : Qeybta Jinnka Riix Halkaan
Download : Qeybta Sixirka Riix Halkaan
Download : Qeybta u Dambeyso Ruqyada isku Dhan

Casharo la xiriira Muxaadarooyin Qoraal Maqal iyo Muuqaalba Dhamaan Link Hoose ka Dooro

Muxaadarooyin Maqal ah Mp3
Halkaan ka Soo Dajiso Muxaadarooyin Maqal ah  ku Saabsan Sixirka isha Jinnka Dadka gala
Riix Halkaan

Muxaadaro Muuqaal ah oo ku saabsan sixirka isha jinnka dadka gala
halkaan ka daawo Riix Halkaan
Sidoo kale Muuqaal kale oo ku Saabsan ila sixirka isha jinnka dadka gala
Halkaan ka daawo Riix Halkaan 2

Sidoo kale Cashar Qoraal ah oo isla ku saabsan Sixirka isha Jinnka dadka gala Xukunkooda Qoraal ahaan halkaan ka aqriso > Riix Halkaan

Wabilaahi Towfiiq 

Muxaadaro Maqal Sixirka Isha jinnka Dadka gala





















Kitaabka Caalamka Jinka: Sh. Maxamed Ismaaciil Maqal mp3 ah oo ku saabsan Casharadii aan idin soo gudbinay oo ku saabsaneed Sixirka isha jinnka dadka Gala xukunkooda iyo sida loola Dhaqmo

Muxaadarooyin Maqalka Mp3 Ah Halkaan ka Soo Dajiso !

Download : Dadka uu galey Jinku sida loola hadlo
Download : Dadka uu galey Jinku sida loola hadlo 2
Download : Xiriirka Qariinada "Nocayada shaqadoda
Download : Awliyada Allaah iyo kuwa Shaydaanka
Download : Sixirka, Madiidada iyo wm
Download : Qur'aanka lagu akhriyo Sixirka
Download : Aayadaha iyo Suuradaha Isha, Cawrida




Casharo la xiriira Muxaadarooyin Qoraal iyo Muuqaalba Dhamaanba Link Hoose ka Dooro

Muxaadaro Muuqaal ah oo ku saabsan sixirka isha jinnka dadka gala
halkaan ka daawo Riix Halkaan
Sidoo kale Muuqaal kale oo ku Saabsan ila sixirka isha jinnka dadka gala
Halkaan ka daawo Riix Halkaan 2

Sidoo kale Cashar Qoraal ah oo isla ku saabsan Sixirka isha Jinnka dadka gala Xukunkooda Qoraal ahaan halkaan ka aqriso > Riix Halkaan

Wabilaahi Towfiiq 





AABBAHA ALLE YAQAANKA AH

Wednesday, January 9, 2013

AABBAHA ALLE YAQAANKA AH.

Astaamaha Aabaha Alle Yaqaanka ah.

1) Waxaa lagu yaqan inuu yahay Axad Ilaahay kabaqa, Rasuulkiisana raaca.

2) Wauxuu aad uga warqabaa baahida reerkiisa: Xagga, Diinta, maalka, ama Mooraalka.

3) Xaaskiisu way ku faraxdaa marka uu guriga soo galo.

4) Waa kan dhisa culuumta iyo caqliga reerkiisa, isla markaasna saxa caadooyinkooda.

5) Ma aha mid dila xaaskiisa, ma-caayo, mana xaqiro.

6) Makeeno gurigiisa shay aan Ilaah raalli ka ahayn, mana geeyo reerkiisa goob Alle uusan jeclayn.

7) Waa kan had iyo goor daaweeya qalbiga xaaskiisa.

8) Marka uu maamulayo arrimaha reerkiisa, ma aha BAKHIIL iyo XAASID.

9) Ma aha qof neceb qaraabada xaaskiisa (sabab sharci ah la’aanteed).

10) Kama hagrado xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo aadduunyo ah (awoodiisa)

11) Waa kan xusuusta rabbigii abuurtay markuu maamulayo reerkiisa.

12) Wuxuu had iyo jeer ka dalbaa cafis xaaskiisa, maadaama uusan dhammayn Karin xaqeeda.

13) Waa kan ugu yeera xaaskiisa naynaasaha tan ugu wanaagsan.

14) Maalka reerkiisu u baahi qabo waakan aan ku bixin meelo kale oo aan fiicnayn.

15) Waxaa lagu yaqaan in xaaskiisu ku xiran tahay, gabdhaha AKHLAAQDA iyo DIINTA ku sifoobay.

16) Gurigiisa waxaa laga yaqaan jacaylka islaamka iyo ehelkiisa.

17) Kuma yiraahdo xaaskiisa “Waad fool-xuntahay & Waan ku-necbahay”.

18) Sidoo kale ma habaaro xaaskiisa.

19) Markay jirran-tahay iyo markay culus-tahay wuu u-khidmeeyaa xaaskiisa.

20) Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda.

21) Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay u shaqeeyaan.

22) Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada ku taagan yahay.

23) Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u yihiin.

24) Makeeno gurigiisa MARTI xun.

25) Wuxuu dhisaa diinta xaaskiisa iyo ubadkiisa.

26) Ficil xun iyo hadal xun kuma horsameeyo reerkiisa.

27) Waxaa lagu arkaa reerkiisa goobaha khayrka sida: MASAAJIDKA & MALCAAMADA.

28) Ciyaalkiisu lama aha saaxiibbo kuwa dhaqanka iyo diinta gurracan.

29) Kama shaqeeyo meel xaaraan ah, gurigiisana lagama cuno..cunto xaaraan ah.

30) Mageeyo reerkiisa goobaha lagu-so- jeedo iyadoo Ilaah lacaasinayo.

31) Gurigiisa lagama xirto dharka qarriban.

32) Reerkiisu madhibo dariska mana sheegaan beenta.

33) Wuxuu ka-fakaraa danaha Muslinka iyo Soomaalida.

34) Qawl-kiisa iyo ficilkiisu waa isku mid.

35) Ma aha qof ku takhasusay qurxinta QABYAALADDA.

36) Xaaskiisu ugama baqdo sidii dhurwaaga oo kale.

37) Ma aha qof caro badan oo dabeecad xun.

38) Waa nin badanaaba gurigiisa laga helo.

39) Waa kan aan ka-fakarin calooshiisa, dharkiisa iyo hurdadiisa oo kaliya.

40) Dadka ma xanto, ma jaajuuso sidoo kale iskuma diro.

41) Waakan xaaskiisu u sheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.

SOOWJADA SAALIXADDA

Sifaadka Sowjada Saalixadda ah.



1) Waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had iyo jeer adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah.

2) Waxaa lagu yaqaan inay tahay tii xafidda maalka ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan yahay.

3) Waa midda uu farxo ninkeedu haddii uu fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.

4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan kabixin, amarka ninkeeda la’aantiis.

5) Waa midda had iyo jeer ku-salaanta ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn.

6) Waatan had iyo jeer Alle uga mahad-celisa ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayey, isla markaasna uu yahay carruurteeda kii dhalay.

7) Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda, waa tii doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.

8) Waxay astaan u leedahay dabeecad badan.

9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo dharkeedu qarriban yahay.

10 ) Ma aha mid ninkeeda ku qaylisa marka ay wada hadlayaan.

11 ) Waxay ku waanisaa ninkeeda inuu xiriiriyo Waalidkiis, walaalihiis, riximkiisa iyo saaxiibbadiis.

12 ) Waa midda khayrka falid badan, kuna dadaasha faafintiisa.

13 ) Waa tan runta dhar kadhigata, kana fogaata beenta iyo ehelkeeda.

14 ) Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa, kuna saacidin carruurta wax uusan ninkeedu raalli ka ahayn oo xumaan ah, sidoo kale waa tii barta ixtiraamka aabahood.

15 ) Waa mid aan caro badnayn, haddana aan aqoon laab- lakaca.

16 ) Waxay aad uga fogtahay Kibirka, is-cajabinta iyo isla weeynanka.

17 ) Waa tii had iyo jeer ka laabta indhaheeda aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.

18 ) Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda.

19 ) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay.

20 ) Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.

21 ) Waa mid si dhammaystiran ugudata cibaadada Alle kufaral yeelay.

22 ) Waatan si buuxda u og in ninkeedu yahay Sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula.

23 ) Waa midda ka xusta rabbigeed(carrabka iyo qalbigaba), had iyo jeerna aan iloobin.

24 ) Waa midda aan had iyo jeer sheegsheegin wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.

25 ) Waa tii qirata dambigeeda, haddii uu khalad kadhacana weydiisata cafis ninkeeda.

26 ) Waa tan aan soomin soon Sunne ah, ninkeeda oo raalli ka ah mooyee.

27 ) Waa midda aan isu ekaysiin ragga, xagga hadalka, socodka iyo dharxirashadaba.

28 ) Waa midda had iyo goor ogsoon weeynanka xaqa ninkeeda, kuna raalli galisana ninkeeda wixii aan macsi ahayn oodhan.

29 ) Waa midda aan dhaleecayn ninkeeda, isla markaasna aan kudhibin wuxuusan awoodi Karin.

30 ) Waa midda qarisa quruxdeeda iyo jirkeeda, ninkeeda mooye.

31 ) Waatan lagu yaqaan xishood badan iyo asturnaan.

32 ) Waa midda aan soo gelin gurigeeda qof uusan ninkeedu raalli ka ahayn.

33 ) Ma-diiddo ninkeeda, haddii uu ugu yeero sariirtiisa.

34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda MUUQATA xagga(nadaafadda &labiska) iyo tan QARSOON xagga(diinta & Taqwada).

35 ) Waxay kaloo caan kutahay, ma aha tii fidisa sirta ninkeeda iyo gurigeeda.

36 ) Waa midda aan ku kallifin ninkeeda wax uusan awoodi Karin oo adduun ah.

37) Ma aha mid hub ka dhigata, quruxdeeda, yaraanteeda ama maalkeeda.

38 ) Waa tii had iyo jeer ka shukri naqda wax walba oo ay hesho, haba ahaadeen wax yar e.

39) Waa midda aan kadalbin furriin joogta ah ninkeeda, sabab la’aan.

40 ) Waxay ninkeeda u muujisaa kal-gacal iyo jacayl dhan walba ah, waxayna si xiiso leh u dhagaysataa marka uu hadlayo.

41) Waa midda ku-taageerta ninkeeda wixii khayr ah oo uu falayo, lana garabtagaan waanooyinka wanaagsan iyo dhiiri gelinta suuban.

Lasoco qaybta dambe oo aan kufiirin doono Sifooyinka Sawjka Saalixa ah inshaa Allaah

1) Waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had iyo jeer adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah.

2) Waxaa laguyaqaan inay tahay tii xafidda maalka ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan yahay.

3) Waa midda uu farxo ninkeedu haddii uu fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.

4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan kabixin, amarka ninkeeda la’aantiis.

5) Waa midda had iyo jeer ku-salaanta ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn.

6) Waatan had iyo jeer Alle uga mahad-celisa ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayey, isla markaasna uu yahay carruurteeda kii dhalay.

7) Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda, waa tii doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.

8) Waxay astaan u leedahay dabeecad badan.

9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo dharkeedu qarriban yahay.

10 ) Ma aha mid ninkeeda kuqaylisa marka ay wada hadlayaan.

11 ) Waxay kuwaanisaa ninkeeda inuu xiriiriyo Waalidkiis, walaalihiis, riximkiisa iyo saaxiibbadiis.

12 ) Waa midda khayrka falid badan, kuna dadaasha faafintiisa.

13 ) Waa tan runta dhar kadhigata, kana fogaata beenta iyo ehelkeeda.

14 ) Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa, kuna saacidin carruurta wax uusan ninkeedu raalli ka ahayn oo xumaan ah, sidoo kale waa tii barta ixtiraamka aabahood.

15 ) Waa mid aan caro badnayn, haddana aan aqoon laab- lakaca.

16 ) Waxay aad uga fogtahay Kibirka, is-cajabinta iyo isla weeynanka.

17 ) Waa tii had iyo jeer ka laabta indhaheeda aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.

18 ) Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda.

19 ) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay.

20 ) Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.

21 ) Waa mid si dhammaystiran ugudata cibaadada Alle kufaral yeelay.

22 ) Waatan si buuxda u og in ninkeedu yahay Sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula.

23 ) Waa midda ka xusta rabbigeed(carrabka iyo qalbigaba), had iyo jeerna aan iloobin.

24 ) Waa midda aan had iyo jeer sheegsheegin wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.

25 ) Waa tii qirata dambigeeda, haddii uu khalad kadhacana weydiisata cafis ninkeeda.

26 ) Waa tan aan soomin soon Sunne ah, ninkeeda oo raalli ka ah mooyee.

27 ) Waa midda aan isu ekaysiin ragga, xagga hadalka, socodka iyo dharxirashadaba.

28 ) Waa midda had iyo goor ogsoon weeynanka xaqa ninkeeda, kuna raalli galisana ninkeeda wixii aan macsi ahayn oodhan.

29 ) Waa midda aan dhaleecayn ninkeeda, isla markaasna aan kudhibin wuxuusan awoodi Karin.

30 ) Waa midda qarisa quruxdeeda iyo jirkeeda, ninkeeda mooye.

31 ) Waatan lagu yaqaan xishood badan iyo asturnaan.

32 ) Waa midda aan soo gelin gurigeeda qof uusan ninkeedu raalli ka ahayn.

33 ) Ma-diiddo ninkeeda, haddii uu ugu yeero sariirtiisa.

34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda MUUQATA xagga(nadaafadda &labiska) iyo tan QARSOON xagga(diinta & Taqwada).

35 ) Waxay kaloo caan kutahay, ma aha tii fidisa sirta ninkeeda iyo gurigeeda.

36 ) Waa midda aan ku kallifin ninkeeda wax uusan awoodi Karin oo adduun ah.

38 ) Waa tii had iyo jeer ka shukri naqda wax walba oo ay hesho, haba ahaadeen wax yar e.

39) Waa midda aan kadalbin furriin joogta ah ninkeeda, sabab la’aan.

40 ) Waxay ninkeeda u muujisaa kal-gacal iyo jacayl dhan walba ah, waxayna si xiiso leh u dhagaysataa marka uu hadlayo.

41) Waa midda ku-taageerta ninkeeda wixii khayr ah oo uu falayo, lana garabtagaan waanooyinka wanaagsan iyo dhiiri gelinta suuban.

Lasoco qaybta dambe oo aan ku fiirin doono Sifooyinka Sawjka Saalixa ah inshaa Allaah.

Ahmiyada Salaada

Ahmiyada Salaada

Salaadda waxay ka mid tahay guud ahaan marka laga hadlayo cibaadada kuwa ugu muhiimsan, waana marka laga eegayo aragtida islaamka. Waxaa salaadda lagu soo waajib yeelay samada ama cirka, waxayna ahayd habeenkii Nebi Muaxammad (scw) la dheelminayay, iyadoo lambarka koowaad ka gashay cibaadadii kale ee tiirarka islaamka. Sababta loogu beegay waajibinta salaadda cirka ama samada ayaa ka tusinaysa ahmiyad goonni ah oo ay wadato salaadda.

Madaxda xukuumadaha maanta dunida kajira, markay soo korodho xaalad degdeg ah oo aad u muhiim ah, waxay durbadiiba u yeertaan danjirayaashooda/safiiradooda. Tani waa tan uu bini aadamku si fudud u fahmikaro, ee aan eegno dheelmidii nebi Muxamad.

Nebi Muxammad (scw) maadaama uu yahay safiirkii ummadda islaamka, ayuu Eebbe (sw) ugu yeeray arrin degdeg ah, aadna muhiim u ah, kadib markii loo dheelmay xagga samada, si uu si toos ahaaneed ula soo hadlo Rabbigii sarreeyay, ayna uga wada hadlaan arrinta ku saabsan waajibinta salaadda ee ummadda islaamka.

Halkan waxaa mudan inaan xusno, in markii hore lagu waajibiyay oo loo soo dhiibay Rasuulka (scw) 50 salaadood, hase ahaatee wuxuu la kulmay Nebi Muse (cs), isagoo kula taliyay inuu u laabto xagga Alle (sw), uuna weydiisto inuu ka khafiifiyo tirada salaadaha, maadaama uu isagu soo arkay qoomkiisii reer Banuu Israa’iil. Sidii ayuu Rasuulka (scw) ugu noqday Eebbe (sw), isagoo sidaas sameeyay dhowr jeer, jeer markii danbe loo soo dhiibay salaado shan, laakiin xagga ajarka ay ka yihiin 50 salaadood oo kale.

Tixgelinta islaamka ay ku leedahay salaadda

Rukniga ama tiirka Salaadda waxaa la waajibiyay 3 sanno kahor waqtigii hijrada. Waana cibaado ay la iman jireen ummadihii naga horeeyay iyo Nebiyadoodaba, sidoo kale ay waajib tahay inay la yimaadaan ummadda Nebi Muxammad (scw).

Meel weyn ayuu islaamka gaarsiiyay ahmiyadda cibaadada salaadda, isagoo digniin iyo gooddi daranna uga digay ciddii ka tagta, ee aan la imaan salaadda. Salaaddu waa saldhiga ugu weyn ee diinta islaamka, waa furaha Jannada, dhinaca kale salaaddu acmaasha la qabto ayeey ugu kheyr badan tahay, waana camalka ugu horreeya ee addoonka la weydiin doono maalinta aakhiro.

Dhammaan tiirarka kale ee aan ka ahayn salaadda waxaa lagu waajibiyay isagoo Nebiga (scw) saaran dhulka, halka salaadda keligeed loogu waajibiyay isagoo ku sugan samada ama cirka, waana habeenkii la dheelmiyay suubbanaha Nebiga (scw), waxayna taasi ku tusinaysaa miisaanka culus ee ay wadato salaadda.


Nebiyadii hore iyo Salaadda

Nebiyadii hore dushooda nabadgelyo iyo naxariis Eebbe (sw) ha yeelee si goonni ah ayeey u qaddarin jireen ilaalinta salaadda. Matalan, waxaynu qur’aanka ka heli karnaa tusaalooyin fara badan oo arrintan la xiriirta. Matalan waxaynu arkaynaa Nebi Ibraahim (cs) oo ku duceysanaya “Rabbiyow waxaad iga dhigtaa kuwa salaadda ooga, sidoo kale ubadkayga, Rabbiyoow naga aqbal ducadayda” Suuradda Ibraahim lambarka 40.

Sidoo kale, wiilkiisa Ismaaciil (cs) ayuu misna Eebbe (sw) ku ammaanayaa inuu ehelkiisa fari jiray salaadda, wuxuuna yiri “Wuxuu (Ismaaciil) fari jiray reerkiisa salaadda iyo zakada, Rabbi agtiisana wuxuu ahaa mid looga raalli yahay”. Suuradda Maryama aayadda 25.

Markii ugu horeysay ee loo waxyoonayay (Eebbe la hadlayay) Nebi Muse (cs) wuxuu Eebbe (sw) faray inuu oogo salaadda, wuxuuna ku yiri “waan ku doortow (Muusow) ee maqal waxa laguu waxyoonayo, Annigu waxaan ahay Allaha aan anniga mooyee Ilaah kale jirin ee anniga i caabud, salaaddana oog xuskayga” Suuradda Daha aayadaha 14 iyo 15.

Sidaas oo kale ayaan qur’aanka ku arkaynaa dardaarankii addoonkii wanaagsanaa ee Luqmaan, markii uu u dardaarmayay wiilkiisa, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “wiilkaygayow oog salaadda, macruufkana far (dadka) munkarkana ka reeb (dadka), wixii dhibaato ku soo gaartana u sabar, sidaas ayaa ummuuraha kuwooda loo qasdo”. Suuradda Luqmaan aayadda 17. Nebi Ciise (cs) markii ugu horeysay ee uu hadlay isagoo ku sugan dhabta hooyadii, hadalladii waxyiga ahaa ee uu qur’aanka noo sheegay waxaa ka mid ahaa “waxaa la ii daardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay”.

Suuradda Maryama aayadda 31. Ugu danbeyntii waxaa Suubbanaha Nebigeena Muaxammad (scw) la faray inuu isna la yimaado salaadda, wuxuuna Alle ku yiri “Akhri (Muxammadow) wixii xaggaaga la waxyooday oo kitaabka ah, salaaddana oog, maxaa yeelay salaadda waxay (dadka ka) reebtaa xummaanta iyo waxa la naco...” Suuradda Al-Cankabuut aayadda 45.

Dhinaca kale, wuxuu Eebbe (sw) sii adkeynayaa ahmiyadda salaadda ugu leedahay xagga sifada ama tilmaanta Alle-ka-cabsiga (taqwa), wuxuuna Eebbe (sw) leeyahay “(qur’aanka) waa hanuun dadka Alle ka cabsada, waa kuwa rumeynaya waxa qaybka (qarsoon aan la arkeyn ee xaqa ah) ah, salaaddana oogaya, lana baxaya-na wixii aan ku arsaaqnay xaggiisa” Suuradda Al-Baqara aayadaha 2 iyo 3. Markale salaadda iyadoo aan aan eegayno, wuxuu qur’aanka ku billaabayaa, misna ku gabagabeenayaa sifooyinka dadka liibaanay, waana billoowga suuradda Al-mu’minuun.

Waqti iyo xaalad goonni ah ma laha salaadda


Haddaba, qofka muslimka ah markasta iyo xaalad kasta waa laga doonayaa la imaanshaha salaadda, hadduu negaasho yahay, iyo hadduu safar yahay-ba, hadduu ku jiro xaalad cabsi, iyo hadduu ku jiro xaalad nabadeed, hadduu nabadgelyo haysto, iyo hadduu ku jiro xaalad colaadeed, hadduu buko, iyo hadduu caafimaad qabo, intuba waa inuu la yimaadaa salaadda.

Wuxuu Eebbe (sw) isagoo na faraya inaan ilaalinno salaadaha yiri “xifdiya salaadaha (shanta ah) iyo salaadda dhexe (ee sharafta badan, waana salaadda Casar), una istaaga Eebbe (sw) dartii idinkoo u khushuucsan”. Al-Baqara aayadda 238 iyo 239. Taasna waxaa loola jeedaa, inaan xaalad kasta aan jirno ilaalinno salaadaha faralka ee shanta ah. Ma awoodi wayday inaad istaag ku tukatid, ku tuko fadhi, xittaa haddaad awoodi wayso inaad fadhi ku tukatid, waa inaad u tukataa dhinac-dhinac, ama-ba aad ku tukataa si ishaaro ahaan ah, siday culumada islaamka yiraahdeen oo kale.


Gooddiga haysta qofkii ka taga salaadda


Maadaama aan sidaas u soo aragnay ahmiyadda ay u leedahay ilaalinta iyo xifdinta salaaddaa, sidoo kale-na aynu soo aragnay siday ummadihii hore iyo nebiyadoodiiba ay u ilaalin jireen salaadda, ayaa wuxuu haddana qur’aanka gooddi daran u jeedinayaa kuwa iyaga aanan ilaalin salaadda, isla mar ahaantaana aan waqtigeeda ku tukan, ama-ba aan gebi ahaanba u tukan.

Wuxuu Eebbe (sw) isagoo uga digaya kuwaas aanan ilaalin waqtiyada salaadda ku yiri “ halaag waxaa u sugnaaday kuwa tukanaya (ee munaafiqiinta ah), ee haddana halmaansan salaaddooda” Suuradda Al-Maacuun aayadda 4 iyo 5.

Markii uu Eebbe (sw) soo magacaabay Nebiyaal fara badan, isagoo ku amaanay acmaashoodii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen, ayuu misna wuxuu Nebiyadaas gadaashood Eebbe (sw) ku xusay kuwo kale oo garabmaray wadiiqadii Nebiyadaas ee suubbanaa, wuxuuna yiri “waxaase ka gadaal maray (nebiyadaas) kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacayna shahawaadkooda (waxay naftoodu jecleyd), kuwaas waxay la kulmi doonaan (aakhiro) shar”. Suuradda Maryama aayadda 59.

Haddaba, haddii aad doonaysid inaadan lagula kulmin shar iyo tog weyn oo ku yaala naarta Jahannamo, Ilaahay ha naga badbaadiyee, waxaad ku dadaashaa salaadda, oo ilaali waqtigeeda iyo axkaamteeda.

Haddii aan dib u milicsanno xagga axaadiista, waxaa hubaal ah inaan arkayno iyadoo uu Rasuulka (scw) ka dhigayo salaadda waxa lagu kala sooco qofka muslimka ah, iyo kan aan ahayn.

Xaddiis uu werinayo Imaam Axmed iyo Muslim iyo sidoo kale Asxaabu-sunanku, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “qofka iyo shirkiga iyo kufriga waxaa u dhaxeeya iyadoo laga tago salaadda”. Xaddiis kale oo saxiix ah, ayna werinayaan imaamyada shanta, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “ballanta annaga (muslimiinta) iyo iyaga (gaallada) noo dhaxeysa waa salaadda, qofkii ka taga-na waa gaaloobay”.

Maalin maalmaha ka mid ah isagoo Rasuulka (scw) ka hadlaya mustaqbalka uu ku danbeyn doono qofka xifdiya oo ilaaliya salaadda iyo kan aan ilaalin ayaa wuxuu yiri “qofkii xifdiya (salaadaha shanta) waxay u noqon qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo maalinta qiyaamaha, qofkiise aan xifdin (salaadaha shanta) uma u noqoto qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo-ba, wuxuuna noqonayaa maalinta qiyaamaha la jirka Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan (wasiirkii Fircoon) iyo Ubayu Binu Khalaf”.

Culumada islaamka waxay iyagoo xaddiiskan fasiraya yiraahdaan “qofkay hantidiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa (qiyaamaha) la-jirka Qaaruun, qofkay boqortooyadiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Fircoon, iyo qofkay madaxtinimo iyo howlo wasaarado ay salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Haamaan, iyo ugu danbeyntii qofkay ganacsigiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Ubayu Binu Khalaf.


Salaadda la iska doonayo

Salaadda uu Islaamka doonayo ma ahan salaadda lala imaanayo oo keliya xarakaadka iyo qiraa’ada qur’aanka, isla mar ahaantaana aan wadan khushuuc iyo isu-dulleyn xagga Alle ah. Balse, salaadda uu islaamka doonayo, uuna aqbalayo waa tan wadata khushuuca iyo iyadoo lala yimaado dhammaan axkaamta salaadda.

Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri hadal uu macnahiisu ahaa “labo rakcadood oo si khushuuc leh loo dhammeystiray ayaa waxay ka kheyr badan yihiin dunida iyo waxa saaran”.

Rasuulka (scw) salaadda ayaa u ahayd waxa uu ku il-qabowsado, wuxuuna ku oran jiray mu’adinkiisa Bilaal “noogu raaxeey Bilaalow”. Qofka mu’minka dhabta ah markii uu salaadda galo, wuxuu gebi ahaanba ka baxaa dunida uu joogo. Wuxuu si khushuuc ay ku dheehan tahay ula faqaa/hadlaa Allihii sharafta badnaa ee isaga abuuray, isaga ayuu weydiistaa waxa uu u baahan yahay, dhibaatooyinka iyo muragada haysatana wuxuu weydiistaa inuu ka qaado. Salaadda dhabta ah waxaa laga helaa xasilooni iyo degganaansho xeel dheer.

Sixir Furka Jinka Isha

70-ka danbi oo ugu waaweyn diinta Islaamka Qeybtee ayey kaga jiraan sixirka iyo Salaadoo laga tago?

Danbiga 3aad: Sixirka

Sixirku wuxuu ka mid yahay danbiyada ugu waaweyn, qofka wax sixra iyo kan sixiroolaha rumaysta waa isku danbi, waayo qofku markii uu sixiroore u tago waxa ay la macne tahay in uu awooddii Ilaahay gaarka u ahayd qof siiyay, kan wax sixrahayana waxa uu la macne yahay in uu sheeganayo awooddii Ilaahay gaarka u ahayd. Ilaahay wuxuu quraankiisa ku yiri” Shayadiintu waa gaaloobeen dadka ayay sixirka baryayaan” suuradda Al-baqarah Aayadda 102.

Markii uu nabigu Caleehi Salaatul Wasalaam (CSW) uu sheegayay danbiyada waaweyn waxa uu sheegay in sixirku ka mid yahay danbiyada waaweyn. Waxaa kale oo nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri” saddex janada ma galaan: qofka khamrada caba, qofka qaraabo goyska ah iyo qofka rumaysta sixiroolaha” waxaa soo wariyay Imaam Axmed.
Shareecada Islaamku waxa ay qabtaa in haddii la helo dawlad shareecada Islaamka wax ku xukunta la dilo qofkii lagu ogaado in uu wax sixro.

Danbiga 4aad : ka tagidda Salaadda (taariku salaad)

Waxaynu la soconaa in salaaddu tahay tiirka labaad ee diinta Islaamka, tiirka koowaad waa qiridda Ilaahay (shahaadada). Saddexda tiir oo kale waa Soonka, Zakada iyo Xajka. Qofku marka uu ashahaadanayo waxa ay la macne tahay isaga oo leh “ Ilaahay kaliya ayaa jira, nabi Maxamedna CSW waa rasuulkii Ilaahay, taas oo macneheedu yahay in qofku u hogaansamo Ilaahay iyo rasuulkiisa isaga oo samaynaya wax kasta oo ay fareen in uu sameeyo isla markaasna iska daynaya wax kasta oo ay ka reebeen. Haddaba salaaddu waxa ay ugu horraysaa wax yaalihii Ilaahay ina amray.

Maadaama tiirarka kale ayan ahayn kuwo si joogta ah la isaga doonayo oo waxaynu la soconaa in Soonkii sanadkiiba hal-mar ah yahay, Zakadana dad hantida leh kaliya laga doonayo, Xajkana sanadkiiba hal mar ah laga doonayo qofka awooda.

Salaaddu waxa ay noqotay waxa kaliya oo lagu qiyaasi karo inta ay daacadnimada qofka iyo inta uu qofku Ilaahay adeecayo ay le’eg yihiin.

Ilaahay meelo badan oo quraanka ka mid ah ayuu uga hadlay muhiimadda ay salaaddu leedahay iyo waliba in Ilaahay cadaab u ballan qaaday kuwa salaadda ka taga.

Ilaahay markii uu ka hadlayay dadka la caadaabayo wuxuu inoo sheegay in markii la waydiiyay sababta ay cadaabta ku mutaysteen, ay sheegeen danbiyada ay ku mutaysteen naarta, danbiga ugu horreeya oo ay naarta ku mutaysteen waa in ayan tukan jirin. Suurada Al-mudathir Aayadda 42—48.

Waxaa nabiga CSW laga soo wariyay in uu yiri “ qofka iyo gaalnimada waxaa u dhexeeya salaadda, haddii uu ka tagana waa gaaloobay”.

Salaadana waa in uu qofku u takado sida ay tahay, waana in uu tukado salaad kasta waqtigeeda. Nabigeena CSW wuxuu ina amray inaan carruurteena salaadda barno.


Wayaabihii Sixir Ku SooArooray

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Dhab ahaan yey u ogaadeen in ruuxii sixir barta uusan aakhiro nasiib ku lahayn] Al-Baqarah 102.

Waxaa kale oo uu Eebbe yiri:
[Waxay rumeyn sixir iyo shaydaan] An-Nisaa' 51.
Waxaa Cumar yiri:"Jubtigu" waa sixirka, "Daaquudkuna" waa shaydaanka.

Jaabirna wuxuu yiri: "Daaquudka ama Shaydaanka" Waxaa looga jeedaa faalallowyo shaydaanku ku soo degi jiray, xaafad kastana mid baa deggan.

Abuu Hurayrana, Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri: Nabiga ayaa wuxuu yiri:"Toddobada wax halaagta ka fogaada. Waxay dheheen: Nabigii Ilaahayaw, oo toddoba-daasi maxay tahay?

Wuxuu yiri: In Ilaah loo shariig yeelo, iyo sixirka, iyo in Naf aadane oo Ilaah xaaraameeyay gardarro lagu gooyo, iyo in ribada ama dulsaarka la cuno, iyo in dagaalka Jihaadka ah laga baqdo, iyo in Marwooyinka dhowrsan ee mu'miniinta ah dhillonimo lagu xanto".

Jundub waxaa laga soo weriyay, in uu yiri:"Sixirrowga dawgiisu waa in seef qoorta looga gooyo".
Waxaana Bukhaari ka soo weriyay Bijaale bin Cabdah in uu yiri:
Cumar Bin Khidaab ayaa na faray in aan dilno sixirrow iyo sixirray kasta, kolkaas baan saddex sixirrow dilnay.

Waxaana Xafsa Allaha ka raalli noqdee, laga sheegay in ay fartay in la dilo gabar boy u ahayd oo sixirtay, kolkaas baa la dilay.

Sheekadan oo kalena waxaa laga soo sheegay Jundub.
Axmad ayaa arrinta sixirrowga dilkiisa ah ka soo sheegay saddex asaxaabtii Nabiga ka mid ah.

Wayaabihii Ku Soo

Arooray Sixir-furka

Jaabbir waxaa laga soo weriyay in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, laga warsaday sixir-furka, kolkaas buu yiri" Waxay ka midtahay falka shay-daanka"{Axmad, Abuu Daa'uud}. Wuxuu yiri: Axmad ayaa la waydiiyay arrintaa, kolkaas buu yiri: Ibnu Mascuud waxyaabahaa oo dhan wuu necbaa.

Bukhaarina waxaa Qataada looga soo weriyay"Waxaan Ibn Musayib ku iri: Nin jinni hayo ama naagtiisa laga jeedshay, ma la furdaaminayaa ama la sixirfurayaa?: Wuxuu yiri: waxba kuma jabna, maxaa yeelay wax wanaajin uun bay ku doonayaan, wixii wax anfacayana lama diidin".

Xasanna waxaa laga soo weriyay in uu yiri:"Sixir ma furo qof aan sixirrow ahayn".
Ibnul Qayim wuxuu yiri: Sixirfurku, waa in sixirka laga furdaamiyo qofka sixran, waana laba jaad:
Midkood waa in sixir kale lagu furdaamiyo, waana kaas midka falka shaydaanka ka mid ah, hadalka Xasan yirina kaas baa looga jeedaa, maxaa wacay kan furdaaminaya iyo kan laga furdaaminayo ayaa shaydaanka ugu dhawaanaya wixii uu jecelyahay, kolkaas baa falkiisu ka burayaa qofka la sixray.
Kan labaadna, waa in lagu furdaamiyo tufta iyo cawdibillaysiga iyo daawooyinka iyo ducooyinka bannaan, kaasina wuu bannaanyahay.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA


Tan 1aad: Waa in la diiday sixirfurka (iyo Jinni furka iwm).
Tan 2aad: Waa in la kala saaray waxyaabaha la ogolyahay in lagu sixir furo iyo waxyaabaha la diidayo si qaladka loo saaro.

MAS'SHAKIGA , WERWERKA IYO BAQAHA

Haddii qof aad u aaminsan yahay in wax dhibaato gaadhsiin karaan baqaha uu ka baqaayo waxaa ayaaba cudur ku keeni kara. Bari ayaa laygu yeedhay qof dumar ah oo ilma ka soo dhacay oo wali dhiig yar ka socdo.

Geedkii liin macaanta ayaa gurigooda ku ag yaalay markaa waxaan kula taliyey inay cabto koob liin macaan ah ( liin macaanta waxaa ku jira feetamiin C oo xooggeeya xididdada dhiigga ) way cabtay liintii in kasta oo ay ka baqaysay inay dhibaato u keento. Baqeheedu aad buu u waynaa oo muddo yar kadib ayey aad u xanuunsatay ( bukootay ).

Waan baadhay hase ahaatee wax la taaban karo ama la tilmaami karo oo hayey ma jirin.Waxaan isku dayey in aan u caqli celiyo waxaan ku iri wax khatar ama halis ah naftaada kuma jirto.

Waxay igu tiri waan u dhimanayaa ugu dambayntii waxaan ku muday irbad biyo sifaysan ah biyaha sifeeysan waxba ma daweeyaan hase ahaatee qofka dumarka ahi irbadaha ayey aad u aaminsanayd markaana si dhaqsa ah ayey u bugsatay.

Liin macaantii la tuujiyey waxba ma yeelin waxaa wax yeelay aaminaaddii inay ku xanuunsanayso. Wixii bogsiiyeyna waa irbaddii ee ay aaminsanayd markaad gees ka eegto waxaan caawiyey qof dumar ah.

Laakiin markii aan aad uga fakaray arintan waxaan aqoonsaday in aan qalad ku sameeyey waayo waxaan ka dhaadhiciyey inay aaminto waxyaabo aan dhab ahayn waxaan goostay in aan qaladkan toosiyo dhowr maalmood kadib ayaan qofkii dumarka ahayd ku noqday markaana way bogsatay waxaan waydiistay inay raalli iga ahaato. Waxaan isku dayey inaan garansiiyo in aanay ahayn wixii ay ku buksootay liinta, irbadaha iyo aaminaadda xoogeeda. Sidaa daraadeed waxaa laga yaabaa in iyada iyo reerkeedaba baqaha aad ugu yaraado oo ay wanaagsanaato sida ay u daryeelaan caafimaadkooda, waayo caafimaadku wuxuu xidhiidh la leeyahay aqoonta iyo baqa la'aanta.

FALKA, SIXIRKA IYO ISHA

Qof kasta oo is leh waa lagu falay ama waa lagu galay bukaankiisa waxaa dhici kara inuu ka imaanayo aqoon la'aan iyo baqo uu qabo dadka wax falaa cidna wax ma yeeli karaan idanka Ilaahay mooyaane.

Dadka qaar ayaa mooda in la falay marka cudur aan la garanayn ama ka argagixiyaa helo. Mar walba waxaad la tashataa culimada Alle yaqaanka ah ee miraha diineed leh lana yaqaan.

Ha ku lumen lacagtaada dadka falanfllowyada ah iyo kuwa yiraahda waxayna tunnaa saarka iwm. Haddii cudur halis ahi ku hayo doono gargaar dhakhtarnimo. Daawooyinka guriga qaarkood si toos ah ayey jirka u daaweeyaan Ilaahay idinki. Way xoog badan tahay awoodda ay wax ku bogsiiyaan waxyaabaha la aaminsan yahay. Tusaale ahaan nin madaxa aad u xanuunayo ayaa qof dumar ah waxay siisay xabad nanac duray oo xanuunka bi'isa. Ninkii wuxuu rumaystay oo xanuunkii si dhakhso ah ayuu uga tagay.

Waxaa hubaal ah in rumaysigii uu rumaystay dawadeedii ay wax u tartay ee nacnac durayga aanu waxba u tarin. Daawooyin badan oo kuwa hidaha ahi sidan ayey wax u daaweeyaan.Wax tarkooda waxaa u sabab ah kalsoonida dadku ku qabo.

W.Q.Axmed X.Cabdullaahi

Xanuunada Sixirka

Si ahaan tiisaba sixirku si kastaba ha ku yimaadee haddii uu qofka ku dhaco waa xanuun ka mid ah xanuunada aadamiyaha ku dhaca uguna baahan siday ugu baahan yihiin daawo .

Waxaa waligedba jirtay in si aad iyo aad udarran looga baqo sixirka ,kabaqashahaana wxaa abuura u helitaan la’aan aan loo helin daawooyin si rasmi ahaana loo wadayaqaano xanuunadiisa oo markaa loohelana dadku ay u arkaan wax sahlan oo laga daawoobi karo .

Haddaba dadku aad ayey uga baqaan xanuunka markaa aan daawo rasi ah loo helin sida : Juudaanka , Aydhiska , Sixirka, Kansarka, Barasta iyo wixii la mid ah…

Haddaba waxaa suuragal noqotay in lagu guulaysto in loo helo dhammaan xanuunada sixirka nooca ay doonaan ba ha ahaadaane daawooyin aan ka tagahaynin xanuun kamid ah xanuunada sixirka iyada oo lala qaba noocyo badnaan tooda boqol kii ba sagaashan iyo shan waa sahal sida loo helo marka baadhitaan lagu samaynaayo waxyaalaha lagu dareemo ,noockastaana wuxuu leeyahay daawo u gaar ah boqolkiiba shanna aad ayey u qarsoon tahay waxyaalaha lagu dareemaa suuragalna ma aha in laga garto xanuunada kale in loo fuliyo mooyaane baadhitaano guud ahaaneed oo ugaar ah sida loosoosaaro dareemada qarsoon ee xanuunada sixirka sheegaysana waxa aan ka mid ahayn xanuunada sixirka kadibna la siiyo daawadiisa illaaya oo qofku saani uga bogsado .

Gelitaanka Jinku uu galo jirdhka Aadmiga

Hadday ahaato xagga galitaaka jinku uu galo jidha aadamiyaha kaasoo noqday mid khilaaf weyn ka yimaado markay noqoto muslimiinta dhexdooda ,waxaanu u kala qaybsamaa laba qayboob :

1= wuxuu galitaanka samaynayaa jinku isaga oo laga soo amray oo laga soo qasbay xaga sixiroolayaasha.

2= wuxuu galitaanka samaynayaa oo uu qofka ku galayaa ikhtiyaarkiisa (is ahaantiisa ).

Haddaba waxay keentay natiijadii baadhitaanadu majaalkan : in la helo hab istaraatiiji ah oo saddex geesood ah raaligalinayana saddexda dhinac: dadka xanuunsanaya iyo jinka wax galaya iyo dadka wax daaweeya iyada oon midna saddexdaa dhinac kamid ahina aanu lakulmin mushkilado .

Haddaba hadduu jinku ka mid yahay muslimiinta daawadu manoqonayso mid fog maxaa yeelay islaamku waa sida dunta tusbaxa oo kale muslimiintana wuxuu u kulminayaa insigooda iyo jinkoodaba dariiqada ugu fudud ee ugu fiican.

Haddaba haddaanay aheyn muslimiin waxay leeyihiin nidaam kale oo loo daaweeyo .

Waxaynu halkan ku soo qornay waxaa loo qoray si jumlad ah oon laka la saarin taasna waxaa kalifay iyada oo aan loohayn eray bixino laga yaqaano dadka dhexdooda illaa in yar mooyaane oo ka mid ah xanuunada sixirka

Si kastaba ha ahaatee waxaynu soo sheegnay in kabadan laba boqol oo daawo…


Taasi waa qayb ,qayb kale oo muhiim ahina way haddhay haseyeeshee halkan laguma qorin siyaabo daraadood waxaanay imaanayaa waqti munaasib ah .




Casharo la xiriira Muxaadarooyin Maqal iyo Muuqaalba Dhamaanba Link Hoose ka Dooro

Muxaadaro Muuqaal ah oo ku saabsan sixirka isha jinnka dadka gala
halkaan ka daawo Riix Halkaan
Sidoo kale Muuqaal kale oo ku Saabsan ila sixirka isha jinnka dadka gala
Halkaan ka daawo Riix Halkaan 2


Muxaadarooyin Maqal ah Mp3
Halkaan ka Soo Dajiso Muxaadarooyin Maqal ah  ku Saabsan Sixirka isha Jinnka Dadka gala
Riix Halkaan

Wabilaahi Towfiiq 

Geeridii Nabiga NNKH

Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday. Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi), Faaduma ayaa tiri: "Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: "soo gal Bilaal", waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri: Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq.

Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah. Masjidkii ayuu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri "Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso" Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri " Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?" waxay tiri Faadumo "Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen".

Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: "Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro".

Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: "Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo".

Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: "Assalamu calaykum ma soo galaa?" Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: "Ninyahow rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa"!!

Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka NNKH ayaa Faaduma ku yiri: "Ma garanaysaa ninka?". Faaduma waxay tiri: " Maya" rasuulku wuxuu yiri: "waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt".

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: " masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)" wuxuu kaloo rasuulku yiri:" malakul'mowdow soo gal" wuuna soo galay malakul'mowt, wuxuuna yiri. "Assalamu calayka yaa rasuullulaah" rasuulkuna wuxuu yiri "wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?".

Malakul-mowt wuxuu yiri: "waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:"waxaan uga soo tagay samada adduunyada", isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: "miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:"waan ogahay rasuulkii Illaahayow".Rasuulku wuxuu yiri: " iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)".

Malakul-jibriil wuxuu yiri: "albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii Illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay". Rasuulku wuxuu yiri: "iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?".Malakul-jibriil wuxuu yiri: "waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha Illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan".Rasuulkuna wuxuu yiri: "hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii".

Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow ii soo dhowow". Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu yiri: "maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka", wuxuu kaloo yiri: "malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?". Malakul-jibriil wuxuu yiri " Illaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya". Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: " Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.

Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:

Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha NNKH.

Qisaddii Nabi Ismaaciil c.s

Sababtii keentay in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo Wiilkiisa Ismaaciil CS.Sababta keentay in Nebi Ismaaciil CS la amro in la bireeyo xaqiiqada Illaah baa garanaya, balse sida la sheegay Nebi Ibraahiim CS ayaa sadaqeeyey 1.000 Neef oo Ari ah, 300 oo lo'ah iyo 100 Neef oo Geel ah, wuxuuna ku baxshay jidka Illahay, dadkii ayaa la yaabay, markaabaa Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri "waxaan baxday agtayda waxba kama ahaa, balse Illah baan ku dhaartee haddii uu ii ahaan lahaa wiil jidka Illahay ayaan u bireyn lahaa, Illahey ayaana ugu dhawaan lahaa "markii uu saas yiri Nebi Ibraahiim CS waqti badan ayaa la joogay, kaddib Illahay ayuu weydiistay awlaad,(ilmo) Illahayna wuu ka aqbalay, waxaana loogu bishaareeyey walad, waxaana loo dhalay Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS markuu weynaaday ee uu gaaray dhowr sanno, ayuu Nebi Ibraahiim (CS) ku riyooday isagoo bireynaya wiilkiisa Ismaaciil CS, laguna yiri oofi nadarkaagii (dhaartaadii hadda ka hor).Markii waagu beriyey ayuu ku fekeray tolow ma amar xag Alle ka yimid baa riyadu, mise waa shaydaan.Galabtii ayuu haddana ku riyooday wuxuuna xaqiiqsaday in xagga Alle laga amray, inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil CS. Maxaa yeelay Riyada Nebiyadu waa xaq, waxayna la mid tahay iyadoo loo waxyooday. Nebi Ibraahiim (CS) wuxuu ku yiri, Haajara oo ahayd Nebi Ismaaciil hooyadiis "Wiilka dhar fiican u xir meel baan aadaynaayee "hooyo Haajara Ismaaciil CS dhar fiican ayey ugu labistay wayna u subagtay, wayna u shanlaysay. Nebi Ibraahiim CS wuxuu qaatay xarig iyo mindi, waana is raaceen isaga iyo Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS aabihiis ayuu hor socday in la biraynayana ma ogeyn isaga iyo hooyo Haajaraba. Ibliis (shaydaan) ayaa damcay inuu ka faa'iidaysto, markaa buu Nebi Ibraahiim CS ku yiri: "miyaadan arkayn wiilkaan baa la qali karaa?".
Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "Illahay ayaa i amray, waana biraynayaa"
Ibliis markuu ka quustay Nebi Ibraahiim CS ayuu u tagay Hooyo Haajara wuxuu yiri "halkaan ayaad iska fadhisaa Ibraahiimna wuxuu doonayaa inuu bireeyo wiilkaaga Ismaaciil ah".
Haajara waxay tiri: "iga daa beenta, xaggeed ku aragtay aabbe Ilmihiisa biraynayaa?".
Ibliis wuxuu yiri: "Saas daraadeed ayuu u qaatay xarig iyo mindi".
Haajara waxay tiri: "Maxaa kalifay inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil?".
Ibliis wuxuu yiri: "Wuxuu sheeganayaa in Illahay amray".
Haajara waxay tiri: "Koley Baadil Illahay amri maayo".
Markii Ibliis Haajara ka quustay ayuu aaday wiilkii yaraa ee Nebi Ismaaciil ahaa,si uu u fidneeyo, wuxuuna yiri: Waad faraxsan tahay oo waad iska cayaaraysaa; Aabbahaana wuxuu kuu wataa xarig iyo mindi,wuxuuna doonayaa inuu ku bireeyo.

Ismaaciil wuxuu yiri: "war beenta iga daa, maxaa aabahey ii biraynayaa?".
Ibliis wuxuu yiri:"wuxuu sheeganayaa in Illahay amray inuu ku bireeyo.
Ismaaciil CS wuxuu yiri: "waan maqlayaa waana adeecayaa (yeelayaa) amarka Illahay".
Ibliis markuu doonay inuu hadal kale u celiyo ayaa Ismaaciil CS qaatay dhagax, wuuna ku tuuray, wuxuuna uga dhuftay isha bidix, Ibliis waa iska tagay isagoo hoogay oo khasaaray.
Nebi Ibraahiim (CS) iyo Ismaaciil markay gaareen meel la yiraah mina oo u dhaw kacbada ayaa Nebi Ibraahiim CS ku yiri Ismaaciil "wiilkaygiiyoow waxaan riyo ku arkay aniga oo ku biraynayaa ee maxa ra'yigaagu yahay?".

Ismaaciil wuxuu yiri: Aabbaheeyow samee waxa Illahay ku amrayo, waad i heli doontaa haddii Alle idmo inaan ka mid ahay dadka wanwanaagsan. Nebi Ibraahiim CS markii uu maqlay hadalkii wiilkiisa Ismaaciil, wuxuu qiray(Ogaaday)in Illahay u ka ajiibay ducadiisii hadda ka hor uu Illahay ku baryay oo ahayd:(Rabbi hablii minal salixiin)

Nebi Ibraahiim CS Illahay ayuu ku xamdiyay intaa kaddib nebi Ismaaciil CS ayaa yiri: Aabaheeyoow waxaan kuu dardaarmayaa dhowr shay:-
Markii aad i biraynaysid iga xir gacmaha si aanan kuu dhibin.
Wajigayga iska sii jeedi waxaa laga yaabaa inaad wajigayga ujeedo inaad iga naxdo, oo aad ii naxriisato.
Dharkaaga xaydo (kor u qaado) si aan dhiiggu kuugu faniinin, hooyadayna inta kugu aragto dhiigga aysan ku murugoon, anna ajarku iiga nusqaamin.
Afayso midida kuna dhaqso biraynta si ay iigu fududaato sakaraatul mowdku, maxaa yeelay mowtku waa daran yahay.



Qamiiskayga u gee hooyadey ha igu xasuusatee.
Aabbe hooyaday igu salaam, waxaadna ku tiraa ku samir amarka Illahay.
Aabbe hooyo ha u sheegin sida aad ii biraysay,xariggii aad igu xirtay IWM.
Aabbe hooyaday: yaysan u soo galin Ilmaha anigoo kale ah way i xasuusanaysaaye, markaas bay murugoonaysaaye.

Aabbe haddii aad aragto wiil anigoo kale ah ha-fiirin yaadan murugoonee!
Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "wiilkaygiiyow waxaad iigu kaalmaysay amarkii Illahay i faray".

Nebi Ibraahiim CS wuxuu guda galay inuu legdo (dhinaciisa dhulka dhigo) wiilkiisa Ismaaciil CS si uu u bireeyo, wuuna legday, middidii ayuuna surka uga kir-kiray intii xooggiisa, balse waa awoodii waayey inuu ku jaro middida qoorta wiilkiisa Ismaaciil CS.
Malaa'igta Illahay markii ay arkeen Ibraahiim CS oo biraynaya wiilkiisii Ismaaciil CS waxay u hoobteen Sujuud,
Illahay ayaana ku yiri: fiiriya addoonkayga sida uu ugu kir-kirayo (marmarinayo) middida qoorta wiilkiisa, isagoo rilaheyga dalbay (doonaya).

Ismaaciil CS wuxuu yiri: "Aabaheeyow ii sii daa gacmaha iyo lugaha oo iga fur xariga, yaan la ii malaynin in la i qasbayo, oo aan diidanahay amarka Illahay, ina gowrac anoon gacmo xirneyn.
Nebi Ibraahiim CS waa ka furay xargihii lugaha iyo gacmaha, mar labaad ayuuna middidii ku kir-kiray, wiilka surkiisa intii xoggiisa ah, markaas baa middidii afka ka soo laabmatay, waxna u goyn weysay.

Ismaaciil CS wuxuu ku yiri Aabihiis Ibraahiim "Aabbe xoogaagii ayaa daciifay jeclaanta aad i jeceshahay awgeed, mana awoodid inaad i birayso".
Nebi Ibraahiim CS middidii ayuu ku garaacay dhagax, markaas bay dhagaxii labo u kala goysay, afka middidu leedahay awgeed.
Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "middidani way kala goynaysaa dhagaxa, hilibkana goyn meyso!!
Nebi Ibraahiim CS middidii ayaa la hadashay oo tiri "Ibraahiimow waxaad i leedahay wax goy, Illahayna wuxuu i leeyahay ha goyn, ee sideen amarkaaga u yeelaa, Illahayna u caasiyaa?".
Intaas markii xaaladdu marayso ayaa Illahay u naadiyey kuna yiri Aayadahaan qur'aanka ah.
Illahay wuxuu u keenay Wan wayn oo laga keenay sida la sheegay jannada, waxaana lagu beddelay Nebi Ismaaciil CS.
Jibriil oo la socday wanka, ayaa yiri:Allahu akbar, Allahu akbar,allahu akbar.
Nebi Ibraahiimna CS wuxuu yiri:"laa ilaaha ilalaah wallahu akbar".
Nebi Ismaaciilna CS wuxuu yiri: "Allahu akbaru wallilaahil xamdu"
Sidaas daraadeed ayaa takbiirta la qaadaa maalmaha ciidda Carafo, inagoo ku dayanayna Nebi Ibraahiim CS.

Nebi Ismaaciil CS waa awoowga kore ee uu ku abtirsado Rasuulkeenna Muxammad NNKH.
Nebi Ismaaciil CS wuxuu ku soo barbaarey Makka Al-Mukarama.
Nebi Ibraahiim CS wuxuu Nebi Ismaaciil CS Illahay siiyey isagoo 87 jir ah.
Hooyaddii Haajarana waxay ahayd addoon (booyaas) ay leedahay oo u shaqeysa xaaskii kale ee Nebi Ibraahiim markay waxba u dhali weyday ayey ku dartey booyaasadeedii Haajara aheyd, halkaas oo Illahay Nebi Ismaaciil ka beeray.
Nebi ismaaciil walaalo waxaa la dhashay hal wiil, wiilkaas oo ahaa Nebi Isxaaq CS.
Nebi Ismaaciil CS wuxuu Nebi Isxaaq ka weynaa 14 sanno.
Nebi ismaaciil (CS) wuxuu dhalay 12 wiil, dhammaantoodna waxay noqdeen Awoowe-yaal lagu abtirsado, Nasabka Nebi Ismaaciil (CS) waxa ka soo jeeda Carabta-Mustacribadda la yiraahdo.
Nebi Ismaaciil wuxuu noolaa 137 sanno, wuxuuna ku dhintay Mako, oo uu ku aasan yahay.
Intaas waxaa inoogu dhamaaday Qisadii Nebi Ismaaciil CS oo kooban.

Wadaddii Rasuulka NNKH

Rabi isaga oo amaanaya Rasuulkiisa s.c.w, wuxuu leeyahay:
"Waxaad ku sifowday akhlaaqda tan ugu wanaagsan" (Al-qalam4)
Akhlaaqdaas waxaa ka mid ah in dadka lagu kasbado jaceyl, hadal san, dhaqan fiican, wax bixin (deeqsinimo), anshax wanaagsan.
Waxaa ka mid ah in qaraabada lagula noolaado kuwa dhow iyo kuwa fogba dabci wanaagsan. Sidoo kale waxaa ka mid ah in dadka loo sahlo umuur kasta oo kheyr ku jiro, in loo cafiyo wixii xaquuq ah ee lagu leeyahay, iyo in laga tago is jaridda ama goynta.

 Nebigeena (scw) wuxuu ku sifoobay waxaas oo akhlaaq wanaagsan ah, wuxuuna ahaa qof dhammeystiran.
Bal hadda nakeena walaalayaal aan aadno guriga Nebiga (scw), marka aan gaarno aqalka Nebigu (scw) waxaan arkeynaa in Nebigu (scw) uusan is kellifi jirin si uu u helo dhar iyo cunto.
Nebigu (scw) wuxuu xiran jiray wixii ay u sahlan tahay heliddiisa, hase yeeshee marka uu qaabilayo wafdi ama ay tahay munaasabad ciideed, wuxuu xiran jiray dharka ugu heerka sarreeya.
Nebiga wuxuu cuni jiray wixii uu helo, haddii uusan waxba helinna wuu iska seexan jiray isagoo calool maran, waxaana dhici jirtey in uu caloosha dhagax ku xiro si aan loo dareemin in uu baahan yahay.
Nebigu (scw) hadii uu helo firaash harag ah ama derin ah wuu ku seexan jiray, hadii uusan midna hellina wuxuu seexan jiray dhulka.
Haweenkiisa sharafta lihi (hooyooyinka mu'miniinta) wey ugu sabri jireen arrintaasi. Nebiguna (scw) wuu la yaabi jiray sabarkooda, waayo isagu ma dooneyn adduun. Waxaa dhacday in mar ay haweenka Nebiga tashteen oo ka wada hadleen ciriiriga ay ku jiraan xagga marashada iyo masruufka iyadoo haweenka kale ay nimceysan yihiin. Rasuulaku (scw) aad ayuu ugu xumaaday arrintaai, wuxuuna haweenkiisa ka haajiray muddo bil ah isagoo aan la hadleynin ilaa uu Allaah ka soo dejiyey aayado lagu doorrimaad gelinayo haweenka Nebiga.

Alle wuxuu aayadahaasi ku leeyahay: "Allaah sidaas ayuu la rabaa Rasuulkiisa, idinkuse haddii aad dooneysaan adduun iyo dhalaalkiisa kaalaya waa la idiin dhaqaaleynayaa oo la idin furayaa idinkoo nimceysan. Hase yeeshee haddii aad dooneysaan Alle, Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, Rabbi wuxuu u diyaariyey ajar aad u weyn midiina samafalka badan".(Al-Axzaab)

Ugu horeyntii Nebigu (scw) wuxuu doorimaad geliyey Caa'isha wuxuuna ku yiri: "La tasho waalidkaa, isagoo is leh wey da'yar tahay"
Caa'ishana waxay ugu jawaabtay: "Ma adigaan kaala tashanayaa waalidkey? waxaan doonayaa Alle, Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro".
Rasuulka Haweenkiisa kale oo dhana waxay yiraahdeen sidaas.

Caa'isha Waxaa la weydiiyey sidii Nebiga (scw) ahaa marka uu joogo aqalkiisa, waxayna tiri: "Wuxuu ahaa qof ka mid ah dadkiisa, wuxuu tolan jiray maradiisa, wuxuu maali jiray ridiisa, wuxuu xaaqi jiray aqalka, wuxuu kaalmeyn jiray xaaskiisa".

Maalik wuxuu yiri: "Nebiga (scw) waxaan u adeegayey 10 sannadood, welina iguma oron Uf, Nebigu ma dhihi jirin arrin aan sameeyey maxaad u sameynsay, arrin aan ka tageyna maxaad u sameyn weyday ima uusan oran".

Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa oo safar ah ayaa waxaa la gaaray waqtiga cuntada, waxayna go'aansadeen inay ri' qashaan, markaa ayaa saxaabadii midkood yiri: " waxaan gowracayaa rida", mid kalena wuxuu yiri: "waxaan ka saarayaa haragga", mid saddexaadna wuxuu yiri "anigana waxaan doonayaa qoryihii". Markaas ayaa saxaabadii ku yiraahdeen "Rasuulka Allow annagaa kaa kaafineyna, laakiin wuxuu ugu jawaabay "Waan ogahay inaad iga kaafineysaan, laakiin waxaan kahanayaa inaan idinka duwanaado, Rabbi wuxuu ku nacaa addoonkiisa inuu ka duwanaado addoomihiisa kale".

Nebigena suuban wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle, cibaadadiisuna badan tahay oo og inuu Rabbi daalacanayo, wuxuu u istaagayey habeenka Salaatu-Leyl ilaa ay caguhu ka bar bararaan, indhahiisuna la ilmeeyaan cabsida Alle dartii, haba sii bataane marka la gaaro Ramadaanka.

Nebiga wuxuu ahaa mid daa'ima xuska Alle oo mar walba yiraahda "Bismillaah" marka uu cunayo, cabayo, marka uu istaagayo, marka uu wax sameynayo ama wax bilaabayo, wuxuu dhamaan oran jiray Nebiga (scw) "Bismillaah".

Su'aalo iyo Jawaabo

 

© Copyright QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa 2010 -2011 | Design by Herdiansyah Hamzah | Published by Borneo Templates | Powered by Blogger.com.